TAHNIYADDA RAMADAANTA OO KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEY NAHA EE DHAQAALAHA, GANACSIGA, IYO MAALGASHIGA AXMED XASAN CARWO



 

 




Waxa bilabantay bishii soonka, bishii quraanka, bishii raxmadda, bishii dambi dhaafka. Waa Ra madan iyo barakadeedii. Waa fursad Alle ina siiyey inaynu toobad keeno iyo nafta ooynu ku s oo dab aalno dariiqa toosan iyo tubta Raxmaanku ina faray.


Waxaan hanbalyo kal iyo laab ah u fidinayaa shacbi-weynaha Somaliland qolqol joog iyo qurboj oo gba, iyo dhammaan Islaamka daafaha dunida ku nool. Waa bisha ina mideysa ee meel kasta oo Is laam ku nool yahay maalqabeen iyo quudlaawe ay ka simanyihiin inay soomaan ooyna af ka waxba gelin daalaca waaga ilaa guduudka maqrib. Waa cadaalad Alle uu ummadiisa faray in ay dartiis u g aajoodaan ooy ogaadaan xanuunka ay leedahay si ay ugu naxaan kuwa sanadk oo dhan ku jira qa doodi iyo qaadaa ma dhergaan. Waa cibaado wadata caafimaad, naxariis i yo raxmad.

Waxaan ummadda ugu baaqayaa inay soonka adkeeyaan ooy raaciyaan salaada faradka ah iyo taraawiixda, sadaqadda iyo quraan akhriska. Waa inayna waqti ku lumin telefishanka iyo riwaayad aha beryahan dunida Islaamka lagu asqeysiiyo Ramadaanka.

Alle henaga yeelo inta dariiqa toosan raacda, inta barakada bishani ayna dhaafin, inta toobad da keenta, inta dhammaadka bisha naarta laga xoreeyo. Waa ayaamo tirsan ee yeyna dhayal kugu dhaafin.
 

 


Axmed Xasan Carwo

La-taliayaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga


eci.advisor@gmail.com