WAR-SAXAAFADEED
Ujeeddo: Tacsi
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE,
ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka
wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dh exe iyo guud ahaanba
taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoysk a,
qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland
geerida ku timi Muja ahid Axmed Maxamed Xasan (Awoowo), kuna magac
dheeraa Axmed-japan oo ku geeriy ooday magaalada Hargeysa xalay,
laguna aasay qubuuraha Boqol-jire maanta (28/01/20 16).
Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Axmed-japan) waxa uu ka mid ahaa
saraakiishii waa w aynaa ee ciidammadii ururkii SNM, kaalinta xoogga
ah ka soo qaatay qaybtii
sahanka aag ga Galbeed ee halgamayaashii SNM, isla markaana kadib
xorrayntii Somaliland ka qayb qa atay dib-u-dejintii iyo nabadayntii
dalka.
Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay marxuumka mujaahid wayn oo
ka mid ahaa gee siyaashii uu ku suntanaa guusha halgankii dib-u-xoraynta
Somaliland, waxaannu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka
waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guu d ahaan shacabkana uu
samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka.
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi
Cabdi waxa uu dha mbaal tacsi ah u diray ehelada Marxuun Maxamed
Cabdiraxmaan Gadhyare oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa
Ujeeddo: Tacsi
Guddoomiyaha xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE,
ahna murrash axa jagada madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi
Cabdi, Guddoomiye-ku-xige enka koowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed,
Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuu suf iyo Guddoomiyaha
Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo ka w akiil
ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha
xisbiga KULMIYE waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska,
qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba sh acabka reer Somaliland ee uu
ka baxay Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare oo ku
geeriyooday magaalada Hargeysa maanta (28/01/2016).
Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka mid ahaa
ganacsatada caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka mid
ahaa waxgaradkii kaalinta wayn ka soo qa atay nabadayntii iyo dib-u-dejintii
beelaha Somaliland kadib dib-u-xorreynta waddanka. Waxa kaloo uu mar
ku biiray siyaasadda dalka, isagoo isku sharraxay Golihii Wakiillada
ee ugu horreeyey ee doorasho toos ah lagu doortay sannadkii
2005-tii, inkastoo aan ka mid noqon xildhibaanadii soo baxay.
Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha hoggaanka sare ee KULMIYE waxay ku
tilmaameen marxu umka nin taariikh wanaagsan ku lahaa dalka oo aragti
hal-abuur lahaa, waxaanay Alle ug a baryayaan inuu jannadiisa
Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan
shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka.
Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
|