Tallaabooyinkii u Tisqaaday Xukuumadda Ayaamihii
Tirsanaa ee Sanadkii 2012

Hargeysa(TNN)-12-kii Bilood ama 365-tii Dharaarood ee
sanadkii galbaday ee 2012-kii, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Axmed
Siilaanyo ugu suntan yahay sanad barkhadeed, waxaanay wadanka ka
hirgelisay waxqabad balaadhan oo dhinacyo kala gedisan leh.
“Sanad waliba Hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu Hadimo leeyahay
Waa laga Helayoo
Hadhoow lagu Xasuustaa
Kii Noo Hagaagee Noqo
Loo Han weyn yahay
Waan ku haybinaynee
ILAAHAY ha kaa dhigo
Adna Hogol Da’aysiyo
Habeen dhalad barwaaqiyo
Nimco la hadhsan dooniyo
Cawo lagu heshiiyee
Kii noo Hagaagee Noqo
loo han weyn yahay”
Maxamed Saleebaan Tubeec
12-kii Bilood ama 365-tii Dharaarood ee sanadkii galbaday ee
2012-kii, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu suntan
yahay sanad barkhadeed, waxaanay wadanka ka hirgelisay waxqabad
balaadhan oo dhinacyo kala gedisan leh.
Waxqabadkaasi oo iskugu jira mashaariic waaweyn oo ay abuurtay iyo
qabyooyin sanado badan baaqday oo ay ka dhaxashay xukuumaddii
Rayaale oo ay dabooshay.
Waxaan jecelahay inaan si kor ka xaadis ah u guud maro Qodobaddii
Xusidda mudnaa iyo kuwii IL-qabatinka lahaa ee xukuumaddan 25 bilood
jirka ahi ku tun-tuunsatay kal-hore.
Qodobadaasi oo ay ugu dhumuc weyn yihiin horu-socodka laga sameeyay
arrimaha Ijtimaaciga ah ee saamaynta togan ku leh bulshadda
Somaliland ee xukuumaddu iyaga u addeegayso.
Sanadkii tagay waxa uu ahaa mid xukuumaddu wax ka bedashay tubtii
loo marayay hanaanka aqoonsi raadinta, waxaanay wada hadalo fool ka
fool ah oo heer Madaxweyne iyo Wasiirro ah la yeelatay Dawladii ku
meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya.
waxa la soo gabo-gabeeyay shirkii u horeeyay ee noociisa ah ee
xukuumadda Somaliland yeelato abid kaasi oo Golaha Wasiirrada iyo
Madaxweynuhu isku horfadhiisteen qiimayn ku saabsan sidii
wasaaraduhu ay uga soo dhalaaleen adeegyadii ay bulshadda u hayeen.
Shirkaasi oo socday sadex maalmood. Waxa laga soo saaray 12 qodob oo
wasaaradaha iyo Ha’yaddaha dawliga ahi ay diiradda saari doonaan
sanadkan cusub ee 2013-ka.
Waxa shirkaasi lagu suntaday 130 qodob oo xukuumaddu wax ka qaban
doonto sanadkan, waxaana qorsheyaashaasi ay waafaqsanaayeen
qorshihii horumarinta Dalka ee shan sanadoodlaha ahaa ee ay curisay
wasaaradda qorshaynta qaranku.
Waxa kale oo xukuumaddu sanadkii tagay joojisay ruqsadihii
maraakiibta shisheeye oo xaalufin weyn ku hayay khayraadka xeebaha
dalka. Waxaana go’aankaasi ay xukuumaddu u qaadatay. Waxa ku
diirsaday kalluumaysatada wadaniga ah oo ay cidhiidhi ku hayeen
Kalluumaysatadda shisheeye.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil
(Saylici) oo booqday dalka Jabuuti oo uu marti-qaad ka helay ayaa ku
guulaystay inuu dawladda Jabuuti ku heshiiyeen inay ogolaato in
baasaboorka Somaliland lagu galo dalkeeda.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu xagaagii la soo
dhaafay meel mariyay oo uu dhaqan-geliyay xeerka baananka Islaamiga
ah oo aqalka wakiiladda oo muddo badan uu horyaalay ansixiyay,
xeerkaasi oo baahi weyn loo qabay.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo
Booqasho ku tagay dalka Ingiriiska ayaa shahaado sharaf ku maamuusay
xubno ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Ingiriiska ee taageera
qadiyadda Somaliland. Tallaabadaasi oo uu qaaday si uu u
dhiirigeliyo niyadda saaxiibadda Somaliland.waxaanay iyaguna Wasiir
Xirsi ku muuneeyeen shahaado sharaf ay ku gudoon siiyeen
garashadiisa la xidhiidha shahaado sharafta uu ku muuneeyay.

Waxa iyaguna xagiigii la soo dhaafay dalka booqasho rasmi ah ku
yimid shirkadda caalamiga ah ee Genel Energy oo kulan la yeeshay
madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.
Maamulaha guud ee Shirkada Genel Energy Tony hayward oo kulankaasi
ka hadlay waxa uu sheegay inay bilabayaan marshuuc sahmin shidaalka,
isla markaana ay ku maalgalinayaan lacag gaadhaysa (40 Milyan oo
Dollar taas oo la bilaabi sannadka 2014-ka ceelka ugu horeeya ee
Somaliland ka qodoyaan.

14/01/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka
Guurtida iyo Wakiilada) waxa uu ka hor jeediyay Khudbad Sanadeedkii
Distooriga ah,taas oo Xambaarsanayd Wixii u Qabsoomay Xukuumada,Waxa
aan u hirgalin iyo Barnaamijka ay raacayso sannadka 2012ka.
31/01/2012: Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarka ee Dawlada Denmark
Chiristiano Firiij Biij, ayaa Booqasho ku yimid Caasimada Somaliland
ee Hargaysa isla markaana balan-qaaday in dawladiisu ay hab ka duwan
sidii hore ula macaamili doonto Somaliland Xafiis farsamana ay ka
furteen Magaalada Hargaysa.
05/02/2012: Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole ee
Baarlamanka Somaliland waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in
Xukuumada oo Matalaysa Dadkeeda iyo Qarankeeda ay ka qayb gasho
Shirkii lagu qabtay magaalada London 23 bishii February ee Sannadka
2012, Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay dawlada Ingiriisku kana qayb
galeen ku dhawaad Lixdan dawladood oo caalamka ah oo ay Somaliland
ku jirto. Fadhiga labada Gole iyo faahfaahintii Wasiirka Arrimaha
Dibadu ka bixiyay nooca Shirkaas
23/02/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed
Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban
Xukuumada,Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada ayaa ka qayb
galay Shirkii qaban qaabadiisa Ingiriisku lahaa ee lagaga hadlayay
arrimaha dalka Somalia.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo iyo Weftigiisa waxaa loo qaabilay hab maamuus dawleed oo
dhamaystiran iyadoo Madashii Shirkaasna loo ogolaaday inuu Khudbad
ka waramaysa Xoriyadii ay Somaliland ka hanatay 26 June
1960,Midnimadii ay la gashay Somalia-dii ka hoos baxday gacantii
Gumaystihii Talyaaniga,halgankii dhiiga badani ku daatay ee dibu
xoraynta wadanka,hub ka dhigistii,nabadayntii,dhismaha maamul
dawladeed,horumarka iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka
hirgalay uu halkaas ka jeediyay isla markaana Cadeeday in Xuduuduhu
ay yihiin kuwii uu Gumaysigu ka tagay iyo sida ay Somaliland
diyaarka ugu tahay inay Waayo aragnimadeeda ku wajahan arrimaha dibu
heshiisiinta ee ay u Ooman yihiin dalka Somalia ay ula diyaar tahay.
Khudbadii Madaxweynaha.
War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee Arrimaha
Somalia ee London ayaa waxaa Qodobkiisa 6aad si weyn loogu xardhay
in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan Xidhiidhkooda.
Mustaqbalku nooca uu noqonayo iyadoo loo xil saaray Gudi ka hawl
gasha sidii labada dal isugu iman lahaayeen wada hadalo dhex mara.
20/06/2012: Waxaa markii u horaysay taariikhda tan iyo markii
Somaliland madax banaanideeda la soo noqotay isu hor fadhiistay oo
yeeshay Kulan foolka fool ah Laba Wefti oo ka kala socday Somaliland
iyo Somalia isla markaana sii ambo qaaday Qodobkii 6aad ee baaqii
Shirkii London ee 23kii bishii february .
