TACSI GEERIDA MARXUUM DHAMAC CAABI CAWAD

 


Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u diryaa Reer Cawad Bahdoon iyo tafeertooda daafaha dunida ku kala nool geerida naxdinta  le h ee ku timid Dhamac Caabi Cawad oo Taar. 23/09/2010 lagu aasay magaalada Hargeysa

Waxaan sidoo kale tacsideynayaa xaaska marxuumka, ubad ito tafiirtiisa, ehel , asxaab,  qaraab ada, xigto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan.

Oday Dhamac oo muddo dheer bukay, waxuu ahaa nin samir badan oon kolna ka caban  xanuun ka ragaadsaday, nin cibaado badan oon tusbax iyo tasbiix laga waayin, salaada ilaa yareentii oogi jiray. Oday naxariis badan oo dadka xidhiidhiya, nabad jecel oo ka hawlgala arrimaha  naba deynta iyo daminta khilaafadka bulsho. Waxuu ahaa nin ganacsi waa hore bilaabay oo  mehera do ku lahaa muddo dheer Hargeysa iyo Xarshin. Dhamac waxuu ahaa oday lagu yaqaanay oday nimo uu kaga hawl galo Gobalka Maroodi-Jeex iyo Gobalka Soomalida ee Itoobiya.

Illaahay ha siiyo marxuum Dhamac Caabi Cawad naxariistiisa, hana ka yeelo kuwa uu ku  manay sto Janatul Fardows, qabriga ha u nuuro, oo howga dhigo beer ka tirsan janada. Waxaan ka  co dsanayaa inta taqaan, iyo inta akhrisata tacsidanba inay u ducayso. Dhammaanna waxaan idin leeyahay samir iyo iimaan.



Ahmed Arwo

Hargeysa
409 6421
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com