Tartanka iyo doorashooyinku Somaliland gudaheeda Ugub ma
ah ee waa curad shan dhal ah
“Inkasta oo Somaliland dhaako dhaako tahay oo aan weli
la ictiraafsanayn, haddana waxay dheer tah ay Afrikada
kale Golaha Guurtida iyo Qodobka distuuriga ah ee
qeexaya in loo tartamo xusbi qaranima da, taas oo lagaga
badbaadi karo kelidii talis iyo dhiig sokeeye”.
Tiraba dhawr doorashooyin iyo tartamo heer qaran iyo
heer deegaan leh, ayaa ka hirgelalay Somalilan d.
Qabsoomistoodiina deero deero ma hirdiyin, dadweynuhu
waxay muujiyeen in ay u gaadiideeen sida warqada
codbixinta sanduuqa loogu rido. Ma ah arrin Ugub ah ee
waa curad oo hore ayaa loo soo mar ay. Sidaa daradeed
waxba yaan loo dardaarinwerin oo aan lagu hadaaqin: “
haddii la furo ururo u tart ama xusbi qaranimo balaayaa
dhici doonta, oo Bilaalbaa eedaamo.”
Waxaan leeyahay hadduu eedaamo waxba kuma jabne , ha la
wayseysto oo salaada ha la oogo.
Balaayo afka lagama dhawree, Sedex xusbi Qaran oo isku
muuqaal iyo meeqaan ah, haddii habkii deked a qaranka
UDUB u maamuli jirey Kulmiye ka daba xigtey, UCIDna u
micilisanayo oo uu leeyahay waa kal kaygii, balaayo ka
daran oo shacbigan ku habsanaysa anigu ma ogi. Haddii
kheyraadka qaranka ee bad iyo berriba leh habkii uu u
maamuli jirey UDUB, KULMIYa-na ka daba xigtey, UCIDna
malihiisa u weel sam aystay, balaayo ka weyn oo dhacaysaa
ma jirto. Habkii maalqabeenka uu UDUB ula dhaqmi jirey,
KULM IYANA ka daba xigtey, UCIDna maagan yahay in uu ka
taamilo qaato, balaayo ka weyn oo dhacaysaa ma jirto.
Sidaa daraadeed doorasho, urur furasho iyo tartanku
waxay ka daawan yihiin markay suruq do ee siyaasadu
solada noocaas ah gasho ee dib mooyee hore loo durki
waayo. Markii qodobka tartan ka ururada lagu darayey
distuur ma cidbaa sii ogeyd in ay dhallan doonaan
xisbiyo diktaatooriye oo kama degey iyo gole sacab
hogaaminayaan. Tayada xusbiyadu waxay sara u kacaysaa
marka tartanka la joogteeyo.
Tartan in loo galaa jagayinka ka bannaanada shaqooyinka
qaranka waa xaq. In Warbaahinta lagu xaya ysiiyaa oo la
naadiyo, si loo helo qof u qalma oo tayadii iyo
tamardeedii leh. Xalaali waa iftiine karti, da daal iyo
daacadnimo wax lagu kala xushaana waa waajib muqdas ah
oo distoori ah, horumarkuna sida as ayuu ku jiraa.
Dimoqraadiyadu ma ah jagada Madaxweynaha oo keliya, oo
loolan loo galo, ee waa in ay taabataa jagooyinka
qaranka oo dhan.
Ha la tartamo waxaa ka duda nin dan gaar ah leh oo aan
tolaay mooyee talo kale ku laabnayn. Ha la tartamo
daacada iyo ciddii isku kalsooni ma saluugto . Waxaa ka
gubtaanyooda diktaatoor amma heer xusbi ha ahaado amma
heer qarane, distuurka iyo sharciga diintii ka
carraabay.
Waxaa ka dida nin tuur leh oo in la toosiyo ogolayn,
isna aan istoosin Karin, waayo wuxuu aaminsan yahay in
ay sidaa ugu badiso. Waxaa urusi loo saaray nin ku
doodaya shalay dhaantey oo dan gaar ah ku qabey iyo nin
ku doodaya maantay dhaantaa oo dano gaar ah ka ulanaya.
In la furo ururo taya leh oo tartanka ka qaybgalana
waxaa ka diday sedexda xusbi qaran oo aad moo do in ay ku
heshiiyeen in ay ku kaayaystaan hogaaminta qaranka sidii
kaltanka farmasiyada soo jeedka leh, oo mid waliba shan
sano ka hor todhtodhleeyo dhallinyarada baahan ee miyi
iyo magaalaba seegt ay. Waxaa kale oo ka didaya afku xoog
leh adduunyada qaybtiisii cunay, qaarna ku ammaahday oo
inta badan cimrigiisii tegey oo ah hogaamiyaasha xusbi
beeleedka aan tiro iyo cadad lahayn, islamarkaana xusbi
ahaan sida sharcigu dhigayo u diiwaangashanayn.
