Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Beeniyey Sarkaal Sare Oo Ciidaanka Ka Tirsan In Lagu Dilay Hargeysa Iyo Xadhiga Afar Weriye

 


Hargeysa (TNN):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu war-been abuur ah ku tilmaamay in sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somalil and shalay (Khamiis) lagu dilay xaafadda Siinay ee Magaalada Hargeysa, isla markaana uu sharaxaad ka bixiyey hawlgalo ciidanka bileysku ka sameeeyeen Magaalada Hargeysa.
Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu Sidaa ku sheegay mar maanta u waramayey qaar ka mida Warbaahinta, waxa kale oo sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo Ciidaanka bileyska Somaliland iyo warbaahinta dalka ka hawlgasha.

Mar la weydiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan su’aal ahayd, waxa uu Wargeyska Hubaal cadadkiisi maanta 357 bogiisa hore ku soo daabac ay inay xalay dabley hubeysan toogatay Sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somaliland war kaasi waxa ka jira? Waxa uu ku jawaabay “Wax Alliyo wax ka jiraa ma jiro, waa war been abu ura oo sal iyo raad-toona lahayn warkii ku soo baxay caddadkii maanta 357 ee Wargeyska Hubaal,kaas oo ciwaankiisu ahaa“Rag laga shakiyey oo xabsiga loo taxaabay iyo Sarkaal SPU-da ka tirsan oo shalay galab la toogtay”.Cid kale oo qortay warkaasi ma jirto, laakin waxa qorey Wargeyska Hubaal,markaa waxaan leeyahay waar ILAAHAY ha laga baqdo oo dadka wax beena yaan loo gudbinin, ee wixii run ah waa in loo gudbiyaa,Markaa waxaan leeyahay waa inay saxaafaddu xil isa saarta oo wixii bulshada iska horkeenaya ama been abuura iska ilaalisa.Waxa kale oo aanay waxba ka jirin Warka Wargeyska Hubaal ku soo baxay ee ciwaan kiisu ahaa “Taliye Fadal oo soo jeediyey in askartu ku wisiisiyaan Weriyaha ay arkaan”,kaas oo ah inuu Wageyska Hubaal ku doonayo inuu isku-kaayo diro aniga iyo Saxaafada Somaliland oo uu xidhiidh wanaagsani naga dhaxeeyo,markaa waxaan leeyahay Saxaafada Somaliland waxaan u hayaa qadarin iyo ixtiraam,weliba aniga oo ku tixgelinaya shaqada ay qaranka u hayaan,”.

Sidoo kale, Mar la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan hawlgaladii Ciidanka Boolisku maali ntii shalay ee Khamiistii ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Magaalada Hargeysa waxa soo kordhay ee dhacay?Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Hawlgalkii aanu shalay (Khamiis) ka sameynay Caasimada Hargeysa waxa uu ahaa hawlgaladayadii caadiga ahaa ee amniga lagu xoojinayey,wax kale oo soo kordhay ma jirto dalkuna waa nabadgelyo”.
Taliye Cabdilaahi Fadal waxaad Xabsiga u taxaabteen afar Suxufi oo hawshoodii shaqo ku gud da jirey maalintii Salaasada ee aynu soo dhaafnay welina way xidhan yihiin,markaa danbiga loo soo xidhay waa maxay ee ay ku eedeysan yihiin? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Muda haraad aan sharci ahayn, oo aanay warqad ogolaanshiyo ahna u haysanin ayey galeen oo ay ku eedeeysan yihiin”.

Waxa kale, oo la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal Waxa uu u sii deyn-waayey afartii inan ee Weriyaasha ahaa ee ay Ciidanka Boolisku maalintii Salaasada aynu soo dhaafbay xabsiga u taxaabeen? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Weriyayaasha waxaanu horgeynay maxkama da, oo maxkamaduna way rumaan-gareysay, markaa hawshaasina annaga (Ciidaanka Boolis ka) wey naga gudubtay oo waxay u taala maxkamada”.

Mar la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal waxa ka jira warka sheegaya inay Ciidaanka Booliska Somaliland ay bar-tilmaameedsanayaan Weriyayaasha oo ay xidh-xidhayaan? Waxa uu ku ja waabay oo yidhi “Arrintaasi wax ka jiraa ma jirto, in Weriyayaasha si gaara loo bar-tilmaam eedsanayo oo waa been abuur sal iyo raad-toona lahayn,wax aan amar ku bixiyeyna ma jirto, waana wax u dhaqana Wargeyska Hubaal inuu been qoro oo waa war raqiis ah”.
Sidoo kale, Waxa la weydiiyey Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland inay muddooyinkii u dan beeyey ay xidhiidh xumo soo kala dhexgashay Saxaafadda Somaliland Iyo Ciidanka Booliska ar rintaasi maxaad odhan lahayd? Waxa uu ku jawaabay “Wax xidhiidh xumo ah oo soo kala dhex galay Ciidaanka booliska iyo Saxaafadda Somaliland ma jirto,iyaguna (Saxaafadda) hawsho oda ayey wataan, annaguna (Ciidaanka Booliska) hawshayadii ammaanka nabadgelyada ee aanu u xil-saarnayn ayaanu qabanaa”.




Weriye Mustafe Janaale