Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadley Dagaalkii Ka Dhacay Buuhoodlle Sheegayna In Maleeshiyadda Khaatumo Seeg Laga Qabsaday Saddex Gaadhi Iyo In Ka Badan Lixddan Maxbuus

 


 


Taliyuhu waxa uu sheegay in dhanka somaliland uu kaga dhintay dagaalkaas.......


Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidamadda Qaranka Somaliland General Maxamed Xasan C/laahi (J idhif) ayaa ka Hadley dagaalkii gar daradda lahaa ee ay maanta maleeshiyadda Khaatumo Se eg ay ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladda Buuho odlle.

General Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) waxa uu sheegay in Ciidanka Qaranka somaliland in ay dagaalkii saaka ka dhacay aaga Buuhoodlle ay kaga dhinteen Hal Askari, waxana uu intaasi ku daray in ay kagaga dhaawacmeen afar Askari.

Taliye Jidhif ayaa sidaas ku sheegay Shir Jaraa,id oo uu goor dhoweyd Ku qabtay Magaaladd da Hargaysa, waxana uu intaasi ku daray in Ciidanka Qaranka Somaliland ay wakhtigan ku su gan yihiin Baliga Buuhoodlle.

Taliye Jidhif waxa uu carabka ku dhuftay in Maleeshiyadda Khaatumo Seeg laga qabsaday tir ro aad u badan oo Maxaabiis ah, isla markaana kor u dhaafaysa lixddan Maxbuus

General Jidhif ayaa siddoo kale sheegay inay ciidanka qaranka somaliland ay gacanta ku dhig een saddex gaadhi oo ay saarnaayeen Hub iyo ciidan isla Markaasna ay wakhtigani Gacanta Ku Hayaan Ciidanka Qaranku.

 

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland