Talooyin Caafimaad Oo Nafta Iyo Jidhka Ufiican Uu Bixiyay Dhakhtar 105 Sano Jir Ahi

Shigeaki Hinohara oo ahaa dhakhtar u dhashay dalka Jabbaan ayaa tiriyey talooyin uu u arko in ay qayb ka yihiin caafimaad wanaagga qofka, iyo cimri dhererkiisa. Qoraaga Sarah M. ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay majalad da Santi waxa ay ku sheegtay, Dr. Shigeaki Hinohara oo 105 sano jir ku geeriyooday in uu ka mid ahaa hormuudka caafimaadka ku dhisan aragtida ka hortagga ah, cilmibaadhiso badanna ku sameeyey caafimaadka jidhka iyo mask axda. Waxa aanu qoray 75 buug oo uu siyaabo kala duwan ugu soo bandhigay arrimaah caafimaadka ka hortagga ah, iyo talooyin qofka ka caawinaya caafimaad qabka.

Dr. Shigeaki Hinohara kitaabkiisa loogu iibka badan yahay oo soo baxay muddo yar kaddib geeridiisii, waxa uu ku soo bandhigay talooyin caafimaad oo uu sheegay in ay yihiin sirta ka dambaysay in cimrigiisa 105 ta gaadhay uu ku dhammaysto caafimaad qab jidheed iyo maskaxeed labadaba.

Miisaankaaga la soco

Miisaanka dheeraadka ah iyo buurnidu waxa ay caqabad ku noqdaan ku raaxaysiga nolosha, waxa aanay sababa an cimri degdeg, sidaa awgeed mar kasta hubi in aad u noolaato hab nololeed caafimaad qab, cuntada aad cunay saana ha noqoto mid jidhka waxtar u leh.

Jimicso

Si quruxda jidhkaaga iyo kala shubnaantiisu u korodho, ku dadaal in aad dhaqdhaqaaq samays. Fooqa sallaankiisa fuul oo wiishka ha raacin, meel aad lug ku gaadhi kartana gaadhi ha u kaxaysan, isbeddelkaas fududi waxa uu jidh kaaga ka gubayaa dufan badan, waxa aanu qayb ka qaadanayaa ilaalinta miisaanka.

Ku dadaal cunista cuntada caafimaadka qabta

Xitaa haddii dareenkaaga dhadhamo xiiseeyo cuntooyinka warshadaysan, ku dadaal in aad ka fogaato caadaysig a cuntada diyaarsan iyo ta qasacadaysan. Is weydii in cuntada aad cunaysaa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso nafaqaynta jidhkaaga, dooro cuntooyinka caafimaadka qaba, una fiican caafimaadka, sida cuntooyinka hodanka ku ah faytamiinnada iyo macdanaha jidhkaagu ka heli karo tamarta uu u baahan yahay.

Jimicsiyada jidhka furfura iyo is illowsiinta xanuunka

Mararka qaarkood waxaa dhacda in aad kaar iyo walbaar aanad arkayn dareento. Ku dadaal jimicsiyada iyo hawl aha kaa caawinaya hoos u dhigidda karaka.

Iskaga fogow caadifadda nafta warwarka ku abuuraya


Marmarka qaarkood waxaa dhici karta in dareennada nafsadeed iyo caadifaddu ay qofka ku abuuraan xanuun jid heed oo run ah. khalkhalka jidheed iyo ka nafsiga ahina waxa ay keenaan diiqad iyo in qofku hoos u gubto, sidaa awgeed ku dadaal, in aad maskaxdaada dib ugu noqoto, naftaadana dib u weydiiso arrimaha culayska ku haya am a saamaynta ku leh oo dhan, kaddibna ka shaqee in aad tirtirto xusuustooda iyo ka fikirkooda.

Berri ha ka warwarin

Noloshu waa taxane ay ku xeeran yihiin dhacdooyin kala duwan oo aan la sii saadaalin karin waxa ay berri ku aad dan tahay. Dadku waxa ay inta badan naftooda ku caddibaan warwar iyo in ay nafta ku cusleeyaan ka fikirka wa xa berri dhici doona, waxa ay is illowsiiyaan in timaaddada aanay cidi waxba ka weydiinayn.

Maadaama oo aanad adigu go’aan iyo talo midna ku lahayn waxa berri dhacaya, waxaa kula gudboon waxa aad samayn karto oo ah in aad farxadda, quruxda iyo jacaylka maanta ka shaqayso.

Dhinaca togan wax ka eeg

Haddii aad maskaxdaada ku nafaqayso afkaar togan, waxa uu jidhkaagu awoodi kari waayayaa in uu helo tamar is cusboonaysiisa. Ku dadaal in aad dhinaca togan wax ka eegto, shayga intiisa xumi ha kuu joogto ee inta wanaa gsan arag, waxa aad isku arki doontaa in aad nolosha macno badan ka samaysay.

Naftaada ku cabbee farxad, jacayl iyo in ay ka fikirto nimcada tirada badan ee ay haysato, si aad noloshaada oo dhan u faraxsanaato.

Aqoonta aad hayso dadka la wadaag

Dr. Shigeaki Hinohara waxa uu noloshiisa ku dadaali jiray in cilmiga iyo aragtiyaha uu hayo dadka la wadaago, wa xa aanu ku taliyey in sidaas la yeelo. In aad waayoaragnimada aad hayso iyo aqoontaada kala duwan bulshada gaadhsiisaa waxa ay naftaada ku abuuraysaa farxad iyo in ay dareento in ay waajib gudatay. In aad naftaada ka raalli noqotaana waxa ay ka mid tahay dareennada la dagaalama calaamadaha gabowga iyo xanuunnada nafsiga ah.

Hawlgab ha gelin inta aad caafimaad qabto

Inkasta oo ay dadka adduunku caadaysteen in marka ay da’ cayiman gaadhaan hawlgab noqdaan, wixii ay hore u soo shaqaysteen iyo bisilka la siiyana ku noolaadaan, haddana waxa uu Dr. Shigeaki Hinohara aaminsan yahay in ay taasi tahay tallaabo naftada caafimaadkeeda dhaawici karta.

Waxa uu ku talinayaa in inta aad ogtahay in aad shaqadaada si fiican u qabsan karto, kuna guulaysan karto ka mi dho dhalinteda, isla markaana aad jeceshay qabashada shaqadaada, in aanay jirin sabab kugu kallifta in aad hawl gab gasho, si kasta oo ay da’daadu u weyntahay.

Jadwal hawleed yeelo

Waxaa ugu daran nolosha in aad soo toosto adiga oo aan geranayn hawlaha rasmiga ah ee uu kuu yaalla ama si da ay u kala mudan yihiin iyo halka ay tahay in aad ka bilowdo. Samayso qorshe maalinleh ah oo aad ku kala garat o waajibaadka shaqo ee kuu yaala, adiga oo u horreysiinaya kuwa ay tahay in aad dhaqso u gudato.

Marka aad qorshe samaysanayso waa in aad maskaxda ku hayso natiijada ay tahay in aad hawshaas ku gaadho, si aad u garato in hawshaa qabashadeeda aad ku guulaysatay iyo in kale.

Maal jacaylku waa cimri degdeg

Dadka badankoodu kuma raalli noqdaan maalka ay hayaan iyo hantidooda, mar kasta lacag urursi iyo in hayntood u ay korodho ayaa u ah bartilmaameed. Arrintaasi waxa ay keentaa dhibaato ah in qofku aanu weligiina nafta ka raalli noqon iyo in aanu dhadhamo farxadeed helin.

Baro in dhaqaalaha hadba inta ku soo gasha aad ka samaysan karto nolol aad ku raalli noqoto kuna raaxaysan ka rto. Ha ka fikirin in aad maal badan hesho ee ka fikir in maalka aad hayso maamulkiisa aad barato.

Adba hibo waad leedahay

Qof kastaa hibo Alle geliyey ayaa ku jirta, waa dhab in dadka qaar ay hibadaasi si fudud uga soo muuqato, laakiin ogow kuwo badanna iyaga ayaa hibada ku jirta soo saari kara ee. Qof kastaa qof kale waa uu ak duwan yahay, n aftaada u sheeg in ay nooc gaar ah ka tahay nafaha kale ee ku xeeran. Ku dadaal in aad barato waxa aad hibo u leedahay, kana shaqee in aad soo saarto.

Laakiin macnuhu ma’aha in aanad dadka kale ku tiirsanaan, waayo waxaa hubaal ah in aad mar kasta u baahan tahay cid dhammaystirta nusqaanta kugu jirta, kuguna hanuunisa jidka guusha.

 



W/D: Kamaal Marjaan