Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Kabaal) a yaa maanta ka hadlay dil shalay ka dhacay guriga Wasiirkii hore ee M aaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo lagu dilay mid ka mid ah nin shacbi ah oo ka mid ahaa ilaaladiisii
Hargeysa (TNN)-Taliyaha Ciidanka Booliska oo maanta ku qabtay xafiiskiisa shir jaraa’id ayaa ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka la dilay aanu ka tirsanayn ciidanka Booliska, waxaanu yidhi “Shalay markii ay saacad du ahayd 7:30-kii waxa lagu dilay marxuum la odhan jiray Muuse Xirsi Gudde guriga wasiirkii hore ee Maaliy adda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Marxuumkaasi oo Cawil yidhi Ciidanka Booliska ayuu ka tirsanaa, kamuu tir sanayn, maaha ciidanka Booliska oo shaqada booliska saddex bilood ayuu ka sii maqnaa oo waa laga eryay. Nin shacab ah oo u shaqeeya
wasiirkii hore oo ilaalada gurigiisa ka mid ah ayuu ahaa. Arrimaha
dilku markay dhacaan waxa ugu horeeya ee la is waydiiyaa waa maxaa
sababay? Ninkan wax dilay iyo marxuumku wasaar adda maaliyadda
ayay lacag ka qaadan jireen, markaa ninkan wax dilay shalay ayuu u
yimi qasnajiga wasaar adda maaliyadda waxaana qasnajigii u
sheegay in lacagtiisi ay ugu dhiibtay marxuumka la dilay, lacagtaasi
oo ahayd 98-kun. Kadibna ninkii oo saaran gaadhi ay wataan laba nin
oo kale ayay toos u tageen gurigii Cawil.”
|