TANA MA U SOO JOOGNAY?


Asalaamu calaykum dhamaan umada reer Somaliland ee xalaasha ah, Beri baa Cigaal Shiidaad oo geed hoos hurda subxaanyo dul martay, Markaasuu isagoo isla baraad la' soo booday oo qaylo afka kala qaaday, Ragii ka ag dhawaa ayaa ku soo yaacay oo weydiiyey waxaa helay? markuu u sheegay ayey waxay arkeen Subxaanyo geedkii ag joogta, Markaasay ku  wargeli yeen inuu wuxuu ka baqday tahay Subxaanyo, Markaasuu wuxuu yidhi "Waan ogahay inay su bxaanyadu wabaay lahayn ee waxaan ka baqday in sankayga iyo dibnahayga dhexdooda noq oto wado halaq mareen ah", Hadaba aan u soo noqdee dulucda maqaalkayga waxaa saa ka d higan odayaashan reer awdal ee madaxweynaha ugu hanjabaya inuu ku soo cesho  abaandu ulihii uu xilka ka wareejiyey, Waana arinkii labaad ee odayaasha reer awdal ay wax ayan xaq u lahayn ka hadlaan, Tan hore waxay ahayd diidmadii ay ku laaleen go'aankii Ceel-bardaale ee ay golaha guurtida goysay.

Bal aan ku horeeyee dhacdadan dambe ninka ciidanka ah ma'aha qabiil ee waa qaran, Waana wax caadi ah in ninka sarkaalka ah meel laga qaado oo hadii la doono meel kale loo dhiibo oo k a baxsan degaankiisa, Waxaanan tusaale u soo qaadan karaa taliyaha ciidanka boliiska ee Laa scaanood ma'aha nin u dhashay degaankaa, Hada ka horna wuxuu taliye ka ahaa burco, Tob an sano ka horna wuxuu taliye ka ahaa saldhiga galbeedka Hargeysa, Intaa meelood ee uu xil ka ka qabtay midna degaankiisa ma'ahayn, Lakiin waa nin taliye ciidan qaran ah oo hawshiisa qaran gudanaya, Sidaa awadeed maxaa dhici kara hadii dawlada ay baaqyada odayaasha ko ofiyad-baclayaasha ee hogaamiyaasha qabiilada ay u dhaga nuglaato oo ay dawlada u kala xadayn weydo waxay xaqa u leeyihiin inay ka hadlaan iyo waxa aayan xaqa u lahayn? Dabcan jawaabtaa xitaa caruurta ayaa garan kara dawladu waxay noqonaysaa mid ka sii liidan doon ta tii Rayaale, Isla maantana waxaan webside-yada ka akhrisanayey in koofiyad-baclayaasha bariga Hargeysa ay ku eedaynayeen in uu Gaboose ninka uu u xidhay inuu gacan ku lahaa qar axyadii Hargeysa ay maxkamada sare cadayn ku weyday, Hadaba odayaashan ma dawlada ayey la shaqeeyaan mise waxay kala garan la' yihiin hawshooda iyo tan dawlada?

Tuhunku cid walba ayuu gali karaa, Hadii cadayn lagu helana maxkamadaa xukumi, Hadii lagu waayana maxkamadaa sii dayn, Laakiin ma'aha in qof Ilaahay uun ogyahay wuxuu gaystay in la difaaco si indho la'aana oo ku salaysan caadifad qabiil, Sababtoo waa Ilaahay kaliya kan wa xwalba og, Bal ka warama maalinta qiyaamaha hadii Ilaahay dambigaa ku soo oogo, Saw oday aashii difaacayey, kuwii ku taageerasanaa odayaasha iyo Isagaba isku dambi ma'aha?.

Tan labaad ee aan kor ku xusay ee koofiyad-baclayaashii reer awdal ee ku eedeeyey inay go'a ankii guurtida ee Ceel-bardaale uu dhinac u hiiliyey, Hadaba waa yaabee hadii marka garta la gaa helo aad odhanayso waa layga eexday marka aad garta heshana aad jeceshahay in uu m eel-maro, Sidee lagu heli karaa ama lagu gaadhi karaa nabad iyo cadaalad?

Haday odayashaa go'aankaa guurtida meel marin lahaayeen ama dawladii wakhtigaa go'aank aa xoog ama xeelad go'aankaa ku meel marin lahayd, Khasaare badan oo ka dhashay oo naf iyo maalba isuga jira ma dhacdeen Waxaanan qabaa in arinkan Ceel-bardaale ahaa sababta ay dawladii hore u guuldaraysatay, Hadii ay dawladana kala saari weydo qabiilka iyo qaranka iya na sidaa uun bay ku dambayn.

Hadaba dawlada maxaa la gudboon? Dawlada waxaa laga doonayaa in ay go'aamada ay qaad ataa ama ka gaartaa arimaheeda sida mansabyada kala duwan ee ay bixinayso ay ku calool a deegto Ilayn amaanada dalka Ilaahay hortii iyagaa loo dhiibay gaar ahaan madaxweynaha ee waa in dawlada ayan u joojin odayaal aan xilka ay reerahoodii u dhiibteen aan garanayn ee is ku qaldaya tii qaranka iyo tii qabiilka.

 

 


 

Sharma'arke Maxamed Cumar Qoti
sheeq@hotmail.com