Tartankii Orodka Half Maraton-ka oo Maanta Hargeysa Ka Qabsoomey iyo Magacyada Oradyahanadii ku guulaystay Tobonka Kaalmood ee ugu horeeya.

 


Hargeysa (TNN)-Tartankii orodka ee 21-Km ee Half Maraton-ka ayaa maanta la qabtey  Magaala da Hargeysa, tartanka oo ay ka qayb galayeen 180 orod yahan oo ka kala socday Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland , waxaa maalgelisey Hay’ada Wadaniga ah ee ODHA waxaana soo qaban qaabiyey Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland, isla markaana u diyaar garaw balaadhan  lo ogu jiray Maalmihii u dambaysay iyada oo ay Dhalinyarta Reer Somaliland dedaal adag ugu jireen sidii ay uga qayb qaadan lahayeen Tartankani.

Tartankai oo ahaa Markii labaad Ee Uu Somaliland Ka Qabsoomo Ayaa waxaa Fikirkiisa Lahaa  Hay ada Wadaniga ah Ee ODHA Waxaana si weyn usoo qaban qaabiyey Xidhiidhka Ciyaarha Fudud Ee Somaliland Oo Dhawaan La Doortey.

Tartankani oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa waxaa Uu Galabta kasoo bilaabmey Deegaanka  A baarso Oo Qiyaas Ahaa 21KM Dhinaca Galbeed Xigta Magaalada Hargeysa.

Waxaana Ka qayb galley Daawshada TartankaniMasuuliyiin kale duwan oo ay kamid Yihiin  Gudoo miyaha Gobolka Maroodijeex Md Axmed Cumar Xaaji C/laahi {Xamarje},Gudoomiyaha Hayada  W ad aniga ah Ee ODHA oo Laheyd Fikirka Tartankani iyo Maalgelintiisaba Marwo Faadumo Siciid ,Ag aasimaha Wasaarada dhaqallinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Md Mustafe Qoadax Iyo  Masuuliy iinta Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud,Ugu Horeyn Masuuliyiintani oo Goobjoog ka ahaa goobtii ay  kas oo dhaqaaqayeen Orodyahanadu ayaa waxaa ay hadalo kalla duwan oo isugu jirey dardaran iyo mahad naq ay kajeediyeen Goobtaasi.

Ugu Horey Agaasimaha W.Dhallinyarada,Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Md Mustafe Qodax Oo Kahadlaayey Bilaabitaankii tartankani ayaa ugu horey umahad naqey Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Oo Tartankani fikirkiis laheyd maalgelisayna.waxaa kale uu agaasime Mustafe kula  dardaa mey dhallinyarada orodyahanada ah ee tartameysa iney is sharci ah ay utartamaan oo ay  kalso oni muujiyaan.waxaanu gabagbadii sheegey iney manta tahey maalin guulweyn u leh Somaliland.

Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Oo Munaasibadani  kahadash ey ayaa ugu horey Hambalyo udirtey dhamaan dhallinyarada ka qayb galeysa  Tartankani.waxaa n a hadaladii Gudoomiyaha ODHA Kamid ahaa{Maanta Aniga Farxad Weyn ayey ii tahey,waxaana ii Rumawdey Riyo Aan muddo badan kutaamaayey .waana ilaahey mahadii in maanta tartankii  or adka ee Half Maratonka Hargeisa aynu bilawgiisii joogno,

Marwo Faadumo Siciid Waxay ku dhiirigelisey Dhallinyaradii Tartameysey Iney Abaal Marino  hellid oonaan 10 Orad yahan ee ugu horeeya,halkamarkii hore lashaaciyey uun in 3 kaalmood ee ugu horeeya ay helayaan abaalmarino lacageed.

Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid waxay Sheegtey In Sanad  ka sta wakhtigani laqaban doono tartankanioradada,ayna rajeynayaan inisha Allah Tartanka  Sanad ka dambe uu noqdo mid caalamiya oo ay kasooqayb galayaan orodyahanada geeska afrika.

Gabagabadii Waxay Marwo Faadumo Siciid Umahad naqdey Wasaarada dhallinyarada iyo  ciyaara ha,Badhasaabka Gobolka Maroodijeex iyo dhamaan ciidamada booliska iyo Taraafikada ee  ilaalina ayey Nabadgeliyada,

Muddo 1saac iyo-9minit iyo 24-sikin kadib waxaa uu orodyahankii ugu horeeyey soo gaadhey  go obtii gabagabada oo aheyd xarunta hayada shaqaalaha Dawlada,waxaa goobtaasi diyaar ku  ah aa kusugaayey Masuuliyiin uu horkacaayey Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Dhaqanka iyo  ciy aaraha Somaliland Md Maxamed Ibaraahim Madar, Gudoomiyaha Olampikada Somaliland iyo Dr Dixood Oo Dhawaan M/weyne Silaanyo U magacaabey Lataliyihiisa gaarka ah iyo Boqolaal   dadw eynaha Reer Hargeysa ee Xiiseeya Tartamada Orodada.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Ibraahim  M adar oo gabagabdii Tartankani kaahdleya yaa ugu horeyn Hambalyo Udirey Dhamaan kazoo qayb galayaashii tartankani gaar ahaa orodyahanadii ugu sareeyey oo uu ugu mahad naqey  dadaalk ooda ay sameeyeen.

Md Madar waxaa uu Hambalyo Balaadhan usoo jeediyey Gudoomiyaha Hayda Wadaniga Ah Ee  O DHA Marwo Faadumo Siciid Oo Uu Uga mahad naqey sida firfircoonida leh ee ay ugu dhexmuuqato wakhti kasta Hurumarinta Dhallinyarada Somaliland Waxaa Wasiirku Ugu Baaqey Bulshada  Soma lila nd Iney kudeydaan Talaabada Fiican ee Ay Sameeyeen Hayada ODHA.



Guddoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Md Siciid Mire oo gabagabadii ku dhawaaqe dhallinyaradii kaalmaha hore ka gashey tartankania yaa sheegey in Tartanka  Oro dka oo Maanta Qabsoomey laga soo bilaabay Abaarso, isla markaana uu ku soo xidhmayay  xaru nta Hay’ada Shaqaalaha, waxaana masaafadaa u dhaxaysay 21Km, iyada oo uu ku guuleystay Kaalinta Koowaad Maxamed Maxamuud Maxamed oo ku orday 1-saac, 9-minit iyo 24-sikin, waxa ana kaalinta labaad ku guulaystay Jimcaale Axmed 1-saac, 10-minit iyo 20-sikin, Kaalinta  Sadex aadna waxaa ku guuleystay C/laahi Maxamed Shaqalle -------1-saac 11-minit iyo 92-sikin

Kaalinta Afraad Maxamed Xasan Nageeye 1-Saac, 13-Minit iyo 55-Sikin

Kaalinta Shanaad Maxamed Cilmi Beegsi 1-Saac 14-Minit iyo 30-Sikin

Kaalinta Lixaad Saleebaan Faarax Xasan 1-Saac 19-Minit iyo 30-Sikin

Kaalinta Todobaad Sakariye Maxamed Cilmi 1-Saac 22-Minit iyo 40-Sikin

Kaalinta Sideedaad Maxamed Xasan Xaaji 1-Saac 23-Minit iyo 69-Sikin

Kaalinta Sagaalaad C/raxmaan Dayib Xasan 1-Saac 25-Minit iyo 39- Sikin

Kaalinta Tobnaad C/wahaab Ibraahim 1-Saac 28-Minit iyo 40-Sikin.



Waxaanu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Siciid Mire in tobonkan Ugu Horeeya abaal marino Lacageed la siin doono, tobonka kalena uu Taliyaha Ciidanka Boolisku uu balan qaaday inuu shaqaalaysiin doono oo uu ku dari doono Orodyahanada ay Ciidanku tababaraan.



Tartankani oo ahaa kii ugu xiisahabadnaa ee dhaca muddadii ay xilka heysa Xukuumada Cusub ayaa waxaa Fikirka Trtankanilahedy Hayada Wadaniga ah Ee ODHA oo Maalgelisey Tartankani.



dadweynaha ciyaaraha xiiseya kusoo dhawayeen jawi wacan.iyagoo dhamaan shacbigii iyo masuuliyiintii ka kaqayb gashey tartankani ay siweyn ugu mahadnaqeen Gudoomiyaha hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Oo Ay Ku Tilmaameen iney tahey Halyeyad dalkeeda iyo dhallinayaradeeda wax uqabaneysa.



Waxaana Lafilayaa insha Allah In Maalmaha Soosocda Xaflad balaadhan lagu gudoonsiindoono dhallinyaradii ku guuleysatey Kaalmaha Hore Ee Tartankani Abaal Marinihii Ay Ku Guuleysteen.



Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland