Taliyihii Nabad-sugida Somaliland ee Laas-caanood oo Dil lagu Xukumay PDF Print E-mail
 

 


Berbera (TNN)- Maxakamadda Gobolka Saaxil ayaa maanta Dil Toogasho ah ku  xuk unt ay Taliyihii Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ee Gobolka Sool C/fataax Muuse Yuusuf kadib markii ay ku cadaatay inuu ka danbeeyay shirqoolkii lagu khaarajiyay Taliyihii Ciidanka Qaranka Qaybta 12aad ee Gobolka Sool.

Fadhiga Maxkamadda oo beryahanba ka socday Mandheera ayay maanta  Maxkamad du waxay Dil toogasho ah ku Xukuntay C/fataax Muuse Yuusuf iyo Maxamed Axmed Maxamed oo goob-joogayaal ahaa iyo C/rashiid Yuusuf Buraale oo maqan, sidoo kale waxa ay C/qaadir Cabdi Xasan ku xukuntay 15 sano oo xadhig ah, Maxamed Jaamac Ducaalena waxay ku xukuntay 8 sano halka ay C/rashiid Axmed Warsame kaga  xukun tay 1 sano, iyadoo xabsiga ka sii daysay 4 Nin oo kale oo loo haysay isla Dacwdan

Maxkamaddu waxay u cuskatay Xukunada Dilka ah ee ay ku qaaday Nimankaasi  Qodd obada 434,120 iyo 122 Xeerka Ciqaabta Guud iyo Aayadaha Qur'aanka ee 32, 44 ee Suuratul Maa'ida iyo Aayda 178 ee Suuratul Baqra

 



Source:Waaheen