TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD-VI

Marka toobiyaha [Al wasiilaha] loo adeegsado ka midh dhalilnta
himilada[Alqaayaha ama Al-Maqaam Al-Maxmuud] uu maraaro kaa yeesho
waa hawl adduunyoo oo subax kastaba la waaberiista waayo cusub;
markay talo dal ka muhmuhatana hadal keedba daa. Hoggaan dalna sida
shareecada Islaamku sheegtay waxa ugu muhiiimsan in laga dheehan
karan labada shardi ee kala ah: Al Kafaa’a [kufkeed ma yahay] iyo Al
amaana [ma lagu aaminay]; wixii kale ee soo raacaa labadaa shardi
ayey ka farcam ay.
Sannadkii 1960kii aya 17 dal oo Afrikaan ihi ka madaxbannaanaaden
gumeysgi; waxa is dabooli waaye y wixii la filayey iyo caqabado la
kowsaday xoriyaddii la helay. Waxaynu xasuusankarnaa mushkiladdii
Kataanga, Congo Braziville dilkii Lamuumbe; Xeyle Silaasihi Itoobiya
oo isna dirqi kaga badbaaday afg ambi ciidamadiisu u maleegeen oo ay
hormood ka ahaayeen laba nin oo walaalo ah la odhan jirey ilma
Niwaay; mustacmaradihii Portuguese kana iyana waxbaa ka higlahaa.
Isagoo arrimaha la yaabay aya a nin majaajiloyahan ahaa oo AHN la
odhan jirey Cabdillaahi Cabdi Shube ayaa yidhi: “Bootaqiiska Ang
oola, Bilgimkaa Lamuumbe bireeyey, Xayle silaasahan barbarkeena,
ikyo teenan Baandadu heyso aya a dowladaha ugu baxsan”
SHIR BEELEED SIYAASADEYSAN
Waxa beryahan dambe dalka Somaliland ku soo badanay shir Beeleedyo
isdaba jog ah iyo go’aamo shirarkaa la xidhiidha. Sideedaba wax
dhibaato ku jirto ma aha in ay Beeli shir isugu timaado ay kaga
arrinsanayso sidii deegaananeeda ugu hirgelinlahayd mashaariic
horumarineed sida Malcaamado, Dug siyo, Haro/Ceelal biyood, wadooyin,
gobo dadka ama xoolahaba lagu daweeyo, iyo wax kasta oo Aad amuhu ku
intifaaco. Haddii dhinac hagaagsan laga eego oo beesha shireysaa
muruq iyo maal waxay lahayd intay meel iskugu geyso ku hirgeliso
arrimaha aan hore u soo xusay oy ka midho dhaliso waxa y mudantahay
ku dayasho.
Shirbeeleed marka shaadh siyaasadeed loo tolo ee madax dhaqmeedkii
lagu yiqiin dheminta dhibaato oyinka bulshooyinka deriska ka dhex
aloosma, ay hormood ka noqdaan shirarka noocan ah. Marka ho re waxay
sharaftii iyo karaamadiiba ka xayuubiyeen meeqaamkii uu madax
dhaqmeedku bulshada ku lahaa, . Waa tan labaade meesha ma taalo
lamana aqbalikaro in beel isu dhigaysa afhayeenkii xukuum adu in ay
ku baaqdo shir beeleed lama qaban karo. Marka ay arrimaha noocan ihi
soo shaac baxaan, xukuumadda talada dalka heysa ayey maareynteedu u
taala. Ummaddu dawlad ayey taladeedii ku aa mintay sidaa darted
xukuumadda ayey go’aan qaadashadu u taal.
Shir Beeleed siyaasadeysan iyo hadalada qaabkaa qaldan looga
dhawaajinayo ayaa sababi kara kala shaki iyo tafaraaruq ummada la
dhex dhigo oo tacabkii labaatanka sannadood aynu soo yagleelayney na
bar ku ma taal noqdo. Somaliland maanta uma baahna arrimihii aynu
hore uga soo gudubnay.
