Taliyihii Hore Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Jidhif, Xildhi baano Iyo Madax-Dhaqameed Ka Soo Horjeedsaday Guddida Madaxwayne Axmed Siilaanyo U Saaray Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya.
 

 

 


Masuuliyiintan ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya tahay arin qaran oo miis aan culus leh......................


Hargeys (TNN)-Taliyihii hore ee ciidamada qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), xildhibaano iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda beelaha Gabooye ayaa ka soo horjeedsaday gud dida Madaxwayne Axmed Siilaanyo u saaray wada hadalada Soomaliya.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya tahay arin qaran oo miisa an culus leh, balse Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qiimaha wada hadalkaasi miisan tiray kuna deg-degay arinkaasi oo loo baahnaa in shacabka laga tallo-galiyo.

Taliyihii hore ee ciidamada Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo ugu horeyn arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Arinkaasi arin aad u khaldan oo aan miisaankiisii aan lahayn oo dadka reer Somaliland aanay raali ka ahayn ayaan u arkaa.”

Taliye Jidhif waxa kale oo uu soo qaaday “Arintan waa arin qaran oo mid dawladeed maaha, mida kale muhiimadu waxay ahayd in lala hadlo dawlad la soo doortay oo umadda Soomaliya soo doorat ay oo lagu kalsoon yahay,

laakiin raga maanta Soomaliya jooga oo meel ay joogaan (Xukumaan) aanay jirin, markaa in Soma liland oo jiritaankeeda shacabku ugu codeeyay 97% in arin fudud laga dhigo oo afar qof loo diro aniga waxay ila tahay arin aad hoos loogu dhiga”ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray ku daray isaga oo u waramayey Wariye Xamse Cali Bulul oo ka tirsan telefiishanka madaxa-banaan ee HCTV “Waxaanan ku talin lahaa in arintaasi qaranka loo soo bandhigo oo arin ay ka tashadeen Gadabuu rsi, Ciise, Harti iyo Isaaq oo laga tallo-galiyey Wakiilada iyo Guurtida meesha lala taggo”

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Suldaan Daakir Xasan Khaliif iyo Madax-dhaqameed kale oo ka soo jeeda beesha Gabooye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa iyaguna naqdiyey magacaa bida guddida wada hadalada Soomaliya.

Arrintan ku dhawaaqista gudidda ka qaybgalaysa shirka wada hadaladda soomaaliland iyo somalia ugu furmaya (TURKIGA) ayaa ka qayb galkeedu ku noqotay dadweynaha reer Somaliland laf dhuun gashay oo ka digi weyday.

Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Salaadiinta Aqoonyahanada waxgaradka ayaa sida fiinta uga qaylyay arrintan magacaabista ah,intaa ka bacdi mar uu warbaahinta qaybo ka mida uu laha dlayay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in gudidda loo magacaabay ee wasiirad da ah qaarkood aanay jirin waqtigii ay labada maamul ee Somalia iyo Somaliland Midoobeen aanay dhalanin ama jirinba.
 

 

 


C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland