Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday loona Beddelay Gobolka Sool iyo Dareenka ku Xeeran Arintaasi

 


Maamulka Gobolka ayaa maal mahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska .........


Hargeisa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Gen.Maxamed Faarax Nuur , ayaa manta xilkii laga qaaday loona badalay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool.

Warkan oo illaa shalay dadwaynaha Gobolka Gabiley aad u hadal hayaan ayaa la sheegay in uu la xi dhiidho Hawl galo lagu doonayay in lagu qab qabto masuuliyiin Hanti dhawrku baadhis ku hayay oo Gabiley ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay inay baxsadeen.

Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska in ay ka gaabiyeen qabashadda ragaasi. Taliyaha Booliska ee Xilka laga qaaday Maxamed Faarax oo Timacad e  News Khadka Telephoneka kula xidhiidhay ,ayaa sheegay in ay jirto arintaasi loona keenay taarka beddelka ah , loona beddalay Gobolka Sool.

Taliyaha oo aanu wax ka waydiinay eedayn loo soo jeedinayo inay ka gaabiyeen qabashadda ragii hantidhawrku baadhista ku hayay oo la sheegay inay baxsadeen, ayaa waxa uu sheegay inay in ka hor intii aan waaranku soo gaadhin ciidanka Booliska ay ogaadeen ragii la doonayay in la qab qabto ka dibna ay baxsadeen isaga oo xusay in galinkii horeba sheekadu suuqa ku jirtay ,balse waaranku afartii galabnimo soo gaadhay, hawshoodana guteen oo ay sameeyeen hawl gal ciidan oo lagu baadi goobayo nimankaasi.


Taliye Maxamed Faarax, ayaa sheegay Ciidanku guteen waajibaadkooda shaqo ee arintaasi ,balse ay jirtay siyaasad kale oo uu maamulka Gabiley ka lahaa arintaasi, taasi uu xusay inay badalkiisa daba da ka riixayaan Maamulka Gobolku.


Badalka Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley ,ayaa ku soo beegmay wakhti ay xaaladda Gobolku aad u liidato, Khilaaf xooganna hadheeyay Maamulka Gobolka iyo Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley, ku waasi oo maalmihii ugu danbeeyay aad looga dareemayo Gobolka Gabiley


Dawladda Dhexe ayaan illaa hadda ka hadal khilaafka Gobolka ka taagan iyo Ismaandhaafka maamul ee masuuliyiinta ka dhexeeya taasi oo ragaadin karta, dhibaatona soo gaadhsiin karta habsami u so codkii hawlihii Qaranka loo hayay.

Xukuumadda Cusub ee kulmiye ,ayaa lagu eedeeyaa inay ka dhaga adaygto khilaafyadda maamul ee ka dhaca Gobolka Gabiley, gacanta ugu wayna ay kula jiraan Arimaha Khilaafka keenay, iyadda oo a y markhaati ka tahay kala jabka dumarkii Xisbiga kulmiye , oo laba Urur kala samaystay xalkooda ill aa hadda la gaadhi laayahay.
 

 


Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland