TAARIIKDA YAAN LAGA BEEN ABUURIN

 


 

Maqaal cinwaankiisu yahay :“Doorashadii 26 June Waxay ku Beegnayd 26-guurada Markii  Mada xweyne Siilaanyo loo Doortay Guddoomiyaha SNM’ Muj. Muuse Axmed Ibraahim (Dhegaweyne”????? ayaa wargeyska Jamhuuriya bisha July 3dii, 2010 lagu soo daabacay; Bisha Julay 4dii, 2010 ayaa isla maqaalka laftiisii lagu soo daabacay mareegta Jamhuuriya.

Durba goorma ayaa taarikho aan jirin la isku xidhiidhinayaa?

Sida ku cad xidhiidhiyahan: http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=14016&categ=2&expand=2&file=view_article.tp. ayaa ninka isku magacaabay Mj. Mu use Axmed Ibraahim ayaa taariikh khaldan oon jirin u gudbiyey warbaahinta iyo mareegaha  So maliland. Haddi aanad hubin amay ay sheeko kugu tahay Muusoow waxay haboonayd in aad dadkii goobjooga ahaa bilowgii ilaa dhammaadkii halgankii dib-u-xoreynta in aad wareysato gaar ahaan wixii la xidhiidha dhacdooyinka muhiimka sida ay u kala horeeyeen Guddoomiyeyaashi SNM . Meel fogba adigoon ka raadin waxa maanta Hargeysa ku nool Mj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Mj. Xasan Ciise Jaamac, waa laba Mj. Oo cid walba uga xogogaalsan taariikhihii halgan.

Hadaba aniga oo saxaya Mj. Muuse waxa u sheegayaa in haba yaraatee aanay jirin waxa aad ku magacowday sannad guuradii 26 ee ka soo wareegtay markii Axmed Siiraanyo loo doortay Guddoomiyihii SNM. Tiraba Seddex Guddoomiye aya Axmed Siiraanyo ka horeeyey waxayna kala ahaayeen:

1. Mj. Axmed Jimcaale Guuleed- 1981-AHUN
2. Mj Sheikh Yuusuf Sheikh Cali Sheikh Madar 1981- November 1983 AHUN.
3. Mj. Abdilqaadir Koosar November 1983-August, 1984 AHUN
4. Mj. Axmed Maxamed Siiraanyo August 1984-

Sida halkaa ku cad lix iyo Labaatan guuro iyo todobaatan guuro ku beegan maalinta doorashada madaxtooyada Somaliland iyo maalintu Axmed Siiraanyo Guddoomiyihii SNM noqday iyana ma  no qon karto taariikh hadda la bilcamo.

Guddoomiyihii shanaadna wuxu noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali AHUN oo mudo yar markuu  ha yey guddoomiyenimada waxa suurto gashay in dalka Somaliland laga xoreeyo


Cinwaankan kor ku xusan oo sidiisaba u khaldan ayaa wargeyska Jamhuuriya ku soo baxay  taa riikhdu markay ahayd Bisha July 3dii, 2010. Qoraha maqaalka ayaa waxad moodaa in uu mucjiso u arko taariikh u jecleystey keli ahaantii in uu ku beego doorashadii madaxtooyada ee dalka JSL ka qabsoontay 26kii June 2010. Taariikhda Guddoomiyaashii SNM waa mid ummaddu aad uga  dh eregsantahay oon la majro habaabin karin. Waxan odhan lahaa Mj. Muuse Axmed bal inuu wax inooga iftiimyo sirta ku duugan iyo sida ay u dhacday in kaadhadhka codbixiyeyaasha  qaadash adooda ku beeganto 18kii May, 2010; maalintii Doorashaduna ku beeganto 26 June, 2010; Ku dhawaaqistii Natiijaduna ku beeganto 1 July, 2010??!!
 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email: asabeyse@hotmail.com