TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-X

 


HABDHAQANKII XUKUUMADEED OO NOQDAY XAASHI QAABLAAWE


Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruucda ka farcanta ayaa si habsami ah u qeexaya kala xadeynta waaxayaha xukuumadda isla markaana tilmaamaya waajibaadka iyo masu'uuliy adaha qeyb kasta loo igmaday. Usuusha iyo baratakoolada dibloomaasiyadeed ee dunidu ku dhaqanto ayaa iyana tilmaamaya hab maamuuska hay'adaha dowliga ah. Innaga oo ka duulayna sida Shir Guddoonada Barlamaanada caalamku u shaqeeyaan, waxa Guddoomiye/ku Xigeeno Gole Wakiilo ka reeban in uu si toos ah ugu milmo hirdannada siyaasadeed ee ka dhex aloosma waaxda Fulinta iyo Golaha uu Guddoomiyaha ka yahay. Waxa ay arrintu sidaas u noqotay waxa weeye in Shir Guddoonka laga bilaabo maalinta xilka loo doortay loo dhaariyo waa in loo arkaa ay yihiin dar ummadda u dhex ah oon hadba xukuumadda talada haysa dhinac saarin amma mucaaridka ka soo horjeeda la safan sidii dhacday 11/12 Sebtember, 2009.

Hadda safarkan Madaxweynuhu, Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ku tegay Gobolada Bariga ee Dalka waxa goobka kasta garab taagan oo makarfoonkaba ka hor boobaya Guddoomiye Ku Xigeenkii Golaha Wakiilada Md Cabdulcasiis Maxamed Samaale. Miyaanu Guddoomiye ku Xigeen ku ogayn miisaanka uu leeyahay xilka uu ummadda u hayo? Miyaanu ogayn in loo dhaariyey in uu ummadda dhex u noqodo? Maxay tahay baahida keentay in Guddoomiye ku xigeenku mada xweynaha ku weheliyo safarada shaqo ee dalka gudihiisa iyo debediisaba? Madaxtooyada lafteedu xagay ka ilduuftay baratakoolka? Hab dhaqanka noocan oo kale ah addunyada meel lagaga dhaqmaa ma jirto; sidaa darteed waxa haboon in laga feejignaado is dhexyaaca iyo shuqulku waa kii Xaashi Qaablaawe mana aragtaan. Hala kala saaro Xukuumadda, Xisbinimad a, iyo Qarannimada oo mid kasta ha loo raaco nidaamkiisa.

Sidoo kale iyana waxaan qumanayn in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, Md. Cabdiraxmaan Ma xamed Cabdillaahi isaga oo xil la mid lana miisaan aha ka madaxweynaha, xisbina laga soo doo rtay in uu hoose ugu dhaadhaco Urur siyaasadeed hadda la yagleelayo. Sharafta iyo karaam ada mansabka uu Guddoomiyuhu u hayo qaranka ayaa ka mudan ka dhex muuqashada madal urur siyaasadeed lagaga dhawaaqayo, waxana laga filayey Guddoomiye Cabdiraxmaan hadd ay sidan la quruxbadnaatay in si dibloomaasiyadi ku dheehantahay daaha dabadiisa arrimaha ka riixo sababtoo ah waxa uu hore uga soo shaqeeyey safaaradihii Soomaali oo marnaba lama odhan karo halbaa seegay.

XUKUUMADDA IYO SHIR BEELEEDYADA


waxa isa soo taraya xukuumaddii oo awooddeedii dhaqaale isugu geysey dhocwareenka shir beeleedyo aan marnaba dalka iyo dadka toona u horseedeyn wax dhibaato ah. Waxa ummad du aad ula yaabtay siday xukuumaddu uga hawl gashay soo dhoweyntii iyo caleemo saarka Ugaaska Beelaha Awdal. Haddiiba khilaaf ka soo baxay imaatinka iyo Caleemo saarkii Ugaaska, arrintu waxay ku haboonayd in sida dhaqanka inoo ah xalka arrinta loo daayo Guurtida Soma liland oo iyadu u xilsaaran xallinta khilaafaadka bulsha dhexdeeda ka curta. Xil iyo masu'uuliy ad tan ka culus ayaa xukuumadda loo doortay oo laga sugayaa ka midho dhalinteeda. Haddana waxa muuqata in xukuumaddu faraha kula jirto socdaalo Ugaaska Beelaha Awdal da macsanyahay in uu ku tago deegaano ka mid goobaha ay deganyihiin Beelaaha uu Ugaaska u yahay. Waa hawl madaxdhaqmeed oo soo jireen ah ee maxay xukuumaddu saska ka qaaday.

Waxa xigtay Shir Beelaha Saaxil uga furmay Tuulada dubur Bishii Sebtember 29, 2011 isna in ay xukuumaddu faro gelin laxaad leh ka geysatay sidii shirkaasi u fashilmi lahaa oo dhaqaale badan oo baahiyo kale baylah tiri lahaa lagu lumiyey. Waxaynu wada ogsoonahay in go'aam adii ka soo baxay shirkii Dubur haba yaraate aanya ku jirin wax ka soo horjeeda ama lid ku ah dowladda iyo ummadda wadanka ku dhaqan gebi ahaanba. Waxa xukuumaddu qabanqaabisay shir magaalada Berbera lagu qabtay si shirka Dubureed u fashilmo, taasina wey suurto geli w eydey. Waxa in yar loogu sigtay in Beesha Saaxil gudeheeda iska hor imaad iyo gacan ka had al ka dhaco, taas oo masu'uuliyadeeda xukuumaddu dusha ku qaadan lahady. Nasiib wanaag taasu ma dhicin, shirkii dubureedna waxa lagu soo gunaanaday in horumarka Gobolka wax walba laga horeysiiyo oo sidaa dadku isku kaashado.

Iyadoo sidaa aynu soo sheegnay xaalku yahay ayaan haddan weli xukuumaddu ka seef dhigin carqaladaynta shirar kuwaa hore oo kale ah oo ummaddu doonayso in ay iskeed wax u qabs ato. Wax dhibaato ihi kuma jirto in bulshadu shirto oo qaab kasta oo ay horumar ku gaadhso ku shirto iyadoon jiritaanka, midnimada, iyo qarannimada Somaliland lagu waxyeeleynayn. Sidaa darteed waxa xukuumadda la gudboon in kalsoonidii loogu codeeyey waxqabad u dhigm a la timaado oon yoolkii heshiiska lagu aha marnaba la majara habaabin.


Wa taciyaa uddunun waaciya
 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
October 14, 2011