TALO
SOO JEEDIN KU SOCOTA XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB,
A.A GOODIR

1. Marka la idin ansixiyo ee la
idin dhaariyo ka dib, waxaad fadhiga idiinku h oreeya iska
dhex dooranaysaan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, idi nkoo
mudnaanta siinaaya kuwa aad u aragtaan inay:-
a) Idiinku tacliin roon yihiin.
b) Idiinku cod-karsan yihiin.
c) Idiinku dul-qaad badan yihiin ee hoggaamin toosan iyo Dad-wadnimo
leh, idiinkuna dad iyo dal yaqaansan.
2. Waxaad samaysan kartaan xeer-hoosaadkii idin kala hagi lahaa ee
aad ku kala bixi lahaydeen (Anshax marin ahaan) idinkoo ka tusaale
qaadan kara xeerkii Komishankii hore ee koowaad.
3. inaad heshaan xil-wareejin tafaftiran ee aan mugdi iyo mad-madow
toonna lahayn, oo ay goob-joog markhaati ah ka yihiin xisaabiyaha
guud iyo hanti-dhawraha qaranka:-
a) Tirada agabka iyo qalabka doorashadda iyo diiwaan-gelintaba ee
yaala bakhaaradda Komishanka.
b) Tirada qalabka xafiisyada Komishanka ee heer Qaran (Xarunta Dhexe)
iyo Gobollada iyo Degmooyinka iyo cidda ka mas’uula xafididooda.
c) Tirada gaadiidka Komishanka iyo taargooyinkooda.
d) Tirada Shaqaalaha Komishanka iyo faylalkooda warbixineed iyo
sidoo kale tirade ciidanka ilaalada nabadgalyada ee xarunta
Komishanka ka hawlgala.
e) Caddaymaha xisaabaadka (Statement) ee Komishanka uga furan baanka
iyo xawaaladaha u kala baxsan: 1)Xisaabta Guud ee doorashada 2)
Xisaabta gaarka ah ee maamulka Xarunta Komishanka.
f) Wixii daymo taagan ah ee lagu leeyahay Komishanka ee ay galeen
Komishanka hadda xilka ka degayaa, waa in laysaga leexiyo Xukuumadda
haddii uusan jirin madax xige kharash miisaaniyada ku jira oo laga
bixin karo.
g) Wixii qoraalo iyo raad-raacyo ah eek u lug leh doorashada iyo
arrimaha diwaan-gelinta socota.
h) Wixii shuruuc iyo xeerar ah ee ka turjumaya doorashooyinka iyo
diiwaan-gelintaba, si aad u dhuuxdaan, una fahamtaan xilka iyo
waajibaadka la idinka rabo fulintooda.
4. Inaad heshaan liistooyinkii goobihii hore ee codbixinta iyo
magacyadii hawl-wadeenadii ka hawl-galay iyo sidoo kale Guddiyadii
Komishanka ee Gobollada iyo Degmooyinka hore uga soo shaqeeyey
Magacyadoodii si looga tusaale qaato doorashada soo socota.
5. Inaad dib-u-eegis ku samaysaan miisaaniyadda doorashada iyo tan
maamulka xaruntaba, kana dalabtaan xukuumadda kabis miisaaniyadeed
oo hor leh hadaad u aragtaan lagama maarmaan, siiba miisaaniyadda
hawlaha xarunta Komishanka loogu tallo galay oo hadda noqon karta
gabaabsi iyo bar-kuma-taal, iyadoo miisaaniyadda ku talo-galka
doorashadana dhab ahaan loo xaqiijinayo in saamiyadii laga kala
rabay Xukuumadda iyo deeq-bixiyayaasha ay ka diyaar yihiin gacanta
lagu hayo:
a) Qaybtii Xukuumadda 25% ?
b) Qaybtii deeq-bixiyayaasha 75% ?
c) Qiyaasta guud ee loo qoondeeyey doorashada 100% ?
6. Markaad loxos go’ysaan ee aad salka dhigtaan, waa inaad dhistaan
Guddiyadii daba-galka kormeerka hab-sami u-socodka doorashada
(Monitoring Board) oo ka kooban dad xulasho ah oo miisaan iyo aqoon
sare leh oo ku-dhac iyo run sheeg leh.
7. Maadaama aad dhammaantiin ku cusub tihiin saaxadda Komishanka,
waxa habboon inaad yeelataan la taliyayaal sharci, maamul, iyo
farsamo oo waaya-aragnimo dheeraad ah leh, idinkuna toosin kara
toobiyaha sahlan.
8. Markay hawlihiinu isku duba-dhacaan ee la helo natiijada
diiwaan-gelinta, waa inaad u jeesataan ka midho dhalinta xilka iyo
waajibaadka shaqo ee la idiin igmaday, sida ku tilmaaman qodobada 14
– 20 ee aasaaska iyo bud-dhiga u ah degganaanta hawsha doorashadda
(Stability)..
9. Inaad yeelataan wada shaqayn iyo isku-duubnaan, kana fogaataan
mafaariishta muranka iyo fadhi ku dirirka ah ee lagu falanqeeyo
siyaasada suuqiqa ah.
10. Inaad xoojisaan xidhiidhka wada shaqayneed ee aad la leedihiin
asxaabta Qaranka, isu soo jiidkooda iyo is-af-garansiin tooda, isla
markaasna aad hawlgelisaan Wakiillada asxaabtu soo igmatay inay goob
uga ahaadaan hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha diiwaan-gelinta,
ahaataanna kuwo u laab-furan oo si siman u soo wada dhoweeya una
qaabila inay yihiin loo shaqeeyayaal (Stake-holders).
11. Inaydaan luminin kalsoonida iyo taageeridda bulsho weynta loo
adeegaayo idinkoo had iyo jeer tix-gelin doona rabitaankooda, kana
digtoonaan doona go’aan qaadasho seef la boodnimo ah ee u adeegaysa
dhinac keliya.
12. Inaad ahaataan kuwo ku shaqeeya qorshe hawleed jedwelaysan iyo
ajende maalmeed qoran oo laga dodo, lagana soo saaro hadal qoraal
iyo go’aan wadareed, xubnaha Komishankuna wada saxeexaan.
13. Inaad fiira gaar ah u yeelataan aamminnimada iyo hawl fulinta
wax-qabadka shaqaalaha komishanka ee joogtada ah, iska hubisaan
tayadooda waxqabad.
14. Inaad xil adag iska saartaan u feejignaanta adkeynta
nabadgelyada xarunta iyo sidoo kale dadka ajnibiga ah ee idinla
shaqeeya iyo xubnaha Komishankaba oo xil adagi idinka saaran yahay
badbaadadooda.
15. Inaad hagaajisaan ahmiyadda is-gaadhsiinta xarunta dhexe iyo
Xafiisyada Komishanka Gobollada iyo Degmooyinka dhexdooda, siiba
xilliga doorashadu socoto.
16. Cagta iyo socodka inaydaan ku badin galaan-galka Madaxtooyadda,
kana taxadirtaan inaan la idiin arag kuwo ku xidhan oo keliya
Madaxtooyadda, Loogana yeedhiyo awaamiirta.
17. Inaad ka dheeraataan wixii maamul-xumo iyo sumcad-xumo idiin soo
jiidi kara, kuna dedaashaan sidii aad uga tegi lahaydeen raad wacan
iyo taariikh waddaninimo oo wax-ku-ool ah.
Ugu danbayntii, waxaan idiin rajeynayaa guul iyo in ilaahay
xaalkiinna asturo oo idiin fududeeyo xilka iyo waajibaadka
xaasaasiga ah ee la idiin xulay.
(NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN)
Allaa Mahad leh
|