Baroordiiq


Cabdullaahi Maxamed Cumar iyo xaaskiisa Ruqiya Xasan Muxumed iyo dhammaanba carruurtooda oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan; dhammaanba ilma Ismaaciil Ceelaabe iyo carruurtooda oo dalka iyo dibadaba kala jooga. Iyaga oo ka tacsiyadeynaya geeridii naxdin lahayd ee ku timid, hooyadood Hira oo shalay lagu aasay; magaalada Hargeysa.

Waxayna si gaar ah ugu baroordiiqayaan, walaalkood Mustafe Ismaaciil Ceelaabe oo ah madaxa waaxda IT ee Jaamicadda Hargeysa.

Ilaahayna waxannu ka baryaynaa, in uu hooyo Hira geeyo jannada Firdowsa. Dhamm aanba ehelada iyo asaxaabteediina uu Ilaahay ka siiyo samir iyo iimaan buuxa.
 

 


Allahayoow Aamiin...Aamiin...Aamiin