Soomaalidu waxay ku
maah maahdaa hal diidani geed ay ku xoqoto ma
weydo

Tan iyo intii ka dambeeysey
khilaafkii ina -jaha-wareeriyey. lagana heshiiyey, ayaa waxaa durba
soo mudh yidhi oo aan cidna ka qarsooneyn, in khilaaf hor lehi
inagu soo food leeyahay.Khilaafkaasi oo salka ku yahay soo xulida
xub-naha komishanka doorashooyinka.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Hal diidani
geed ay ku xoqoto ma weydo. Marka aynu eegno habka uu wax u
wado Maxdaxweyna Soomaaliland Daahir Ri yaale,iyo mar-marsiiyaha
uu sameynaayo cida daah ka inaanu ku talo galin in uu wadanka
doorasho ka qabto.
Dhicana kale waxaaba la moodaa in qodobadii 6da ahaa ee algu
heshiiyey, ay u sameeyeen dariiqii mar-marsiiyaha. Waayo waxa uu
wakhti ku luminayaa hada ba xubin ay soo magacaabeen Xisbiyada iyo
Guurtidi inuu dib u celiyo. Isaga oo isla markaasina aan wax uu ku
diidey sheegin.
Guurtida iyo Xisbiyada waxaan kula talin lahaa in si deg deg loo
badelo. xubnaha uu ka biyo-diidey oo tiisa loo raaco si aanu wakhti
badan oo kale u lumin.Waxay ila tahay in la is dhaamo, waa tii hore
loo yidhi kaadi badani waa loo golgol
badi yaa.
Hadii kale wax dhaqaaqayaa ma
jiri doonaan, waana ta uun rabo Madaxweynu hu.
Ilaahay masiibooyinka ha ina hareer mariyo.
Maxamed yuusuf Buux
Holland.
|