taleex awalba calanka somaliya wuu ka taagnaa ee dawlada A.M.M. siiraanyo kamay taagin Dadyohow.

 

 


 

Waxaan jecel ahay in aan halkan ku cadeeyo in aanay xukuumada Axmed Maxamed.M. Siiraanyo ka taagin calanka somaliweyn balse mudadii 20ka sano ahayd ee somaliland jirtayba uu ka

Asww salaan kadib.

Waxaan jecel ahay in aan halkan ku cadeeyo in aanay xukuumada Axmed Maxamed.M. Siiraanyo ka taagin calanka somaliweyn balse mudadii 20ka sano ahayd ee somaliland jirtayba uu ka taagnaa in kasta oo ay dhacaday in la isku dayo hadana may suur gelin.waxaan aad iyo aad ula yaaban ahay warbaahinta qaadaa dhigaysa taleex ayaa la inaga qabsanayaa goorma ayaynu taleex calanka somaliland ka taagnay sowtii awlba aan gaadhi kari laŽayn haday dawladii riyoole tahay iyo haddii ay tahay ina cigaalba.

Waxaan had iyo jeer aan arkaa warbaahinta oo isku geysa hadalo aan macno badan samaynayn oo ay ka mid tahay wax yaabihii hctv soo urururiyey ee uu soo banadhigay dhawaan iyo warbaahinta madaxa banaan oo iyana aad u buunbuunisay shirka taleex wax yaalahaasi oo dhan waxaan urkaa wax aan qiimo badan samaynay oo ah kicinta dadka ama gudo ha joogaan ama dibada ha joogaane,waxaa kale oo aad uga faaŽiidaystay ururada mincaaradka oo ay ka mid yihiin xisbiga sii saqiiraya ee ucid ama Faysal Cali Waraabe oo isagu aan hawl kaleba aan hayn aflagaado mooyaane.

Hadaba aniga sida ay ila tahay wax la buunbuuniyo oo taleex yaalaa ma jiro balse beel halkaasi degan ayaa isugu timid shir ay ujeedadiisu ahayd in ay ka wada hadlaan wixii horeumarin ah ee gobolkooda ku wajahan kadibana waxaa hoos yaacay koox waxkale sidatay oo muquunisay dadkii halkaa joogay. waxaa kale oo iyana ku hoos lamaanaa kooxda la yidhaahdo ssc oo degaankaasi ka dagaalami jirtaymudooyinkii u danbeeyey, isku soo wada duub oo waxaasi oo dhami waxay lumiyee majarihii shirku ku bilowday iyo ujeedadii uu lahaa shirku taasina waxa ay keentay in aan loo dhamaan wax halkaasi ka soo baxay oo uu noqdo wax la isku khilaafsan yahay.

Sidaasi dareed ayaanay dawlada somaliland ku fara gelin waayo beel awlba deganayd meeshaasi oo markii ay doonto isticmaali jirtay calanaka somaliya oo aan si habsami ah u ogolaan somalilandnimada ,si kastaba ha ahaatee waxaa jiray baryahan danbe in loogu jiray olole sidii ay u noqon lahayeen dad reer somaliland ah taasina hawsheedii waa la waday raguna intaasi wuu is gurayaa oo rag wax kale wata iyo gacmo shisheeye kama madhna.

Hadaba maxaa dadka reer somaliland u buunbuuninayaan taleex awlba gacanta ugu mayjirin oo waxaa haystay somaliland diidka ama sscda qofba sida uu u yaqaano wixii halkaasi ka soo baxaana maah wax ay kula socdaan inta gobolkaasi degta ee somaliland ogoli,dawladuna taladeed oo ay u maamusho si qabow oo aan dedeg ku jirin ayay u wadaa.Intaasi markaa aan ku dhaafo hadal haynta dadka reer somaliland gobolada bari waxaan u soo jeedin lahaaa warbaahinta iyo telefayshinada madax banaan in aany buunbuunin halkaasi wax jir iyo waxaan jirina la yidhaahdo iyo waliba in si xun loo tarjumo wixii halkaasi ka socday.Mid kalena waxaan jecel ahay in aan u sheego dadka reer somaliland waar dadyohow gobolagda bariga waxaa haysta ssc goorma ayay gacanta inoo soo gashay taleex yaa ii sheegi kar? aniga ayaa isu jawaabay marnaba gacanta somaliland may soo gelin balse waxay ku jirtay gacanta sscda dagaalo badanina way inagu dhex mareen inaga iyo somaliland diidka.


Arimuhu si kastaba ha ahaadeena goobtaa lagu shirayaa marna may soo gelin gacanta somaliland balse way qorshaysnayd in ay maruun soo geli doonto gacanta dawlada haddii ay dawladu ogolaatay shirkaasi waxaa ay ka mid ahayd uun soo jiidashada ay soo jiidanayeen dadka degan degaankaasi.Markaa waxaan u soo jeedinayaa warbaahinta in ayna iska xumanay meheradahooda iyo sumcdooda sidii somaliland laga dhacay dhul ay lahayd.marka xigana waxaan u soo jeedinayaa mincaaradka dawlada inay kala gartaan mincaaradada iyo wadaniyada, dalkan somaliland wuxuu leeyahay xuduud la yaqaano oo aan cid kale ka talin karin cid kalena aanay qaadan karin haddii wanaag wax lagu waayo xumaan ayaa wax lagu helaa balse inta ay siyaasadu inoo furan tahay dagaal gelin mayno dalkeena.


Guntii iyo gabagabadii anigu waxaan qabaa in xukuumada maanta joogta xukuumad ka wanaagsani soo marin somaliland haddii ay tahay wax qabad iyo haddii ay tahay arimaha dibada,dhaqaalaha, ciidamada, shaqaalaha, mushahaarooyinka, iyo in badan oo kale oo aan xasuusin doono dadka markale.Waxaa xusid mudan in dadku ku kulsoonaado dawlada uu dooratay oo ah mid wax qabadkeedu cad yahay mugdina aanu ku jirin wax fara badan oo kalena soo wada.


Hadaba waxaa aynu arkaynaa mudo sanad iyo bila ah inta ay tartay inteebay gaadhi doontaa 4ta sano ee hadhsan ku kalsoonada dawlada idinka ayaa idmadaye ha maqlina fowfowlaha gidaarka taagan ee wax walba u rogaya xagga kale,xilkuna wuxuu saaran yahay cidii aad doorateen oo durba wax badan idiinka taray caalamaka,dawladan waxaa saaran xil aan saarayn mincaaradka taa ogaada haddii madaxweynaha shalay wax idinku yidhi maanta wixii si kale ayay ula ekaanayaan waayo xilkii ayuu qabtay oo wax shalay la sahlanaa ayaa maanta wax adag ku noqonayaa markaa dadweynaha somaliland waxaan leeyahay iska jira laba wajiilaha.

 

 

 

 

 

Cabdi. D.Camuud.
uk
adamuud@hotmail.co.uk