Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska oo Xilkii La Wareegay
 

 

 


Munaasibadii uu xilka kula wareegayey taliyuhu oo lagu qabtay .............................


Hargeysa(TNN)- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta si rasmiya xilkii Taliyanimo ula wareegay.

Munaasibadii uu xilka kula wareegayey taliyuhu oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Boolis ka Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasiirka diinta iyo awqaafta, Wasiir ku xigeenka amniga qaranka, taliyaha ciidamada asluubta, xildhi baano iyo saarkiil ka tirsan Ciidanka booliska Somaliland.

Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaasi ka soo jeediyay taliye ku xigeenka ciidamadda Booli ska C/raxmaan Liibaan Fooxle ayaa waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo dhiibay taliyaha guud ee ciidamadda Booliska ee cusub, isaga oo sheegay in Cabdilaahi Fadal uu hore u ahaan jiray hogaanka hawl gelinta loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ciida madda Booliska, waxaana hadaladii Taliye ku xigeenka ka mid ahaa “Waxaan aad ugu faraxsa nahay xilka Taliyenimo ee loo soo magacaabay C/laahi Fadal, waayo waxa uu ahaa ninka keliya ee isagu amaankaba maanta aanu u dhiibnay, markaa waxa aan ogahay in uu xilkan ka soo bixi karo”

Taliye ku xigeenka oo Hadalkiisa sii wata Wuxuu sheegay inuu u balan qaadayo in wixii hanti ah ee ay ciidamadda Boolisku lahaayeen uu ku wareejin doono isla markaana uu u tirin doono, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ”Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan taliyaha cusub ku wareejin doono wixii hanti ah ee ay ciidamadda Boolisku lahaayeen”

Gabogabadiina waxa uu Taliye Fooxle u balan qaaday in uu si fiican ula shaqayn doono taliyaha guud ee ciidamada Booliska.

Maxamed Faarax Xiirane taliyaha ciidamadda Asluubta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheeg ay in ay wada shaqayntii awalba ka dhaxaysay ciidamada Booliska iyo waliba asluubtu ay halkeedii ka sii socon doonto.
Hadaladii Taliyahana waxa ka mid ahaa “Marka hore waxa aan ILAAHAY uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo taliyihii guud ee ciidamadda Booliska Somaliland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad oo ahaan nin macalin u ahaa ciidamadda dhamaantoodba, saaxiibkay Cabdilaahi Fadalna waxa aan ILAAHAY uga baryayaa in uu xilkan ku asturo””


Sidoo kale waxa uu balan qaaday in ay dhinacooda la shaqayn doonaan ciidamadda Booliska Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aanu balan qaadaynaa in sidii aanu ula shaqayn jirnay ciidamadda booliska aanu ula shaqayn doono””


Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaasi ka hadlay ay aa cabsida ilaahay ku booriyay ciidamadda boolisku in ay ogaadaan, waxaanu ka wasaaradd ahaan tilmaamay in ay barbar taagnaan doonaan maamulka cusub ee ciidamadda Booliska “Waxa aan halkan uga hambalyaynayaa taliyaha cusub ee ciidamadda Booliska oo aan leeyah ay ilaahayoow ku astur xilkan cusub, ka wasaaradd ahaana iyada oo uu mar walba xidhiidh ku saabsan ilaalinta dhaqanka suubani uu ka dhaxeeyo ciidamadda booliska waxa aanu balan qaadaynaa in aanu la shaqayn doono” ayuu yidhi.


Taliyaha Cusub ee ciidamadda Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan Oo halkaasi ka hadlay ayaa ka codsaday dhamaanba masuuliyiintii saaka xafladda ka soo qayb galay in ay ilaahay u baryaan in uu xilkan ku asturo “Waxa aan idinka codsanayaa in aad iigu soo ducaysaan in uu ilaahay igu soo asturo xilkan.


Sidii uu saaxiibkay taliyaha ciidamadda boolisku u sheegay waxa aan jeclahay in aad u soo du caysaan taliyaheenii ciidamadda booliska Somaliland in uu alle naxariistii Janno ka waraabiyo” ayuu yidhi.


Sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu dhinaciisa wax walba ka qaban doono sidii tayadda cii damada Booliska Somaliland sare loogu qaadi lahaa “Waxa aan balan qaadayaa in dhinacayga aan wax badan ka qaban doono sidii tayadda ciidamada Booliska sare loogu qaadi lahaa, waxaanan jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo taliyaha ciidamadda Asluubta oo isagu xidhiidh wanaagsan nala leh isla markaana aanu wada shaqayn buuxda leenahay” i.

Waxa uu waalidiinta dhalay ubadka uga digay in ay magaaladda habeenkii ku sii daayaan, waxaanu ku hanjabay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan “Waxa aan halkan fariin uga dirayaa waalidiinta dhashay ubadka ee habeenkii magaaladda fadqalalada la dhex wareegaya in ay ilaashaadaan, hadii ay taasi dhici waydo waxa aanu halkan uga sheegaynaa in ay la kulmi doonaan xadhig dheer oo sharci waafaqsan” ayuu yidhi..

Gabogabadiina wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dedaalkii iyo hawlkarnimadii taliyihii hore ee ciidamadda Booliska Soma liland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad, waxaanu taliyaha cusub ku booriyay in uu qaado dh abadii uu jeexay Marxuumku.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Runtii ciidamadda Booliska So maliland Maanta way dhisan yihiin, waxaanan halkan uga ducaynayaa taliyihii hore ee ciidama dda Booliska oo ahaa nin hawlkar ah, waxaanan u sheegi lahaa taliyaha cusub in dariiqa qofka wanaagsani uu jeexo in la raacaa ay haboon tahay”.
 

 

 

C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland