TANINA
WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XII
Qormadii tan ka horeysey waxaynu
ku falanqeynay dhibaato ku habsatey ninka la yidhaa Cabdi Xuseen
Ibrahim oo madaarka Cigaal mudo dheere ku heystey goob shaaha
Qormadii tan ka horeysey waxaynu ku falanqeynay dhibaato ku habsatey
ninka la yidhaa Cabdi Xuseen Ibrahim oo madaarka Cigaal mudo dheere
ku heystey goob shaaha, Koofiga, iyo sharaa bka lagu iibiyo. Qaabka
muwaadinkan meheraddiisii looga faramaroojiyey ayaa ah mid anshaxa
iyo dhaqanka Bani aadamka labada ka arradan.
Dhinac walba marka aad dhacdadan ka eegto, ayaa xisaabteedii waxay
ku aroortay: N!= (x)(x)(x)== X.X.X= . Meel ay ku dhammmaanaysana
lama yaqaan. Xadaa seddex jibaaran waxa in ooga jawaabi doona
kooxdii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud u xil saaray sugidda ha
ntida Qaranka ka hor intii aanu xilka si rasmi ula wareegin.
Waxanaynu wada xasuusannahay sidii kooxdaasi markay arkaan masuuul
kar tirsan Xisbiga UDUB oo gaadhi watta inta ay Gadiid ku horgooyaan
ka dibna weydiinaya Ruqsadihii lahaanshaha. Kooxdii sidaa u dhaqmi
jirtey waa kuwa hadda masuuuliyada ka haya Xukuumadda dalka ka
talisa, waana kuwa warbaahintu ku eedeyneyso in ay xalaalaysteen oo
sharciyeysteen hantidii ummadda; ama uba xusulduubaya in loo
xalaaleeyo xaraashka hantida maguurtada ah ee Qaranka.
Haddii Xukuumaddii UDUB lagu eedeyn jira musuqmaasuq, bal haloo
magac dayo Xukuumadda t alada dalka gacanta ku haysaa sooyaalka
taariikhda halka ay ka gelidoonto. Waxa markhaati ma doon ah in
labaatankii sannadood ee Somaliland jirtey waa markii u horeysey ee
muddo lix bilood ka yar xukuumad loo codeeyey ummaddu ka biyo diido
sida ay dalka u maamulayso iyado o ay muuqato oo maalinba maalinta
ka dambeysa heykalkii dowladnimo hadba qabcadi soo dhac ayso.
Majarihii iyo qorshihii dalku socday oo isna iska hor iyo daba yimid;
oon marnaba la saada alin Karin doontan heehaabaysaa marsada ay ku
xidan doonto iyo in barroosinkuba u laalaad samiwaa, waa haddiiba ay
ka samata baxdo duufaanadan kacsan.
ERGEYGA QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN
SOOMAALIYA
Labaatankii sannadood ee u dambeeyey ayaa Guddoomiyeyaashii xilka
isaga dambeeyey ee Qaramada Midoobay hadba ergey ayey u
wakiilanayeen xal u helidda burburkii ku habsaday dalkii la isku
odhan jiray Soomaaliya. Haddaynu dib u milicsano sooyaalka
labaatankaa sannadood ergeyyadii mushkiladda Soomaaliya loo
xilsaaray waxa ka mid ahaa: Md. Maxamed Saxnuun oo Dalka Aljeeriya u
dhashay; Md. Cismat Qiddaani, oo Kurdi reer Ciraaq aha; Md. David
Stephen; Koofi Annan oo reer Ghaana ah; Md. Francois Looseng Fall;
Md. Ahmedou Oulad Cabdallah oo dalka Mauritania u dhashay; iyo Md.
Augustine Mahiga oo ka soo jeeda dalka Tanzania. Waxad mooda in
Mahiga helay tubtii jiritaanka Somaliland hilfaha loogu laabi lahaa
mar haddii uu ku guuleystey in goob kasta oo dib u soo noolayntii
Soomaaliweyn shir loogu qabanayaba Somalilandna iyada cidina u
yeedhin iskeed isu keento iyada oo toos isu hoos geysay xukuumad u
yaalta gacan ku rimiska ah ee wadaad Shariif. Waxa bah dilaad iyo
karaamo jab inoogu filan in gacmaha la hoos hoorsado kuwaa
labaatanka sannadood adduunweynuhu u qaraamaadayo.
Waxba yaan ummadda lagu maayeelin Danjire Mahiga shirqoolo
Somaliland ka dhan ah ma wado. Si toos ah iyo si dadbanba wuu ula
shiraa ciddii Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda.
Waa ninkaa qoriga dabka leh inala dhex wareegaya; himiladiisuna waa
dib u yagleelid Qaran Soomaaliyeed oo hada qaaday, ka dibna isaga
iyo inta mashruucaas kula shuraakada ah oo Billad Nabdeedii Nobeelka
adduunyada la guddoonsiiyo. Kuwii Mahiga ka horeeyeyba halkaa wey ku
karamu seegeen, isaguna maalin dhow ayuu iska huleeli.
Mahiga isaga oo la hadlaya Jaaliyadda Reer Somaliland ee Minnesota
ayaa nuxurka hadalkiisii isugu biyo shubtay in Qadiyada Somaliland
ay hortaagantahay waxa uu ugu yeedhay Modowgii Lixdankii ee labada
dal iyagoo mid ah Qaramada Midoobay xubinta kaga noqdeen. Ninka
ergeyga ihi beentaa qaawan ayuu meelwalba la soo taagan yahay. Waa
marka u horeysay garyaqaanu xeerka Caalamiga ku xeeldheer ayaa ka
baaraan degay qaabkii labada dal ku midoobeen waxayna dhammaantood
isku raaceen in aan haba yaraate wax midow la yidhaa oo laba dal
isku raaceen oo waafaqsan shuruucda dunida lagu hago aanu jirin.
Waxa kale oo inta jiritaanka iyo Qarannimada Somaliland jeceli
ogtahay in aanu marnaba jirin xeeris hortaagi kara dib ula soo
noqoshaday qarannimadii majarahabawday 1960. Guddidii xaqiiqo
raadiska ahayd ee Midowga Afrika ee Somaliland timid Bishii Abril
29th 2005-May 4th 2005, goaankodi kama dambeysta ahaaka waxa uu
sidoo kale tilmaamayaa in Midow dhaqan galay laba dal marnaba dhex
marin.
Qorigii dabka lahaa ee Mahiga wuxu marayaa in Somaliland dacalada ka
holcayso oo ah sida kale ah ee uu ninkaas u arko in mashruucan loogu
talagalay in lagu burburiyo goobta kali ah ee geeska Afrika ka
xasiloon. Ninka noocaas ah xukuumadda ku idho adag in ay daafacdo
iyaada circa biyo ku og. Mahiga muhimaddiisa wuxu damacsanyahay in
uu waxooga dhaqaale ah ku meel mariyo waxana cad in uu xukuumadda
Somaliland kalsooni buuxda ka haysto. Maalinta Madaxweyne Axmed
Maxamed Maxamuud madasha u faaruqiyey, Mahiga intuu Hargeysa yimid
waa tuu Golaha Xukuuumadda toos ugu yidhi casuumaddii shirka Nairobi
ayaan idiin sidaa cidii idiinka qayb geleysey hadda ha I raacdo.
Laga soo bilaabo Bishii Abril, 2000 qaar ka mid ah hoogaanka xisbiga
Kulmiye waxay xidhiidh toos ah ula lahaaayeen maamuladii maqaar
saarka ahaa ee isaga dambeeyey koonfurta Soomaaliya sida Salaad
Cabdiqaasim, Abdillaahi Yusuf, Wadaad Shariif. Sida dadbadan oo xog
ogaal ihi sheegeen Cabdi Qaasim, Cali Mahdi, iyo Cabdillaahi Yusuf
intuba ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2003 lacag
faro badan ayey ugu deeqeen ayey Xisbiga Kulmiye. Maal gashigaa
ujeeedadiisu waxay ahayd weynu ognahay. Taariikhda dib u raadraaca:
Waxa jirtey maalin madaxda Xsbiga Kulmiye imyo Jurbajoogoodu khadka
telephone ku sheekeysanayeen. Maalinta kelmadii fakatay maxay ahayd?
Waxay ahayd xidhiidh toos ah ayaanu walaalahayaga Soomaaliyeed
lasamaysan doona markaanu xukun dalka la wareegno. Ereyadaasi markay
afka Guddoomiyaha ka soo baxayeen, waxa Makarfoonka la booday jawaab
daarkii oo damcay in uu si kale u fasiro. Todobadii sannadood ee
Xisbiga Kulmiye mucaaridka ahaaba toos ayey reer koonfureedka ugu
xidhnaanyeen waxayn ku kulmi jireen magaalada Duai ee dalka Isu Taga
Imaaraadka Carabta. Haddaanu Kulmiye Doorashadii ku guulaysan maanta
dal Somaliland la yidha ma jireen.
DULMIGA IYO CADDAALAD DARRO BAAHSAN
Intii xukuumada Kulmiye talada haysey waxa had iyo jeer dhaca dulmi
iyo tacdiyo ku habsada dadka danyarta ah ee degen goobo dan guud.
Mar ma aha oo laba ma aha inta dad shicib ihi ku naf waayeen iska
horimaad xukuumaddu abuurtay. Haddii dulka xakuumaddu masuul ka
tahay waxa haboon inta aan dadka la rarin in loo diyaariyo goobtii
la dejin lahaa; si miyir qabta wax loogu sheego. Golaha Deegaanka
Caasimadda iyo Guddoomiyaha Gobolkaba ummaddu sasba ka qabtaa mana
aha sida ka muuqata dar dadkaba naxariis u haya. Waa dhaqan xumo in
hiirta waaberi guluf iyo weerar lagu qaado ummad meel degen, iyadoon
loo qorsheyn halkii la dejin laha. Xoog iyo jujuub waxba laguma
muquunin karo oo ummaddu wey gadood ka dibna waxa dhicidoonta in
xukuumaddan maanta jirta talada laga tukhaantukhiyo duhur dharaareed
mar hadday ku fashilantay hab maamul ay ummadda ku hogaamiso.
Caqliyadda dadka dowladda maanta jirta hagaya hore ayaa loo soo
arkay. Waxa ahayd Bishii Sebtember 12th, 2009 marka warbaahinta ka
lahaayeen Somaliland guul ayaa u soo hoyatay. Maalin ka hor laba qof
ayaa ku nafwaayeen bannaanbax Kulmiye soo abaabulay, taasi waxay
inoo caddayneysaa sida aan nafta bani Aadamku qiimoba ugu lahayn
xisbul xaakimka.
Ahmed
Ibrahim
asabeyse@hotmail.com |
|