Taliyihii Booliska Togdheer oo xilkii laga qaaday

 

 Col.Maxamed Saqandhi Dubad


Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Col.Maxamed Saqandhi Dubad ayaa galabta xilkii ka qaaday Taliyahii Qaybta Booliska G/togdheer Axamed Maxamed Guutaale.

Col.Saqandhi ayaa taar uu u soo diray Xarunta Booliska Gobolka Togdheer ku sheegay in xilkii uu ka qaaday Taliyaha Booliska ee Gobolka,islamrkaana uu si ku meel gaadh ah xilka u sii hayo Taliye ku xigeenka Booliska Togdheer Cabdi Xandule.

Mr.Guutaale oo aan waxka waydiinay Arintan ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo balse waxa uu xaqiijiyay in uu taarkaasi xilkaqaadistu jiro.

Ilaa hada lama oga sababata keentay xilkaqaadista Taliayaha Booliska xilligan Balse waxa la sheegayaa in khilaaf badani u dhaxeeyay Taliayaha iyo Badhasaabka Gobolka,taasoo wararku tibaaxayaan in Badhasaabka iyo Taliyuhu isku maandhaafeen mudaharaadyadaii laga baqayay Lixda Abril ee todobadaan inay ka dhacaan Burco sida looga hortagayo ama loo maamulayo,sidaas darteed ay arimahaasi qayb ka yihiin bedeladaa Taliyaha Booliska Gobolka.

 

 

 


TogdheerNews