TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH--XIV




Abwaan heesay baa yidhi: " Waataan talada huree, hoo aan ku idhiyeed, hoggaankeed qabat ee, habeen moodo waaberi danta uma horseedaaye.."

Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacade ayaa isna gabayadiisa aan duugoobin waxa tuduc ka mid ahaa:

Halkii aan horoo loo durkiyo derejo eegaayey
Hadduunbaa sidii buul duqeed daaha loo rogaye

Duc kastood ka eegtaba xukuumaddii talada dalka lagu aaminay waxqabadkeedii wuxu dhaafi la'yahay boob iyo ku takrifal hanti qaran oo si qaawan loogu wareejiyo intii maalgelisey Xisbi ga kulmiye labadii doorasho ee madaxtooyada (2003 iyo 2010). Aadamuhu wuxu ku deyn bax aa tacabka uu xoogiisa ku tabcado e cashuurta iyo hantida maatida iyo masaakiinta ka dhexa ysa in la bililiqaysto waa wax laga acuudu billaysto. Ayax iyo koronkoro aan geed qoyan iyo mid qallalantoona dhaafayn ayaa dalkii ku habsatay. Si aanay tan oo kale loo mutaysan umma ddu maalintay mindida daabkeeda hayso ha ka fiirsato cidda ay taladeeda ku aaminayso. Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa in aan wax nooc oo kale ah ama la halmaala dib inoo soo marin.

Sharcigee xalaaleeyey in hanti ummaddeed eex iyo qaraabo kiil la isugu naas nuujiyo. Furqaan, Injiil, iyo towraat midna laguma hayo hab dhaqanka xukuumadda uu Md. Axmed Maxamed Maxamuud madaxweynaha ka yahay.

Haddaan in yar dib ugu yara laabto maalmihii qadhaadhaa ee ina soo maray oo mudan in had iyo maanka lagu hayo. Maalintu waxay ku astaysantahay waa maalintii Afweyne Siyaad Bare heshiiska kula galay Mingiste magaalada DJibouti. Afweyne oo Djibouti ka soo laabtay ayaa magaalada Hargeysa ku hakaday oo odayaal iyo madax dhaqmeed kula kulmay. Waxa madashii ka hadlay Allaha ha u naxariistee Xaaji Axmed Ildab Warsame, Ka dib markuu sii xarago leh Afweyne iyo dowladiisiiba dhulka u jiiday ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa ".. Maxaanu ka sugi dowladda noo soo dirtay ninkaa ku ag fadhiya ee BUULE iyo wax ka liitaee xukun noogu dhiibtay ee ummad u talya yidhi. Waa ninka qarsoodi ku iibiyey hantidii qaranka ee soo jireenka ahayd ee dowladdii mustacmarku ka tagtay.."

Hadalkii markuu Xaaji Axmed dhammaystay ayuu raaciyey: " Maxamed Siyaadoow intii lagu odhan lahaa odayaalbaa la xidhay, anigu bustahaygii iyo xallaafkiiba waan sitaaye innamada u sheeg hora ha iga sii kaxeeyaan intaad meesha fadhido.."

Afweyne goobtii ayuu ninkii hantida qaranka iibiyey ku amray in uu dadkuu lacagta ka qaatay dib ugu cesho!! Maanta ooy soddon sannadood ka soo wareegtay ay la arkayaa xukuumaddeenii oo Afweyne Baro Dhaafisay!! Haddiibase la qarmi waayey in hantidii ma guurtada ahayd la iibiyo maxaa loo baal marayaa in sifa sharcigu jideeyey loo maro?

IYABA WAA DARXUMO II MAQNAYD DACAR MIYAAN LEEFAY,
SIDII OON DAYEYSNAHAY MIYAAN DOWGII KA HABAABAY
MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN DIB UGU SOO LAABTAY

Halkii laga filaayayy caddaalad, sinnaan, iyo xaqsoor iyo horumar ummadeed ma waxay u xuubsiibatay musuqmaasuq, boob iyo wixii Soomaali hore u dishooday.

Hadaba bal an waxooga ka iftiimiyo ifafaalaha maanta jira ioy nsheeko laba nin oo waaleel ah oo saaxiibo ah waa AW SALLAWAAT BULSHO SAWIRE IYO XAAJI NUUR, oo sidan soo socota u dhacday:

Xaaji NUUR ayaa Aw Sallawaat weydiiyey:
"Awsallawaat: Berbera hanti qaran ayaa la bixiyey ayaa la leeyahay; Hargeysana sidaa si le'eg?

Aw Sallawaatna wuxu ku jawaabay:
"Allahay ka Allah, waxaan ka ahayn bannaanbixii Berbera ee xalay hurdadii ayaa codkii Marxuumkii ina Cabdi Shube cod u eg tix iidhiibay."

Xaaji NUUR: Hayee?

BATAAXII BATTALAAE BURCIIDII AAD KU OGAYD NINKII, HEE
BIXINWAAYEY EE MARAAKIIBTA KA BUUSHAY BADAHAANA U DHOOFSHAY
BADHTANKEEDA HARGEYSA BOOSTII IYI KAYDKII KU DHOWAANA
KU BIIRSOO XARUNTII BERBERAAD EE KALLUUNKA
BALLANKII GARADAG OO LA BUUXSHAY AHAATAYE
SO BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YAA WADANII
SALAADIINTAN LA BOODAY EE THEATREKII LA BAQOOSHAY
MA BALOOLAYIYO HEES IYO BOTOR BAY KA CAYAARI
MISE WEY BAAYICIYOO DOOLLARKA AYEY LA BAXSAN
SO BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YA WADANII
BALAAYOO NAGA BAYDH MEEL BAAS EEBE KUGEE
BISINKOOD CUSKATAAN BARYADIIN HA AHAATA

Intaasina waa sheekadii dhexmartay labadaa nin ee saaxibka waana waaqica jira ee ka tarjumaya dareenka dadweynaha!


 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse