Taliyaha Booliska Somaliland Oo Xaqiijiyay In Masuul  Xisbiga KULMIYE Ka Tirsan Loo Haysto Shaqaaqadii Buuhoodle

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa markii ugu horeysay caawa ka hadlay xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud, Md Cabdirashiid Ducaale Qambi, isla markaana xiligan ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo Subaxnimadii hore ee Jimcihii ee shalay Ciidanka Boolisku Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka qabteen Gurigiisa Magaaladda Hargeysa, isaga oo Taliye Saqadhi sheegay in Mr. Qambi loo haysto shaqaaqadii ka dhacday Degmada Buuhoodle todobaadkii la soo dhaafay.

Taliye Maxamed Saqadhi Dubad oo maanta u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Af soomaaliga, ayaa daaha ka rogay in siyaasigaas Cabdirashiid Qambi loo haysto inuu carqaladaynayay hawshii diiwaan-gelinta ee Degmada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo dhalasho ahaan, isla markaana ay baadhista dacwada loo haystaa ay kaga socoto Ciidanka Booliska, dhawaana Maxkamad la horgeyn doono.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. C/raxmaan CabdiQaadir iyo Xoghayaha guud ee Xibiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, ayaa cambaareeyay xadhiga C/Rashiid Ducaale Qambi, oo ka tirsan xisbigiisa oo uu dhawaan ku biiray markii uu ka baxay xisbiga UDUB.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE wuxuu sheegay in sifo sharci darro ah loo maray xadhiga siyaasigan, waxaanu xukuumada u soo jeediyay in ay sida ugu deg dega badan xoriyadiisii ugu soo celiso. Sidoo kale, Odayaasha iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle, ayaa cambaareeyay xadhiga Cabdirashiid Ducaale, isla markaana ku baaqay in deg deg loo sii daayo. masuulkaas oo wakhtigan ku xidhan Xarunta Ciidamada baadhista Dambiyada ee CID-da ee Magaaladda Hargeysa.
 

 

 



Hadhwanaagnews