Taliyaha CID-da Saaxil oo loo Xidhay Isku Day D il Xildhibaan Golaha Wakiillada ka Tirsani ka Badbaaday

 


Berbera (Longlivesomaliland News)- Taliyaha ciidanka CID ee Gobolka  Saa xil Ibraahim Dhego-sayn, ayaa loo xidhay isku day dil toogasho ah oo  Kha miistii toddobaadkii hore uu ka badbaaday Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Taliyaha ciidanka CID-da Gobolka Saaxil oo loo haysto inuu lug ku leeyahay isku dayga dil ee lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa  wa xa baadhis ku haya Taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, iyadoo sidoo kalena, Xildhibaan Qabile uu isaguna ku eedeeyey Taliyaha C.I.D-da Gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ciidammada booliska ee gobolkaasi inay ka dambeeyeen dilkaas toogashada ah ee la doonayey in lagu khaarajiyo, waxaannu sheegay in Taliyaha CID-du uu hore ugu  hanja bay inuu toogan doono.

Md. Maxamed Faarax Qabile waxa uu soo bandhigay caddaymo uu ku  shee gay inay muujinayaa in sarkaalkaasi lug ku lahaa dilka toogashada ah ee uu ka badbaaday oo lagula kacay habeenimadii Khamiistii ee toddobaadkii hore isaga oo ku sugnaa guri ku yaala degmada Gacan-libaax.

“Nin aanu wada soconay oo Cabdifataax la yidhaa ayaanu gurigiisa  garaa caynay markii rasaasta nalagu riday, laakiin markii aanu arrintii  dabagal nay gurigayga ayaaba lagu horreeyey oo waa la iga waayey, markaa waxaad moodaysay in isku xidh uu hagayey, sidaa daraadeed markii aan raadkii gurigayga ugu tagay kan aanu joognayna uu ka fulay hawlgalkii u arkay in cidda la doonayey aniga ahayd oo ay ii caddaynaysaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabile oo xalay u waramayey idaacadda Horyaal.

Md. Qabile oo la weydiiyey in cidda ilaa hadda u xidhan falkaas isku dayga dilka ah ee uu ka badbaaday, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Taliyaha CID-da ee gobolka Saaxil ayaa arrinkaa iminka u xidhan, waxa la hayaa dhawr iyo toban markhaati oo uu ku taamayey oo kuwa ugu khatarsan ay ka mid ahaayeen hadalo ay ka mid yihiin, ‘Eygaa Ina Faarax Qabile bisha 3-deeda ayaan galayaa Hargeysa 4-teedana ta ku dhacda waa la arki doonaa.’ Isla bisha 4-teedii saacadu markay ahayd 4:00 galabnimo nin ila fadhiyey buu soo garaacay oo cod baan ka duuban hadalkiisii oo saafi ah oo dhagaystay Taliska Guud, isagoo yidhi bal caawa [afartii bisha] ta ku dhacda waa la eegi doonaa.”

Xildhibaan Qabile oo la su’aalay waxa isaga iyo Taliyaha dhexmaray ee uu u aanaynayo falkaasi, waxa uu yidhi; “Wax allaale iyo wax na dhexmaray ma jiro, inan yar oo aan adeer u ahay ayuu ahaa, waxase aan qabaa inuu arrinkaasi ahaa mid qorshaysan, waxa kale oo arrintu taabanaysaa  masu uliyiin kale oo gobolka ah oo uu tuhunkii ku sii siqayaa, laakiin waxaan ula sugayaa marka baadhitaanku soo dhammaado,” ayuu yidhi Md. Qabile.




Source: Jamhuuriya Online