20.06.2012 furitaanka Shirkaasi Waxay ahayd laba dharaarood oo si
weyn looga dhursugayay, waxa uu dhali doono shirkan ugubka ah ee ay
isku hor-fadhiisteen Somaliland iyo Somalia markii u horeysay rubuc
qarni ku dhowaad. Waxay odarasayeen sida uu u saamayn qaranimadooda
qiimaha culus iyo halganka adag ka dhashay ee ay ku tanaadeen muddo
dheer oo uu qiiqayay dalka Soomaaliya ee ay baarashuudka ka goosteen
burburkiisii waxaanay aaminsan yihiin in madax-banaanidoodii ay kala
soo noqdeen uu ahaa mid qaraar-san oo EEBE ku ilhaamiyay ammin
sammaddu furnayd.
Shirkaas wada xaajoodka ahaa oo ku qabsoomay Guriga uu ku nasto
Wasiirka Arrimaha dibadda Britain Mr. William Hugue oo la yidhaahdo
Chevering House oo ku yaala duleedka London wuxuu ahaa mid laga
dar-daar werinayay midhihiisa oo dad badan oo si dhow ula socday
qabeen inuu dhicisoobi doono daqiiqadaha ugu horeeyaba marka laga
qiyaas qaato mawaafiqda kala durugsan ee labadda dhinac.
Haddana waxa uu u dhacay jawi degan oo bilow ay u riyaaqeen
marti-geliyeyaashii iyo labadii dhinacba.
28/06/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Dhigiisii hore
ee dalka Somalia Sh,Shariif Sh.Axmed ayaa kulan qayb ka ah
dhiirigelinta Wada hadalada labada wadan waxay ku yeesheen Magaalada
Dubia isla markaana qalinka ku wada duugeen War Murtiyeed nuxurkiisu
ahaa in la sii wado wada hadaladii u bilaabamay labada wadan si
xidhiidhkooda mustaqbalka ay meel isula dhigaan, waxa ay ku yeesheen
Magaalada Dubai ,Waxaa Safarkaas Taariikhiga ah Madaxweynaha ku
wehelinayay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
,UCId Inj Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigii UDUB Daahir Rayaale
Kaahin,isla markaana ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Waxaa Guul ahayd in Somaliland ay ku guulaysatay in mudo 22 sano ah
oo ay jirtay ay ku talaabsatay arrimo taariikhi ah sida dhismaha
Maamul dawladeed,kala danbayn, nidaam dimuquraadiyadeed iyo
dhamaanba astaamihii dal looga baahnaa inuu yeesho, oo cago adag ku
taagan waxa sidaa loo sameeyayna waa mid ku qotonta xaqiijinta hanka
iyo himilada ummada.
Xukuumada haatan talada haysa oo ku timid rabitaanka shacabku iyadoo
ka duulaysa rumaynta yoolka aynu beegsanayno waxay dariiq cusub u
jeexday hanaan dublamaasiyadeed oo dalalka adduunka lagaga raaridayo
aqoonsiga Somaliland dadaaladaasi waxay keeneen in Somaliland ay
kaga qayb gasho shirkii ay dhawr iyo kontonka dawladood ka soo qayb
galeen ee magaalada London lagu qabtay 23 bishii Feberwery ee
Sannadka 2012,ka lagagana hadlayay arrimaha Somalia in loogu casuumo
iyadoo ka duwan Somalia waxaa shirkaas ka soo baxay war murtiyeed uu
qodobkiisa 6aad sheegayo in Somaliland iyo Somalia ay ka wada
hadlaan xidhiidhkkooda Mustaqbalku sida uu noqonayo,wada xaajoodkasi
si loo sii ambo qaado waxa wejigii ku xigay lagu qabtay Magaalada
Istan bul waxaa labadaas shirba lagaga hadlay in la taageero oo la
taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii Bedesha..
Wada-hadalladaas waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u
qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan.
Madaxdii labada dhinac kala hogaaminaysay ayaa markii Labada Cisho
ee Kulanku dhamaaday waxay ka soo saareen 8 Qodob oo tilmaamaya sida
loo sii wadayo wada hadaladan labada wadan u bilaabmay Waa kuwan
Weftigii dhinaca Somalilad ka socday oo iftiiminaya Waxyaabihii la
isku afgartay
War Murtiyeed laga soo saaray Shirku markuu dhamaaday ayaa u dhignaa
.
1. In wada shaqayni ay dhex marto Somaliland iyo Somalia, iyada oo
laga duulaayo shirarkii Londoniyo Turkiga.
2. In wada shaqayn yeeshaan labada dawladood Somaliland Iyo
Somaaliya iyo dawladda badali doonta TFG
3. In labada Madaxweyne ay kulan deg deg ah yeeshan oo isu yimadaan
kuna kulmaan sadexda dal ee Imaaraadka carabta, Qatar iyo Swizerland
midkood.
4. In labada dhinac ay samaystaan guddi farsamo oo sii anba qaada
wada hadalada.
5. In caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan, waa Somaliland
iyo dawladda ku meel gaadhka ah.
6. Inay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka aragixisada, budhcad
badeedda iyo arrimaha amniga
7. In la fudeydiyo isku socodka dhinaca xuduudaha ah mustaqbalka
dhaw.
8. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo ammaanka u yeedhaan
labada dhinacba.
Tafaasiil iyo Sharax ku Wajahan Faa’iidada Shirkaasi u lahaa
Somaliland.
Somaliland waxa shirkan ugu jira maslaxado badan oo kuwaasi oo lagu
bayaamiyay 8-dii qodob ee war-murtiyeedkii laga soo saaray
xambaarsanaa. Waxa laga xusi karaa in markii u horeysay beesha
caalamku garwaaqsatay in Somaliland iyo Soomaaliya u wada hadlaan
sidii laba qaran oo siman. Taasi oo ah horu-socod ka tujumaya
hano-qaadka siyaasadda wasaaradda dibadda iyo gedi-socodka aqoonsi
raadinta Somaliland.
Qobadda kale ee Somaliland ka faa’iiday waxa ka mid ah oo baaqii
shirka ka soo baxayna meel sare kaga suntanaa in kaalmooyinka
qaadhaan-bixiyeyaashu ay siiyaan wixii la isku odhan jiray Somalia
ay Somaliland uga soo jaraan qaybtoodda, taasi oo ka mid ah
himilooyinka qaran ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo diiradda
ku haysay.
Waxa kale oo shirkan ergadii ka socotay dawladdii hore ee Ku meel
gaadhka Somalia ee TFG-da Soomaaliya ay ku dhici waayeen inay la
gole-yimaadaan dood-riyadoodkooda la xidhiidha inay Somaliland u
haystaan maamul-goboleed ka caasiyoobay maamulkoodda maqaar-saarka
ah. Waxaanay ku dhici waayeen inay miiska keenaan inay ka hadlaan
madax-banaanidda Somaliland markii ay arkeen miisaanka gudidda
Somaliland matalaysay oo runtii ka miisaan weynaa xilalkii ay kala
xambaarsanaayeen tobankii xubnood ee labadda dhinac matalayay.
Sidaas waxaan uga jeedaa Ergadda Soomaaliya waxay ahaayeen laba
Wasiir, Safiir iyo laba Mudane oo ka tirsan baarlamaanka TFG-da,
halka Somaliland ay ka socdeen Guddoomiye xisbi qaran, Guddoomiye
Baarlamaan iyo sadex Wasiir oo wasaaraddo shilis jooga.
Martigeliyeyaashuna waxay qabeen in Somaliland ay si ficil ah ugu
soo diyaar-garowday shirkaas oo ahaa mid gogol-xaadh ah . Marka la
qiimeeyo deg-degsiimadii Gudida loo magacaabay iyo masuuliyiinta
isku dhafan ee shirka loo soo dirayba.
Waxa kale oo danaha siyaasadeed ee Somaliland uga soo baxay shirkan
ka mid ah in dunidu si ili ma qabatay ah ay Soomaaliya ugu dirqido
inay iimaansadaan madax-banaanidda Somaliland oo ay caalamku u arko
mid waaqici ah oo aan indhaha laga dadbi Karin. Kulankan wajigiisii
ku xigay Sida aan soo Tilmaanay wuxuu ahaa mid heer madaxweyne ah,
arrinta iyana u baahan in la xuso ayaa ahayd in Madaxweynaha
Somaliland ay shirkaas ku wehelinayeen Gudoomiyaha Xisbiga Udub ama
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md,Daahir Rayaale
Kaahin,Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi
,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku
xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax,Xubno
ka tirsan Golaha Wasiirada
Waxa kale oo Gudidan ay ku sifeeyeen Geesiyaal qaran oo hadheeyay
ergadii dhigooda ahayd ee ay is hor-fadhiisteen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh,Axmed waxay
qalinka ku wada duugeen War murtiyeed Nuxur ahaan u dhignaa in
labada Madaxeyne ay dhiirigelinayaan sii ambo qaadista wada hadalada
bilawga,Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar oo
Qodobadaas ka hadlaya waxa uu yidhi.
Sidoo kale Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka iyo Hogaanka Golaha
Wakiilada ee Madaxweynaha Socdaalkaas ku Wehelinayay ayaa ka Waramay
Faa’iidada ka dhalan karta Wada hadalada hada uun u bilaabmay labada
Dal ee Somaliland iyo Somalia Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa.
28.04.2012 :Warlaliyihii weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa oo dalka
oo dhan wada gaadhaya ayaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Berbera
,Warlaliyahan ayaa awoodiisu tahay boqol Kilo Wat ,taas oo Muddo
dheer loo dheg taagayay,isla markaana uu Xisbul Xaakimka Kulmiye ku
galay balan-qaadadii Xiligii uu ku jiray doorashadii Madaxtooyada.
13/10/2012 waxa madaxweyne Siilaanyo uu qaaday tallaabo qeyb ka
ahayd nabadeynta goboladda bariga waxaanu xukuumadiisa ku soo daray
Guddoomiyihii Ururka SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo
loo magacaabay Wasiirka dib u dejinta Somaliland. Waxa isna Wasiirul
dawlaha nabadeynta ee goboladda bari loo magacaabay Keyse Cabdi
Yuusuf oo isna hore uga tirsanaa jabhadii SSC.
18.10.2012: Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada
Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland uu Madaxweyne Axmed
Maxamed Maxamud Siilaanyo uu si rasmi ah Xadhiga uga jaray
Warlaliyahan oo Guud ahaan Somaliland,Dalalka Mandaqada iyo Meelo
kale oo durugsanba markii u horaysay laga maqlay Codka Qaranka
Somaliland (Hadalkii Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweynaha )
20/04/2012: Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta
Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay 6 Urur Siyaasadeed ee ku
Guulaystay inay ka qayb galaan doorashadii Golaha Deegaanka ee 28
bishii Novenbar ee 2012 ka qabsoontay Somaliland ,kuwaas oo kala
ahaa Wadani,Xaqsoor,Rays,Umada,iyo Dalsanoo,isla markaana ay ku
hadheen 9 Urur oo ka mid ahaa kuwii is diiwaangashay ,hasa yeeshee
buuxin waayay Shuruudaha ku cad Xeerka Nidaamka Furashada Ururada
Siyaasada, Gudida Diiwaangalintu waxay sidaas ku Shaaciyeen mar ay
warbaahinta kula hadleen Xaruntooda Caasimada.
Waa kuwan Gudida Diiwaangalinta iyo Shaacintoodii Ururadii ka soo
Gudbay Marxaladii hore ee Qiimaynta (Codad)
12.08.2012: Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u cayimay in
28ka bisha November 2012 ay dalka Somaliland Ka Qabsoonto
Doorashadii Golayaasha Deegaanka oo ay ku tartamayaan Sagaal Urur
Siyaasadeed,kuwaas oo u kala baxa 3dii Xisbi ee hore u jiray iyo
6dii Urur Siyaasadeed,taas oo uu Madaxweynaha J.S.Land digreeto ku
dhaqan geliyay.Codkii Komiishanka ee Cayimaada Doorashada.
13/09/2012: Komiishanka Doorashooyinka,iyo todoba ka mid ah Ururada
Siyaasada ayaa qalinka ku wada duugay Xeerka nidaamka iyo hab raaca
doorashada golaha deegaanka “Code of Conduct”, Waxaana Qaadacay
Xisbiga Udub iyo Urur Siyaasadeedka Nasiye.
Maxay Doorashadani kaga duwanayd tii Golayaasha Deegaanka ee
Somaliland ka qabsoontay 15 bishii December 2002.
Waa marka hore waxay ahayd doorashadii Shanaad ee Somaliland ka
qabsoonta Mudo Toban Sano ah,sidoo kale waxay ahayd Wareegii labaad
ee Doorasho Gole Deegaan.
Doorashadii u horaysay ee Golaha Deegaanka ee Somaliland ka
qabsoontay 15 bishii December.2002,oo ay ku tartamayeen 6 Urur
Siyaasadeed waxay dadweynuhu u codaynayeen Urur,balse waxaa
doorashadan loo codaynayay Murashax,Sidoo kale Astaanta doorashadii
hore waxay ahayd caalaamada Ururka halka ay doorashadan ka ahayd
Nombar u gaar ah Murashax kasta oo ka qayb qaadanayay doorashada
Golayaasha deegaamada,Geesta kale hadii ay Doorashadii hore ee
deegaanka ku tartamayeen Lix Urur Siyaasi waxaa tan ku Loolamayay
Todoba Urur oo Isugu jiray Laba Xisbi iyo Shan Urur Siyaasi.
Dhinaca kale waxay ahayd doorashadii ay Xukuumada uu hogaamiyo
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qabato Mudadii ay hogaaminta
qaranka haysay.
(2) doorashadii Golayaasha deegaanka oo ahayd Qaranimada Somaliland
oo Guul ka gaadhay Tijaabadii ugu weynayd ee Imtixaanka Caalamiga ah
iyo Sidii aynu uga Gudubnay.

28kii bishii November 2012: ayaa dadweynaha Somaliland waxay u
dareereen Goobaha Codbixinta ee doorashadii Golayaasha Deegaanka
waxay ahayd doorashadii ugu adkayd ee ina soo marta mudadii tobanka
sanadood ahayd ee aynu ku jirnay hanaanka dimuquraadiga ah iyo
doorashooyinka Xorta ah Iyadoo Umadda Somaliland ay tan iyo markii
ay dib ula soo noqotay Madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii ay la
kulantay marxalado kala duwan oo adaygooda lahaa, dariiqa Nadaamka
Dimuqraadiyadda ay u soo martayna uu culays badan lahaa, dalkana
laga qabtay Doorashooyin kala duwan sida Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka ee 2002, Doorashooyinkii Golaha wakiilada 2005 iyo kuwii
Madaxtooyada 2003 & 2010, qabsoomidoodiina ay keentay in beesha
caalamku Somaliland ula dhaqanto qaab dawladeed ayaa hadana
Doorashooyinka golayaasha Deegaanka ee dhowaan la qabanayo waxay u
muuqdaan in ay yihiin kuwo ka miisaan weyn dhamaan doorashooyinkii
hore sababao badan dartood.
Doorashooyinkan Golayaasha Deegaanku waxa ay qabsoontay iyadoo
meeqaamkii Madaxbanaanida Somaliland wax weyni iska bedeleen oo
tallaabo dheer hore loo qaaday oo beesha caalamku isla qaadatay in
labadii Wadan ee midoobay sanadkii 1960-kii ay ka wada hadlaan
mustaqbalkooda siyaasadeed.
Qabsoomidda doorashadani waxay ahayd tijaabo adag oo ay Somaliland u
martay gaadhista himiladeeda iyo hadafka aynu tiigsanayno, maadaama
ay qaab xasilooni ah doorashadu u qabsoontay lana wada aqbalo
natiijada ugu dambaysa ay taasi ina gaadhsiin doonto duleedka
doonisteena Qaranimo dhamaystiran, imtixaanka tijaabada ahna uu
noqday mid aynu ku gudubnay ,isla markaana ka dhabaynay inaynu nahay
ummad maskax ahaan isku filan.
Doorashadii golaha deegaanka ee somaliland ka qabsoontay 28kii
bishii November oo ahayd doorashadii Shanaad ee dalkan ka hirgasha
laga soo bilaabo 2002-dii,waxa ay dhinaca kale ka ahayd Wareegii
labaad ee doorasho golayaal deegaan.
Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay u muuqday inay yihiin
gudida Doorashooyinka ee qaaradda Afrika tan iyo waxii ka dambeeyey
markii ay hanaan dhaxalgal ahaa ku hirgeliyeen doorashooyinkii
Madaxtooyada ee Somaliland bishii June ee Sanadkii 2010.
Bulshada somaliland ayaa iyana muujiyay Qaangaadhnimo iyo inay kala
saaraan in Afkaarta lagu kala duwanaado balse laga midaysan yahay
adkaynta iyo himilada Qarankan.
Xukuumada Somaliland ayaa bixisay kharashkii doorashada oo dhamaa
$2,000,000 US Dollar ah oo u dhiganta 33%,iyadoo markii hore ay
dawladu bixin jirtay 25%. Waxaa kale oo ay Ururada/Xisbiyada ka
bixisay gaadiidkii ay ku qaadan lahaayeen muraaqibiinta oo
kharashkoodu gaadhay illaa $150,000 US Dollar ah.
Waxaa markaas kadib hadana soo baxay kharash kale oo Komishinku uga
baahdeen culays goobaha kaga soo kordhay,kaas oo dhamaa adduun dhan
$100,000 US Dollar ah. Waxaa kale oo Xukuumadu iyadoo ka Mas’uula
dhanka nabadgalyada ay diyaarisay ciidamadii amaanka ee dhamaan
goobaha codbixinta, oo gaadhay illaa 6000 oo askari.
Arrinta kale ee in la Xuso u baahan ayaa waxay tahay in markii u
horaysay ay Magaalada Laascaanood doorasho Xor ahi ka qabsoontay
isla markaana ay yeelatay Gole deegaan,halka ay markii hore
Xukuumadu u magacaabi jirtay Maayarka iyo Ku Xigeenkiisa.
Dhinaca kale Sida uu Jidaynayo Xeerka Doorashada Golayaasha
Deegaanka iyo Madaxtooyada Gudoomiyayaasha Komiishanka ee Heer Degmo
iyo Mid Gobol ayaa Shaaciya natiijada hor dhaca ah ee sida ay
Murashixiinta iyo Ururadu ugu kala Guulaysteen Codbixintii
Doorashada ,iyadoo Gobol iyo degmo weliba si gooni ah ugu dhawaaqday
natiijadii Codbixinta iyo Murashixiinta ku guulaystay Kuraasida loo
tartamayay.
Dhinaca kale Goob joogayaal Caalami ah oo ka kala socday Shan iyo
Toban Wadan oo ay ku lamaanaayeen in ku dhow Todoba Boqol oo Goob
joogayaal Maxali ah ayaa ka hawl galay sidii ay u dhacday
doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana ka soo saaray
Warbiximo hor dhac ah .
03.12.2012. Shirkaa jaraa’id oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha
Komishinka Doorashooyinka, hawl wadeeno ka kala socday ururada
wadaniga ah ee dhinaca nabadgelyada iyo isku xidhka ayaa
goobjoogayaashu waxay ugu dhawaaqeen inay doorashadii golayaasha
deegaanka Somaliland ay ku qabsoontay si nabadgelyo ah, waxayna
sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida ay tiro badan oo dadweyne ahi
uga qayb qaateen iyo weliba sida ay dad dhalinyaro iyo haween ah oo
ka badan kuwii doorashooyinkii hore isu soo sharaxeen, iyagoo
kormeerayaashu mar kale sheegay inay warbixintooda kama dambaysta ah
soo gudbin doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah.
Doorashadan oo ay ka qayb qaadanayeen labo Kun sadex boqol iyo
Sideed iyo Lixdan musharax, una tartamayey sadex boqol iyo sagaal
iyo todobaatan kursi oo Lixda gobol ee Somaliland ah.
Musharixiintaas oo ka kala socday todobo urur siyaasadeed.
Waa Dhab in hawl kasta oo la galaa ay yeelan karto
Dhaliil,Doorashadii Golayaasha Deegaanka kuma aynaan gelin wax
diiwaangelin ah sidaa awgeed waa mid la filayay laguna xisaabtamay
in dadka qaar ay halkii Cod ee ay Xaqa u lahaayeen ,wax ka badan
inay ku noqnoqdeen,hasa yeeshee looma nisbayn karo in doorashadu ay
ahayd mid Khaldan waxaase Muran la’aan ah inay ahayd mid ay ka
midaysnaayeen daneeyayaasha Doorashada oo ah Xisbiyada Iyo Ururada
Siyaasada iyo Weliba Musharixiintii ka qayb qaadanaysay Doorashadan,
waxaan tusaale arrintan ku saabsan u soo qaadan doonaa Weedhihii ay
arrintan ka yidhaahdeen Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada gaar
ahaan Markii ay Wada Saxeexeen Heshiiska Anshaxa Doorashada.