Labadan kooxood ee isbarkan ee ka kooban hogaanada
sedexda xusbi qaran iyo hogaanada xusbiyada beelaha ilaa
heer jilib ee soo jireenka ahaa, ee qabka qabyaalada ku
salaysani, waa dur iyo daabac, waa dameer iyo labadiisi
daan, waa beel heblaayo oo hebel u diga rogatey iyo beel
heblaayo hebel ka diga rogtey, waa siduu Maxamed Xaashi
Dhamac ku geeraraye: "Waa diin god gal, goray god gal
god diin gal, iska daba wareegii”.
Baabul khoofka, cabsi gelintu iyo distoorka oo la
jiifiyaa waa qiil jaban
Sedex da xusbi qaran ee diidan furitaanka ururo cusub iyo
mar kale in la tartamo markaad eegto dood ahoodu waa
babul khoof, oo war murtiyoodkoodii wuxuu noqday baqa
gelin: “ ibtilaa imman doonta, Bal aayaa dhici doontaa,
bilaal baa eedaami, Sh. Ciisaa afar qaadi,
Sh.Samaroonbaa sedexley tuman doon a, Sh. Isaxaaqbaa
falfaliidhmi oo waa la kala firdhan, faadhahaa jajabaaya
oo Sh. Hartaa fakanaaya, R asaas baa onkodi, haweenkaa
asay qaadi. Al-shabaab ayaa imminays iyo tororog kale”.
Waa dardaar werin aan dooc iyo dareen midna ku
dhisnayn”. Waxay baabkaa cabsi gelinta ay raaciyaan qiil
kale oo jaban: “Daruufo adag ayaa jirta, waxaynu ku
sugan nahay col iyo abaar, suurtagal ma ah xilligan in
ta rtankii distuuriga ahaa la furo.” Waxaa kale intaa sii
raaciyaan qodobka distuuriga oo shaki geliyaan oo fooda
u saaraan siday iyagu jecel yihiin.
Col iyo abaar ka weyni ma jirto distoork oo la dhawri
waayo, bal qabsoo tiiyo intana ka itaal liidata ay aa
doorashooyin la soo galay oo lib lala kala hoydey.
Dawladu ogol-diidan weeyaan waa ishaafalatayn
Kooxda golaha fulintuna, waa Dawlada eh, oo aad moodo in
ay u xuubsiibatey xusbi afraad oo aan diiw aangashanayn,
markii si aan dimuqraadiyada waafaqsanayn uu
madaxweynuhu guddoomiyanimadii mid kale ugu wareejiyey
ee ay laba kala noqdeen, iyaduna ogol-diidan weeyaan.
Mana sheegto qiil ay balla anqaadkii ku jebiso iyo awood
ay distoorka ku bedesho.
Gun iyo gabagabadii
Hogaamiyayaasha xusbiyada beelaha ee aan
diiwaangashanayni ee la magac baxay hogaamiye
dhaqa meedku, iyaguna waxay ka baqayaan in awoodoodii
hogaamineed ay sii wiiqanto oo beeshii ka kala fird hito
oo ururada ku kala biirto. Sedexda xusbi qaran iyaga oo
aan beel ka tagsanayn, haddana waa lacii fiyeen awooday
baryo qaarkood lahaan jireen hogaamiye dhaqameedkeed, oo
maalin walba mid cusub ayaa iscaleema saaraya oo kii
hore awoodiisa dhaawaca, sidaa daraadeed waxay ogyihiin
marka tarta n caqli iyo garaad ku dhisan loo gudbaba in
ay shiiqayaan.
Hogaamiyayaasha sedexda xusbi qaran iyo hogaamiyayaasha
xusbiyada beelaha ee diiwaangashanay ni waxay wadaagaan
in aan gudah xusbigooda iyo gudaha beesha midna lala
tartami Karin. In aan dha llinyarada iyo haweenku ka
qaybgelin Karin hogaaminta beesha, dhaqan diidan baa
jira oo casri jaahili gii ka sii jooga . Xusbiyada
qarankuna madaama aanay aragtidii beelaha adeegsanayaan
ma ogola in t artan afka la soo mariyo. Mar haddii ay
sidaa yihiin oo la ogaadey in aan ili ka soo jeedeen waa
in la og oleysiiyo in ururo kale oo la tartamaan, si ay
iyagu u hagaagaan.
|