Talaabo cayda kulmiye haddaanay kaa bixinaynin jiifka iyo cuntadda maad ragga afkoodu wax jarayo u deysid

 

          

Waxaan Salaamayaa dhamaan shacabka soomaaliland, Waxaanan u sheegayaa Somaliland
Marxaladdo kala duwan ayey soo martay oo laga soo gudbay, Wax kastaaba bar bilow iyo bar dhamaad ayey leeyihiin arrinkan maanta taaganina wuxu ku dhamaan si kheyr leh insha alla.

Hadaba Jawabtani waxay daba socotaa dhaleecayntii iyo been ka abuuristii xisbiga kulmiye
uu kula kacay ninkan talaabo la yidhaahdo, Anigu runtii waan u khajilay markaan saaxadda
Mareegaha wax lagu qoro ku arkey magaciisa iyo turaanturadiisan.

Waxa isu kay qaban la' Talaabo miyaanu ahayn ninkii berigii dhoweyd catowga iyo cayda
gaalaa bixinayey ee ina riyaalle iyo dowladiisa caayey aakhirkiina aff-labadii kala waaxay
Ee qaylla dhaanta soo diray igga soo gaadhaay iga soo gaadhay inta aanay meel kalle illa
tegin qofkan dumarka ah ee aan u xidhanahay, Ma adigii ayaa haddlaya waa wax laga xishoodo.

hadalkaasuna waxa uu lamidyahay Meydkii qolladdii sidey ay waddadii xabaalaha ka lumeen
dabadeed ay is waydiinayeen jiddkii xaggaas ayuu ahaa maya ee dhinacaa ayuu ahaa kadib
intuu meydkii soo sara fadhiistey yidhi berigii aan noollaa waddadaas ayaa loo mari jirey.

Waxa dhacday dowladdan ina riyaalle in ay talaabo u balan qaadey in ay u dirto dhakhtar
debeda ah kadib markii uu ardasababa yimi ay warwareejisey fiisihiina la siin waayey,
hudheelkii uu deganaana cuntaddii iyo jiifkii ku qabsaday, maxakamadna lagu geeyey laguna
xukumay in aanu dhaafin qolka inta lacagta laga bixinayo, hase yeeshee lacagttii oo dowladu
ka bixinwayday aadna usii farabatay ayey qofkii dumarka ahaa ee lahayd huteelku go'aan
kalle qaadatay, una sheegtey talaabo in aanu u qalmin in uu room kamida huteelka ku jiro
oo ay u wareejinayso gurigeeda ama halkii kalle ee ay u garato, halkaas markii ay arrinku
marayey ayuu oday yuusuf qaylo dhaan soo direy oo uu shacabkii s/land ee qurbaha-jogey
arrinkii soo gaadhsiiyey sidaasna laggaga sii daayey xabsigii cajaa'ibka ahaa ee riyaalle.

Haddaba Miyaaney Damiir xumo ahayn ninkii siddaa kuu galay addiga oo wasiir sheeganaya
inaad maantana haddal laguu soo dhiibey aad shirka la timaadid, waayo ma filayo in caqli aad
wax kaga hadasho ama aad wax ku diido aqoontaadu kusiinayso. Waxa aan kugula talinayaa
inaad ka istuqfaarsatid hadalkan kaa soo yeedhey oo haddii in uun damqasho kugu hadhay
aad ka baxdid Udub iyo wasiir-kusheegan oo Magacii kaa dhimaye tashatid. Waa haddii kalle
Dee haddal somalidu waxay tidhaahdaa Afnoolina waa haddlaa Eyna waa ciyaa.

Waxa kalloo aan ku xasuusinayaa inaad ku markhaati furtay dowladdan ina riyaale inay iyaddu
tahay ta lacagta gidaar kasta la ordaysa qiimihii qarankana ku iibisey shillimaad iyo muddo
kordhin, arrinkaas oo haddii bulshadu ka tashan u keeni kara cawaqib xummo.

SOOMALILAAND MA GAYDO SHILIMAAD.

 

 

 

 

 ISMAIL ABDI JIIR