TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO
TACSI GEERIDA XILDHIBAAN AXMED IBRAHIM DAAHIR
Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka,
qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum XILDHIBAAN AXMED
IBRAAHIM DAAHIR (AXMED WEYNE) ka tegay meel kasta oo ay joogaanba .
Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland , gaar
ahaan Golaha Wakiilada, Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, gobalka Mar
oodijeex.
XILDHIBAAN AXMED IBRAAHIM DAAHIR (AXMED WEYNE) waxaan aqaanay ilaa
caruurni madii Hargeysa iyo Baligubadleba.
Waxuu ahaa hormood siyasadeed una dhashay geesinimo iyo hadal cad.
Nin madax bana an oo xilkiisa aan cidna u dabo-fadhiisan, nin
saaxiibnimo leh oon abaalka iloobin, bulshaa wi asxaab badan iyo nin
kaftan aqoon ah. Waxuu ahaa xildhibaankii xisbiga Kulmiye ugu codka
badnaa, isagoo matalaaya shacbiga gobalka Maroodijeex.
Waxa lagu xusuustaa siduu ugu adkaa mabda'iisa oo uu aad uga dhex
muuqan jiray Golah a Wakiiladda iyo madasha siyaasi. Ma ahayn kuwa
xilka magac uun u sita, ee waxuu ahaa xubin firfircoon oo aad u
muuqda.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows
ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn
Eci.advisor@ymail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|