HANTIDA QARANKA
Noocay doontaba han noqote hantida Qaranka sugideedu waxa u xil
saaraan hadba xukuumadda tal ada dalka heysa. Hadiiba ay dhacday in
dad danyar ihi ku noolaayeen guryo dawladeed muddo labaa tan
sannadood ka badan, waxa qumanaydan in asluub debecsan lagu maamulo,
dadkana laga dhaadh iciyo in gobo kale loo rarayo. Waxa haboonayd in
muddo loo qabto ay ku diyaar garoobaan; ma qurux badna in hiirta
waaberi guluf iyo weerar ciidamadu ku qaadaan, ka dibna cagaf la
mariyo buulashoodii iyo wixii agab u hoos yaalay. Hadiiba ay dadkii
gadoodeen waxay ahayd in si degan xiisadda loo maar eeyoe’ in rasaas
ooda lagaga rogay wax faa’iido ah ma soo kordhin aan ka ahayn
sawirka gabadha Ayaan Saleebaan Cali-Boobe ee dhiigu madaxa ka
shubmayo ka dib markay rassaas ambad ihi halee shay sida warbaahintu
sheegtay. Sawirkaasi dalka wuxu u soo jiiday magac xumo hor leh,
maxaa yeel ay wuxu ka turjumayaa in aynu nahay dal aan xuquuqda
muwaadiniinta daryeelin sida ay jecelyihiin cadawga Somaliland.
Waxa dhacdadan ka sii horeysey dhowr maalmood in wiil dhalinyaro ihi
isna ku nafwaayey iska hor imaad dhul ku yaal xaafada New Hargeisa.
Xisbiga Kulmiye xiliguu mucaaridka ahaa dhacdooyinka noocan ah aad
ayuu uga qeylin jirey, iisaga oo marar badana soo abaabuli jirey
iska hor imaadyada oo aynu tusaale ahaan u soo qaadan karno tii
Bishii September 12, 2009 ee labada qof ku dhinteen iyadoo
habeenimadii Bisha 11 September khilaafkii aloosna la soo afjaray.
Madaxdii Kulmiye maalinta waa kuwii yidhi “GUUL AYAA SOMALILAND U
SOO HOYATAY!”
SHARCIGA MA DANYARTUU QABTAA
Sideedaba hantida qaranku waa hantidii ummadda oo waxa inagu waajib
ah in la sugu. Xeerarka iyo qawaaniinta dalkuna waa in loo sinnaada.
Waxa jira mujaahidiin dalka u soo halgamay oo iyaga oo xiskoodu
dhimanyahay wadooyinka hadba dhinac u socda. Waxa jira dad hanti
maguurto ah oo qaranku lahaa xalaalaystey oo qaarkoodna kuwii ku
jirey iibiyeen. Inta danyarta lagu dalbanayo duubcasta, maxa kuwa
dhaqaale ahaan u manaafacadsaday hantidii ummadda u dhex ahayd wax
looga qaban waayey?
Sheekadani ma ah mid hanti qaran lagu tiro koobayo oo waxa laga
damacsanyay dhulkaa masaakiinta laga raray ninkii nooli maalin dhow
ayuu ogaandoona.
XADHIGA BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD ‘BUURMADOW’
Waxa kale oo warbaahinta Somaliland shaacisay maalintii jimcii
Bishan July 15, 2011 in la filayey in uu ka soo dego Boqor Cismaan
Aw Maxamuud “Buur Madow” xukuumadduna Ciidan Tikniko ah sii dhoobt
ay Madaarka. Haddiiba xuuraankii sirdoonku soo ogaaday
guryownoqoshada Boqorka, waxa qurux ba dnayd in si kale loo maamulo.
Waxa keliya meesha ka muuqdaa waa waayo aragnimo la’aanta iyo aqo
ondarida xubnaha xukuumadda maanta talada dalka heysa oo gebi
ahaanba waxqabadkeedii ummad du waji gabax ka joogto. Ragga maanta
xukuumadda Kulmiye hormooda ka ihi waa awtaadii curyaam is dowladdii
AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali; waa kuwii aynu ogeyn xukuumaddi AHN
Maxamed Xaji Ibr ahim Cigaal geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sida
u fashilin lahaayeen; waxa xukuumadda Kulmiye shookaanta u haya
ninkii subaxii, AHN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal lagu soo oogay
khiyaamo Qaran iyo xil ka xayuubin, 4:30 a.m. magaalada Hargeysa ka
jarmaaday! Jihaduu u jarmaaday iyo ujeedadii ka dambeyseyba
darxumooyinka dambe ka akhrista. Taariikhdu wey isqoreysaa, waxna
dhaafi mayso. Ya tiraba laba jeer xukuumaddii Madaxweyne Riyaale
xilka xayuubin ku soo oogay?
Miyaanay xukuumadda Kulmiye ogeyn in madax dhaqmeedkan ahayn nin
dibadaha wareegidoona oo dalkiisa xadhig iyo wax la mid ah uga
cabsood? XUKUUMADDII KULMIYE WAXAY NOQOTAY: DAMEERKII JUXA EE CIDDII
HORMARTANA QANINIINYO IYO HIRDI LA BEEGSAN JIREY, CIDDII DABA
MARTANA HAR R AATI IYO BIQLO ISUGU DARI JIREY.
La soco darxumada VII,
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse |
|