Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Jiida Hore Ee Fadhiisimada Ciidanka.


 

 


General Ismaaciil Muxumed Cismaan (Shaqale) oo hadal kooban u jeediyay Ciidamada qaranka ay aa....


Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Ismaaciil Muxumed Cismaan (S haqale) oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa Kormeer shaqo ku tagay Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Jiidaha hore ee Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, k uwaasi oo u dhaw deegaamadii dhawaan ka dhacay dagaalka ay Maleeshiyadu ku soo qaaday Ciida nka Qaranka.


Taliyaha Ciidamada Qaranku ayaa Saaka aroornimadii ku Waaberiistay Fadhiisinka hore ee Ciidam ada Qaranka ee deegaanka Ganbadha ee Gobolka Sool waxaanu Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

General Ismaaciil Muxumed Cismaan (Shaqale) oo hadal kooban u jeediyay Ciidamada qaranka ee fadhiisinka hore ee Deegaanka Ganbadha ayaa ku amaanay siday u difaaceen dalkooda iyo dadkoo da horaantii todobaadkan kadib markii ay Kooxo nabadiid ahi Weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee ku sugan Jiidaha Gobolka Sool iyo Buuhoodle, Axaddii isla markaana ay Guul balaadhan ka soo hooyeen Waxaanu sheegay inuu salaan uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ku amaanay Ciidamada Waajibaadka Qaran ee ay u dabran yihiin Gudashadiisa.

Taliyuhu wuxuu ku Guubaabiyay dhamaanba Ciidan Weynaha Qaranka meel kasta oo ay ku sugan yihiin inay feejignaan buuxda u yeeshaan wax kastoo wiiqaya Qaranimada halganka Qadhaadh loo soo maray.
Taliyaha ayaa sidoo kale shalay kormeer ku soo maray fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Aagaga Buuhoodle

 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland