TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIG
A


 

 


TACSI: MARXUUM ISMAACIIL FAARAX JIHAAD



Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsi ga, ka reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa reer FAARAX JIHAAD oo uu hormood u yahay SAED FAARAX JIHAAD iyo dhammaan tafiirta, ehelk a, xigtada, xigaalka iyo asxaabta Marxuumka meel kasta ooy joogaanba.

 

Waxuu Ismaaciil ahaa nin afgaaban, camal san oo dabci macaan, Alle ka cabsina ku caan aha a. Alle ha u naxariisto Ismaaciil Faarax Jihaad.



Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa danbi dhaaf, naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul Fardaws, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
 

 

 


Ahmed Hassan Arwo

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhaqaalaha
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/