TALO QARAN IYO WARKEED:Q3

 



"INNAHU MIN SULEYMAANA WA INNAHU BISMILLAAHI AR-RAXMAANI AR-RAXIIM:
27 Suurat An Namal, Aya 30."

An ku horeeyo HAL YAR OO TUSAALO AH IYO XAAJI SULEYMAAN AL XAKIIM:

La garay in talada hadba cidii loo igmado loo daba fadhiisto, marka intii talada lagu aaminay ay iska hor iyo daba noqoto oo meel ay ku jiheysanyihiinba la garanwaayo, ee amaanadii duhur dh araareed lala ambado, ummaddu miyaan xaq u lahayn in ay ka hadasho? Mise xaalku waa ha ark in, oo ha maqlin oo ha dareemin? Xaaji Suleymaan isaga oo dalka ka maqan muddo laba sanadoo d ku dhow ayuu dib usoo guryo noqday xiligii doorashadii deegaanka; foolxumadii xukuumadduu ka tirsanaa ku kacday kelmad xaq ah kamuu odhan aan ka ahayn anigaba imisa jeer ayaa la i ba acsaday; samra oo quusta. Waa lama filaanada taariikhda galay.

Haddaynu taa ka gudubno waxa maanta la iswediinaya halkan dalkii iyo dadkiiba lagu wado. Su'aashanina waxaga Gudddomiyaha Golaha Gurtida: Dalkani muxuu qiimuhuu inagu jooga? Dhaqanka Soomaalida meel ay joogtaba mid bay ka simantahay: Mid kula dhashay iyo mid aad dhashay hal waad kaga samri oo marka wedka Illahay u yimaado. Haddii bahal la dhaco waad ka dab boodi oo waxa la arkaa in aad ka riddo; kama' iyo ula kas haddii lagu dilo waad duulimaad tegey oo waa aardoon. Marnaba se ma suurtowdo labadaa an hore u soo sheegay in aa dhayal hadiyad aadama kale u siiso. Intan maqiiqan ee maal adduunyo madaxmare ha loogu dhaarto in Somaliland cid marlabaad hadiyad u bixin kartaa ay la mid tahay qoraxdii oo Galbeed ka soo bax day.

Maantan xaggaa iyo dalka Turki Jumhuuryet ayey ka hillacday. Maalintii dhweyd ee weftigii mad axweynuhu hoggaaminayey booqashada ku tegey dalka Turkiga miyaanu wassirka Arrimaha De bedda ee Turkigu Md. Axmed Daafatugluu toos innoogu sheegin halka Turkihgu ka taaganyahay dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya ee 1991 halligmay? Dalka Turkigu hore ayuu heshiiso ku saa bsan sahaminta saliida ula galay xukuumadii magac u yaalka ahayd ee wadaad Shariif. Haddaynu dib u milicsanno dhammaan inta jeer ee Shirar macno darro ah aynu ku fadhiisannay Soomaaliya iyo nuxurka shirarkaasi tilmaamayeen waxaynu arkeyney in gundhigoodu ahaa: WAXA MARWALBA MUQADAS AH MIDNIMADA DALKA SOOMAALIYA. Bal u raadraaca shirkii Wilt on Park 2011, kii London February, 2012, kuwii dalka Turkiga, kuwii Dubai ku qabsoomay; iyo kan hadda loo haloosiyayo ee fooda inangu soo haya(May, 2013). Midnimo Soomaaliyeed miyaynaan hore uga tashan?

Soomaali koonfureed waxay la meereysanayaan lacag wadamada Carabtu bixiyeen oo caqliyado odu waxay odhanaysaa shilimaad aynu ku iibsano qadiyadda Somaliland iyaga oo bartilmaameed sanaya Golayaasha sharci dejinta iyo Xukuumadda oo ay ku dhexjiraan dad arrintan hormood ka ihi. Jidkani wuu soo xidhmay ee hadal heyntiisa ummadda ha laga daayo.

Runta xukuumadda Somaliland ha yaqiinsato: Turki iyo Carab midna dhexdhexaad kama noqon k aro kala furdaaminta Soomaaliya iyo Somaliland. Haddii addunyadiiba laga soo waayey heshiis Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray 1960, sharcigee innagu khasbaya in aynu koonfur Sooma aliya u daba fadhiisanno aqoonsi? Jawaabtu waa: Waxba kama jiraan. Labadan dal cidi may dhe xdhexaadin 1960 maantana Soomaali koonfureed diyaar uma aha garnaqsi iyo wixii aynu ku kala bixi lahayn. Maadaama koonfur diidantahay in la kala faataxaysto iyadoon marka horeba jirin xe er inaga dhexeeye oo lagu midoobay. Maxaa keenay maxlalkan; miyaan Somaliland si sharciyada dunida waafaqsan dhidibada loogu taagin. Ma hadday meher cusub u baahatay iyo geed lagu m axlalo.

Gabay u tiriyey Alla ha u naxariiste Ibrahim Gadhle ayaa waxa ku jirey:

ADIGUBA MARWADA DUMAR MEHER WAA KU GEYDAA
U MINXIISKA QAYRKAA WAXA KAAGA MAGAC ROON ADIGOO MID GUURSADA.

Dalkan taladiisii minjaha loo rogay tolow ummaddii lahayd miyaan cidi ka uunayn? Malaha intii di bu-xoreyntiisa ku dhimatay ayaa inteena maanta nool ka meeqaam sareysa? Xag Alle iyo xag aadamaba Ashad Billaahi in inta qubuuraha ku jirta sharaf iyo karaamaba dhaanto inta maanta nool. Sababtoo ah intii ku shahiiday afcastu wejiga iyo laabta ayey ka haleeshay isaga oo xaqiis ioi kui dagaalamaya. Maxaa se bedeley?

Waxa min subaax Alla ah in waagii beryaba aynu la kowsanno wacdi iyo waayo cusub; masraxiyad la moodo in daawashadeedii dhammaatay oo hadba weji cusub lasoo laba kacleyney sa.

Qadiyadda Somaliland dunida Carabta halka ay ka taagantahay weynu ka dheregsannahay oo waxs cusub oo aynu ka filanaa habayaraate majirto. Carab oo maantana urisay saliid iy gaas ayaa bad iyo berri ceegaaga waa kuwan durba haqal la soo wada kacay. Ras al Khaimah waxay ka mid tahay kuwa la yidhi waxay maal gashanayaan baadhista shidaalka ku duugan Somaliland; Dalka Cumaana waa soo hardaafaya; Qadar iyo Imaaraadku iyana meesha kama madhan; dalal carbeed oo kalena waa soo gurxamayaan! Cajaba Alle meesha maxaa ka hig leh.

Haddaan sidan wax laga bedelin oon xukuumaddan Kulmiye xeelad kale keenin waxa hubaal ah in ay dad iyo dalba seymo oodan inala dhex barriinsan.


Wa taciyaha Udunun Waaciya,
 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
April 1, 2013