TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XIII: COO LA ADII CEELBARDAALE
OO DIB SOO ROGAAL CELISEY MAR KALE?
Colaadin demi la' ee hadba
deegaanka Ceelbardaale dib usoo cusboonaanaysa ayaa masu'uuliyade
eda hireyso iyo dambeysaba waxa iska leh Xisbiga Kulmiye oo muddo
badan hoosta dabka ka hurin ayey kar intaanu Xisbigaasi talada dalka
ku guuleysan. Hore ayaa loo yidhi belaayo madax la qabto ayey
leedehee minjo la qabto ma laha. Dogobyadii naareed ee Xisbiga
Kulmiye deegaanka Ceelbarda ale sida fudud uga huriyey waa kaa
maalinba holaciisii meel qabsanaya.
Waxa Soomaalidu ku maahmaahi jirtey masiibada ummad galaafataa waxay
ka bilaabantaa: HAL BA ARKEED; IJAAR BEEREED; IYO BOWDO NAAGEED.
Maanta seddexdaa qaar ka mid ah miyaanay dalke ena ka aloosanayn?
Inkasta oy sidaa tahay ayey haddana dadka Soomaaliyeed lahaayeen
dhaqan soo jireen ah oo dhibaato hadba wixii la soo dersa ay ku
maareeyaan. Tiraba dhow jeer ayaa laga hawl galay sidi colaadan loo
soo afjari lahaaa. Arrimaha noocan ah waxa u xilsaaran Golaha
Guurtida oo leh aqoontii, farsamadii, iyo dhaqankii lagu furdaamin
lahaa. Gudidii Guurtida ahayd ee Md. Saleebaan Maxamuud Aaden u xil
saaray waynu ogeyn sidii loo siyaasadeeyey iyo go'aamadii ay soo
saareen. Waxanay arrintu sidaa ugu dhacday waa goolaaftankii
Xukuumaddii xiligaa jirtey iyo Guddoomiyaha Guurtida ka dhaxaysey.
Xukuumadda Kulmiye intii ay talada dalka la wareegtay Degaanka
Kalshaale ayey shaqaaqo dagaal ku dhexmartey Beelaha halkaa wada
dega. Xukuumadda oo is bideysa in ay guul ka soo hoyso ayaa u tafa
xaydatay; nasiib darro guul ay ka soo hoyso ha joogtee waxay
dowladdii toos u baal martay farsamadii shaqaaqada lagu furdaamin
lahaa. Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa beelihii deegaan ka ku
dhaqnaa iyagu go'aansadeen in ay toos u wada xaajoodaan oo wixii ka
dhexeeyey sidaa ku dhammaystaan; waxana xaqiiqo ah in ay Beelahaasi
ku guulaysan doonaan hawshaa ay bilaabeen ka dib markar xukuumadii
dalku ku fashilantay in ay xal waar Beelahaas ka dhex dhaliso.
Waxa iyana xigtay tii Ceerigaabo oo xaalkeedu yahay buushbaash oo ay
mar walba suutogal tahay in dhibaatadii dib u soo cusboonaato. Waxa
ugu dambeysey tan Yagoore ka dhacday ee Askarigu ku dhintay- iyana
weynu aragnaa sida loo maamulay iyo dareenka Aabihii askariga
dhintay sida uu u hadlay. Intuba waxay ku tusayaan karti darrada,
maamul xumada, iyo isdhexyaaca ka muuqda dadkii talada dalka lagu
aaminay.
Xalka dhibaatadan deegaanka Ceelbardaale hadba ka soo cusboonaanaysa
kuma dhammaanayso Cambaarayn iyo hadalo aan waxba ka dameyn; Guddi
hadba colaada sii huriya oo naas irmaan iyo nolol maalmeed ka dhigta
isna xal lagu negaado keenimaayo; hadba raxan wasiiro ah oo hadba
dhinac isu daba yaacaana guul ka soo hoyn maayaan.
Mashaqadu waa ijaar Beereed: Ijaar beereed sida loo furdaamiyo inta
dhaqnkiisa taqaan ay dewa diisana taqaana. Sidaa haddii xaal yahay
cidda xalku ka go'aa waa labadan Beelood ee Deegaanka wadaaga oo
keli ah oon xukuumadi dhex boodin. Iyagoon cidina dhexdhexaadin ha
is hor fadhiista an; turjumaan u kala af celiya uma baahna.
Xukuumadda waxa la gudboon in ay wax ka qabato xaqiiqada jirta-
Ceelbardaale xukuumado shisheeye ayaa gacanta kula jira oo dabada ka
riixaya dhibaatooyinka Bari iyo Galbeedba ka aloosan, waan mid ay
xukuumaddu ku fashilantay, maa daama ay tahliwedey in ay sugto
soohdimihii dalka; nabad gelyadiinawaa taa hadda fara ka sii baxayso.
Ummadda Somaliland ku dhaqanna waxa la gudboon in ay ka gaashaantaan
oo ku guntadaan jiritaa nkooda sababtoo ah dowlado shisheeye ayaa
qandraas ku soo qaatay sidii dalkan dab loo qabadsiin laaha.
Ceelbardaale oo keliya ma aha sheekadu.
Dadka dhintay Ilaahay jannadii fardoowsa ha ka waraabiyo; qoysaskii,
qaraabadii, iyo eheladii ay ka baxeena Ilaahay samir iyo iimaan ha
inaga siiyo.
Axmed Cali Ibraahim
Sabeyse
December 5,
2011. |
|