TALO QARAN IYO WARKEED-Q2:

 


Wadaadkii ina Cabdille Xasan ayaa laga hayaa, "In aan jabayo waxan ku garanayaa Yam Yam iyo Qadaadweyn ayaa la iiga taag la'yahay.." Maah maah Soomaaliyeed ayaa iyana odhan jirtey, "Gee loow daaq se waxa laguu yaaba maalintaad ciin daaqdo

Gunaanadkii qormadii hore ayaa ahaa: HAL YAR IYO XAAJI SULEYMAAN AL XAKIIM.
Usuusha iyo sunnaha dowladnimo ayaa ina faraya in talada loo daba fadhiisto hadba ciddii xilka hog gaanminta ummadda lagu aamino. Sida xasilooni darrada siyaasadeed u saamayso seyladaha dhaq aalaha, ayaa halbeeg kalsoonida shacbiguna uga xajiimootaa muhmal iyo wixii madmadow ah.

Haddaan la is makeekiyeyn, masiirka ummaddu wuu ka culusyahay wax boorso lagu qaado oo hadb a meel aan geyaankiisa ahayn lala kambadhuudhsado. Jiritaankii iyo qarannimadii oo marlabaad lag u laalaadiyey god madow, miyeynu daawannaa oo taladaas ayeynu ka dhursugnaa?; himiladii umm adda ee naf iyo maalba loo huray ma waxay isugu biyo shubatay in mar labaad hadiyad loo bixiyo? Jawaabtu waa maya.

Digdigtii iyo durduradii ma hadday hirdidey derbigii juuj iyo ma'juuj la iskaga deyrey? Ictiraafbaan ka raadinayaa Soomaali koonfureed waxay la mid tahay hadal Xayle Salaase beri yidhi oo ahaa, "M a la arki dameero geeso leh!"

Labada inan ee madaxada looga dhigay Soomaali koonfureed waa kuwa gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar saamaxaad uga dalbaday dowladda Mareykan; waa kuwa ka dalbaday Qaramada Mid oobay in iiridaha loo laabo dhammaan xafiisyadii ay ku lahaayeen Somaliland loona raro Muqduksho sida weftigii ha'addaas ka socday ku wargeliyeen Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorsheynta Qaran ka ee Somaliland. Labada nin ee ku hanjebeya xoogbaanu Somaliland ku muquunin wadahadal ma inaga dhexeyn karaa? Seddex maga Ilaahay hadday u suurto geleyso neecowda Bani aadaamku ku noolayahay wey innaga xidhi lahaayeen. Gacan ku dhiiglihi galaaftay 70,000 oo qof kuw u doodaya wanaaga iyo walaaltinimada inaga dhaxaysa bal magac u bixiya? Kuwa noocaas ah kuwa hortegey a ee la shirayaa ayaa ka liita.

Dhinac barotakoolada diploomaasiyadda haddaynu ka eegno labadan maqaarsaar cod iyo kalsooni ummadeed midna kuma joogaan oo waxa meesha keenay iyo sifaha ay ku yimaadeenba weynu ogs oonahay.Qaranimada Soomaali koonfureed waxa waardi ka ah ciidamo shisheeye oo hadday maan ta Muqdisho ka baxaan, saacad sii jiri meyso magac u yaalka hadda halkaa ka jira. Maadaama ay d owlado shisheeye gacanta ugu hayaan sugitaanka ammaanka dalkooda, haba yaraate ma sheegan karaan qarannimo.

Taa dhigeeda Md. Axmed Maxamed Maxamuud boqlaal kun oo shacbiga Somaliland ihi codkoodii iyo kalsoonidoodii ugu hibeeyeen si waafaqsan qaabka adduunku ku dhaqmo isaga oo doorasho ayuu ku yimid. Waxa karaamo jab iyo bahdilaad qaran ah in madaxweyne la soo doortay horfadhiisto da d aan dhigiisaba ahayn oo dowladnimada ay sheeganayaanba tahay gacan-ku-rimis. Xukuumadda Somaliland weli toos uaga may jawaabin sharcidda Xasan Maxamuud iyo Cabdi Faarax u xalaalayse y sheegashada iyo lahaanshaha Somaliland.

Xasuuqii ummaddan loo geystey haddaanay xukuumadda Somaliland ka damqanayn, intii hore ugu dhiidhiday iyo intii dhiigooda u hortay kuwy dhaleen ayaa maanta diyaar u ah in ay difaacaan qara nnimadood, madaxbannaanidooda, karaamadooda iyo jiritaankooda ummad ahaaneed.

Bisha March 15, 2013 markuu weftigii madaweynuhu hoggaaminayay ka soo laabtay socdaal uu ku tegey dalka Turkiga, warbixin kooban uu u jeediyey warbaahinta wuxu ka dhawaajiyey in aan Som aliland qeyb ka noqondoonin shirka Soomaaliya ee magaalada London ku qabsoomidoona Bisha may 7, 2013. Hadalkii madaxweynaha ee ku saabsanaa qaadacaadda shirka London laguma sheegin war kii TVGa qaranka iyo HCTV ee sideedii habeenimo iyo xiliyadii ka dambeeyeyba; sidoo kale Idaacada afka xukuumadda ku hadasha ee Radi Hargeisa iyana warkaas may faafin.

Maxaa loo qarinayaa go'aanka Madaxweynuhu ka gaadhay shirka London? Jawaabta waxaynu ka sugidoonaa Md. Dhuxul, Md. Cukuse, iyo Md. Abiib Timacade iyo xertii isku bahaysatay Idaacadii la odhanjirey RADIO HOORAAYE. Sheekadani ma iibsamayso 'e inna talo kale xukuumadda Somaliland ma ku hadhay? Sheekadu halkay iska dabooli la'dahay?

Sida ay sheegeen ilo wareedyo diploomaasiyadeed oo reer galbeed ihi, codsiga wada hadalada Soo maaliya wuxu ka yimid xukuumadda Somaliland habkii loo mareyna weynu ogsoonayn waxana kuu xaqiijinaya niyo jabka ku dhacay saaxiibadii qadiyadda Somaliland u lolayn jirey oo toos kuu odhana ya miyaan shicibka iyo xukuumadda Somaliland iskaba war hayn! Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ummadda ma waxay u haysataa xoolo xero ugu oodan? Miyaanay dhuganba dunida waxa ka socda iyo guga wadamadii Carbeed curtay iyo qowsaaradii ay ka mid ahaayeen Sa yn-ul Caabidiin Bin Cali, qooqaagii Liibiya Kornayl Mucamar Al- Qaddaafi, dabadii lama baanihii Xo sni Mubaarig, iyo Cali Cabdala Saaax oo Yaman mudo seddex iyo sodon sannadood ah ku amar-ku-taag laynayey. Imisaa nin loo maaro waayey Meydaan-ul Taxriir malgay?

Dalalka Carbeed dhammaantood halka ay qadiyaddeena ka taaganyihiin innagoo ogsoon maxaa xu kuumadda Somaliland ku kalifey in dowlado Carbeed ina dhexdhexaadiyaan? Weftiga madaxweynuh u hoggaaminayo ee hadda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta miyey innaga qarsoontahay in toos loogu sheegayo in la damacsanyahay in dib loo yagleelo midnimo Somaliland?

Ragga meesha tooraynayaa ma yihiin kuwo jawaab dadka reer Somaliland qancisa madasha ma ka dhiiban kara? Hadda waxa soo shaacbaxaya in ay dalalka Carbeed lasoo mutuxanyihiin midnimo So omaaliyeed oo si taa loo helo lacag magdhow ah ay iyagu ka bixiyaan xasuuqii Somaliland ka dhaca y! Marka arrinta la maqalo ma laga yabaa in weftiguba gebi ahaantii kooma galaan?

Inta midnimo Soomaaliyeed u xusul duubayaan maxay iyagu hal dal ugu midoobiwaayeen? Xiisaha iyo jacaylka Carabi soomaali u haysaa muxuu yahay? Markii la halaagayey sow kuwii daawanayey? Damac iyo hun guri dhaqaale iyo Geeska Afrika oo ilaa Moosaambik lagu sheegay balliyo saliid ah oo bad iyo berriba hoos jiifa ayey Carab iyo cid waliba u hanqaltaagaysaa; oo waa bililiqo iyo boob sharciyeysan.

Geddaan dhabatkan muuqdaa waa raadgadasho iyo marmarsiiyo loogu gogol xaadhayo ka qeybga lka shirka London oo macnehedu yahay Somaliland oo dal iyo dadba la waayo. Waxaynu sugnaaba waa xukumaddeenii oo go'aankeedii hore ka noqotay e' bal an dhowrno waxa ka soo yeedha.

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
March 26, 2013