26.12.2012: Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta
Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay Sadexda Xisbi ee ku Guulaystay
Doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana ku Loolami doona
Doorashooyinka dalka ka dhici doona Mudada Tobanka Sanno ee Soo
Socda kuwaas oo kala ah Xisbiyadda KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
Agaasimaha fullinta xafiiska ka hortagga budhcad-baddeeda ee
Somaliland Maxamed Cismaan Axmed oo horaantii bishii December ee
kal-hore tafaasiil ka bixiyay tiradda maxaabiista budhcad badeeda
Soomaalida ee lagu soo xukumay wadanka Seychelles ee lagu hayo
dalka, waxaanu yidhi “Wadarta guud ee aanu la wareegnay ee
maxaabiistani ay noqonayaan sagaal iyo labaatan maxbuus oo ku yimi
heshiis ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Dowladda
Seychelles heshiiskaasi oo 22-kii February ka dhacay magaaladda
London ee wadanka UK.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa
sanadkii galbaday dhambaal hambalyo ah u diray dawladda Britain oo
uu ku bogaadiyay guushii taariikhiga ahayd ee Orodyahanka Mo Farah
oo u dhashay Somaliland iyo Britain uu ka soo hooyay tartankii
ciyaarihii olombiga oo uu ku guulaystay tartamadii orodada 5 kun iyo
10 kun ee Mitir.
Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ayaa 6 ka mid ah
hawl-wadeenadoodii mudada dheer u soo shaqeynayay wasaaradaasi
gudoon siisay min 10 kun oo Dollar, ka dib markii ay hawl gab ka
noqdeen shaqooyinkii ay hayeen. Waxaanay macalimiintaas shaqada ka
fadhiistay ay sheegeen inay ku diirsadeen abaal celinta ay
xukuumaddu u garatay, waxaanay taash ammaan ah dusha ka saareen
Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan
oo fulisay mashruucaasi wax ku oolka ah oo soo jiitay indhaha rayul
caamka.

30/12/2012:- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ansixiyay Odoraska
miisaaniyad sanadeedkii xukuumadda dhexe iyo kabka dawladaha hoose
ee dalka oo ah miisaaniyadii ugu badnayd ee Somaliland yeelato.
Iyadoo waliba xukuumaddu ay sanadkii tagay Golaha wakiiladda markii
u horeysay ku horgeysay xiligii sharcigu jideeyay oo ah bisha
December.

Miisaaniyadda Sanadka 2013 waxay dhan tahay 1,114,284,198,751 Sl.sh
una dhiganta $185,714,033.
Miisaaniyaddu waxay ka koobantahay afar qaybood oo kala ah :-
1. Miisaaniyadda Dawladda dhexe 750,000,000,000 sl.sh una dhiganta
$125,000,000
2. Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda Dhexe
215,127,269,668 Sl.sh una dhiganta $35,854,545.
3. Dawladaha Hoose 71,156,929,083 Sl.sh una dhiganta $11,854,488
4. Deeqda Sanduuqa Somali trust fund(Denmark & Britain)
78,000,000,000 Sl.sh. una dhiganta $13,000,000.
Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo horumaineed oo ay ka
mid yihiin bixinta darajooyinka ciidammada qalabka sida, horumarinta
Waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta wadooyinka iyo siyaasadda
arrimaha dibadda.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo
ansixinta miisaaniyadda ka dib u waramayay qaar ka mid ah
warbaahinta ayaa Golaha Wakiiladda uga mahad celiyay ansixinta
miisaaniyadda oo Golaha Wakiiladu ay markii u horeysay maalmo kooban
ku meel-mariyeen.
Waxa sanadkana xukuumaddu guntiga u xidhatay inay sii laban laabto
waxqabadkeeda la xidhiidha dhinaca horumarinta iyo iib-geynta
qadiyadda Somaliland oo labaduba ah ahmiyadeeda koowaad.
Cumar Maxamed Faarax
|