TANINA WA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-VII
DUUFAANADA SIYAASADEED EE SOMALILAND DULHOGANAYA
Labaatankii sannadood ee ka soo wareegtay xiligii kacdoonkii uu
hormoodka ka aha Ururkii Dh aqdhaqaaqa Wadaniga Soomaalilyeed awood
ciidan ku muquuniyeen xukumadda Afweyne Siya ad Barre iyo intii la
halmaalaysey, ayaa bulshada caalamku waxay dhaqaale balaayiin doolar
ah ku bixisey sidii nabad warta, kala dambeyn, sharciyada oo
shaqaysa, iyo dowlad ummadda Soo maaliyeed heshiis ku tahay dalka
uga hana qaadi lahayd. Markii arrintaasi noqotay bar ku ma taal iyo
hal bacaad lagu lisay, ayaa hadda waxad mooda tu raadcadii hore ka
liidata iyo toobiye khaldan hadana mar labaad in bulshadii caalamku
toos u halabsatay, iyadoo farsamooyinkii hor e fashilaada u sababta
ahaa aan waxba laga bedelin. Halka ay sartu ka qudhuntay haddan too
loo abbaarin waxa suurto gal ah in aan xal waara loo helin qaska ka
aloosan koonfurta Sooma aliya. Inta Ururka Qaramada Midoobay ku
dhegganyahay wax lagu magacaabo "Midnimo Soom aaliyeed" oo dib u soo
noolata, waxa hubaal ah in koonfurta Soomaaliya ahaan doonto qaran
gebi ahaanba u fashilmay.
SHIRARKA 'DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO FEDERAALKA KU-MEEL GAADHKA AH'
Lixdii sanadood ee u dambeeyey ayaa waxad cad in mar labaad hanti
badan lagu luminayo wax lagu magacaabo "Dowlad Goboledyo" iyo "Dowlad
Federaal Ku Meel Gaadh ah" ayaa hadba shir dib-u-sheshiined goob
loogu qabanayaa. Waxa iska cad in ay Soomaaliyadii haliganta noqotay
mashruuc maal-gelineed oon dhammaad lahayn. Xukuumadihi Somaliland
ee tan maanta jirta ka horeeyey waxay meel mariyeen xeer
xaarantinimaynaya ka qayb galka shirar dibu-heshiineed oo dalkii
Soomaaliya la isku odhan jirey loo qabanayo. Hadda ka hor mey dhici
jirin wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu
socdaal Somaliland ku yimaado isaga oo leh waxan idiin sidaa
casuumad aad kaga qeyb geleysaan shir Soomaali dib loogu
heshiisiinayo. Hal maalin ka dib markii Guddida Doorashooyinka
Qaranku ku dhawaaqaday, ayaa marka keliya waxa dalalka mandiqadda
Geeska Afrika ka curtay dhulgariir siyaasadeed oo aad moodaysey in
wadamada qaarba ay si gooniya u taabanayey isbedelkii siyaasadeed ee
Somaliland ka dhacay. Wadamo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay
ka been abuurka xaqa ummada Somaliland, hase ahaate ku guul
darraystay ayaa marlabaad harag shabeel soo gashaday; dar kale oo
kuwaas la xulafo ahaan saaxaddii siyaasadaba way ka baxeen. Waxase
labada nociyadoodba hortaagan: HA KARAAMO SEEGINA HABAAR LA IGU
KARIWAAYE! Haddan ummaddada dalka lihi ka feejignaan arrimahan
isasoo taraya, maalin dhow meel dheer ayaa laga raadcayn. Xukumadda
dalka ka talisa waxa looga fadhiyaa wixii at ku ballan qaaday oy
toos u fuliso; hadba shir Soomaaliweyn loo qabanayo ayaa dowlad
goboleed laga qeyb geleyaa oo hadba meel la fahiisanaynaa wax la
aqbali karo oo ummaddu u dul qaadan karto ma ah; wa yaa abaa
maxaasinu ad dowlaha qayir al xaki!!!
XAGAY WAX KA KHALDANYIHIIN?
Su'aal ayaa ummaddii isweydiinaysa: Shalay iyo Maanta iyama aynu
siyaasad huffan oo meel loo raadraaco leh dalka lagu dhaqayey?
Waatan siyaasadii dalku mar keli ah jirjir cadka isu ro gtaye,
xaggee loo socdaa? Afar iyo toban bilood ayaa laga joogaa xiligii
xukuumadda cusubi talada dalka si rasmi ah ula wareegtay. Waxa keli
ah ee dowladda maanta jirta laga dheehan karaa: WIXII SHALAY
XAARAANTA AHAA OO XALAALOOBAY- XORIYADDII SAXAAFADDA OO HEERKII UGU
HOOSEYEY MARAYSA; MAAMULADII GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA OO DEGI LA';
SHIR BEELEEDYADYO IYO CALEEMO SAAR MADAX DHAQMEEDYO XUKUUMADDII FAR
GELIN BA'AN KU HAYSO; WASAARADIHII IYO HA'ADIHII DOWLIGA AH OO WADA
SHAQAYNTOODA GEBI AHAAN ISTAAGTAHY; MASU'UULIINTII QARANKA OO LABABA
MEEL ISKU HAYSATO; FADEEXADO MUSUMAASUQ OO MAALIN KASTA WARBAAHINTA
KU SOO BAXAYA; HANTIDII QARANKA EE MAGUURTADA AHAYD OO LA XARAASHAYO!!
Hadday sidan ku sii socoto, wixii laga filaaba sow taladii dalka oo
faraha ka baxday ma aha?
Sagaal iyo tobankii sannadood ee ka horeeyey 2010, Somaliland waxa
ay ku socotay itijaah siy aasadeed oo gudo iyo dibedba yoolkiisu
ahaa sidii looga midho dhalinxaqa Somaliland u leedah ay in ay
bulshada caalamka ka mid noqdo maadaama ay dib ula soo noqotay madax
bannaan ideedii (Sovereignty) 1960 soof daran habowday. Si la ma
filaan ah ayaa mar keli ah ayaa maja ra habaabis qorsheysan dalkii
iyo dadkiiba ku habsaday. Xagaynu u soconaa? Waxa iyana kaali
ntoodii gabay labadii xisbi mucaarid iyo Golayaashii sharci dejinta
oo wax meesha ka baxay cid dii iyo qaabkii xukuumaddan xadhkaha
goostay la xisaabtamai lahayd
LA SOCO DARXUMADA VIII
AXMED CALI
IBRAHIM SABEYSE |
|