Talooyin ku socda Gudoomiyaha Gudiga Doora shooyinka Md.Jaamac Sweden

 

Jaamac Sweden waxaan kula talinayaa inuu doorashada si caddaalad ah uu u qabto, waayo haddii aanu nahay dadweynaha doorashadii ayaa 3 bilood dib loo dhigay waxay noogu muuqataa sidan:

1.Baasiinka oo 3 bilood sii ahaan doona qaali

2.Raashinka oo 3 bilood oo kale qaali sii ahaan doona (Sicirka Raashinka ee Hargeysa wuxuu ka qaalisan yahay ka Muqdisho labanlaab)

3.Xoolihii oo Jaabiri u sii xidhnaan doona 3 bilood oo danbe

4.Cashuurtii ay dawladdu sida arxam-darrada ah u kor ugu kicisay dhawrka jeer oo la sii kordhin doono 3 bilood oo danbe

5.Dhul badan oo dan-guud ah oo la iibin doono 3 bilood oo danbe

6.Basaskii, iyo gaadiidkii oo qaali sii ahaan doona 3 bilood oo danbe

7.Mushahar la’aan sii socota 3 bilood oo danbe (3 dii bilood ee ugu danabaysay mushahar shaqaalaha dawladdu may qaadan)

8.Hay’adda INTER-PEACE oo si xaaran ah waddanka ugu sii haysata

Jaamacow waxaan ku tusaalaynayaa madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu ugu abaal gudo qofka si khaldan ugu adeega:

1.Wasiir ku-xigeen Tallaabo
wuxuu bukaan-jiif ku yahay, dhakhtarka Manhal Hargeysa, Madaxweyne Daahir Riyaale xitaa maalin keliya soomuu booqan

2.Xoghayntiisii gaarka ahaa ee qaraxii ku geeryooday ee Daahir Cali Iid (Alle ha u naxariistee) guri uu agoontiisii ugu ballan qaaday inuu u dhisi doono, been ayay noqotay 5 bilood ka dib

3.Bullaale (xoghayihii UDUB ee geeryooday, alle ha u naxariistee) agoontiisii meeday….

4.Saaxiibkii Ismaaciil yare halkuu ku danbeeyay..

5.C/llahi Darawalkii berigii Rayaale madaxweyne ku-xigeenka loo qalqaalinayay ka wasteeyay Madaxweyne Cigaal, intii uu madaxweyne ku-xigeenka ahaana Riyaale daryeeli jiray, shirkii UDUB miyaanu xitaa u diidin inuu ka soo qayb galo.

6.Saleebaan Gaal (Guddoomiyaha Guurtada) ee berigii doorashadii Madaxwenanimada u hiiliyay, sawkan maalin walba u haliilaya Rayaale inuu mooshin cusub ku soo abaabulo.

Ismaaciil Mire wuxuu yidhi:

Mid kuwaa ka dhigan baan arkaa
Kadab u laabnayne
Ka shib dhaha addoomeey
Naftan kii lahaa gadaye

Maxamed Nuur Fadalna wuxuu yidhi:

Magac nimaan danaynaynino
Wuxuu cunana doonaaya
Oo daribta geeliyo ku mamay
Hilib dubaaxeedka
Danbina aan ka yaabayninbaa
Laysu soo diray

Madaxweyne Riyaale waxaad mooddaa inaanu ka ilbaxayn siyaasa dihiisa ah ‘Markaan dhoofo ku sii dhawaaq Jaamac Sweden-ow, waayo safarkiisii kasta wuxuu ku soo beegaa isagoo wax uu rabo inay u hirgasho uu sii maleego, laakiin waxaanu ogayn in taasi soo dhammaatay, dadweynuhuna aanay hore ugu il-duufi jirin laakiin ay la sugayeen xilliga uu 5tiisa sano dhammaysanayo, oo weliba ay sanad dheeraad ah oo xaaraan ah ugu samreen.
 

 


Hussein ibrahim