TACSI BAROOR DIIQ

 



Salaan dabadeed . Anigoo ku hadlaaya afkayga iyo ka ehel kay , iyo ka umadda reer somaliland ee ka dhaqan dalka Saudi Arabia, waxaan halkan Tacsi tiiraan yo leh, uuga dirayaa dhamaan re er somalilnd , si gaar ah Qoyskuu ka baxay Ilahay Haw naxariistee. Eng. Yusuf Warsame Saciid, waxaan Sami iyo imaan Saadeqa ilaahay haynaga siiyo( ILAAH BAA KEENAY, ILAAH BAA QAADA Y, ILAAH BAA CAWAD KA BIXIYAY.)

 

 

Cumaroow galgalad kayga
Iyo Gogosha aan hiifay
Gabal dama la soo sheeg
Habeen galigii reer kiiye
Geeridii Yusf bay sheegayaan
Goor xun lay tabiye
Ma xishooto Geeridu
Markuu mawdk uu galae
Gabban mayo oo waa hubaal
Gacal na daynayne
Galiil yoodayeey miyaa
Xalay gama ii la diiday

*****

Geeridu xaq weeyoo
Nafluhu wuu galbanayaaye
Gidigee adoo maha ma jira
Geesi hadha yaaye
Geedi baa la marayaa
Dhamaan Goor iyo ayaane
Guluf kaa caraaba ma jiro
Goosan hadha yaaye
Galiil yada jidh keenaa
ka naxi geeri daa timeye
Geeraar ka maansada
Ilamadan qoysay garab kayga
Gubashada calooshiyo
Jidh kani wada gariiraaye
Galiil yoodayeey miyaa
Xalay gamai la diiday

*****

Kol hadaanay geeridu nin naba
Garab ka dhaafay nin
Kol haddii garaad iyo wanaag
Mawd ku wada gaadhay
Kol haddii xabaal lagu guroo
Ciida lagu gooyay
Kol haddii gayaan iyo nin wacan
Mawd ku wada gaadhay
Galiil yadan anuun baa qabe
Guule waa mahade
Geesigii dhaqaaqo yoo ma
Hadhin garab wax tiir shaaye
Galiil yoodayeey miyaa
Xalay gamai lay diiday

*****

Guuloow alahayoow
Adaan gacan ta kuu taagay
Naxariis gun wayn iyo Adaan
Kaa dalbaday , gaar u naxariise
Garab kii rasuul kiyo
Asxaab gabi ahaan tood ba
Galbis iyo raxmaad kii janada
Gali halkii kkayr leh
Gudoon kii quraan kiyo
Raxamaan, Gali hareer tiisa
Gaashaan cadaab taw ga
Yeel Gali hadh kaa giina
Anagana samir na nala gudboon
Diin ta gacal keeda

*****

 

 

Abdulkhaliq Mohamed