WADDANI TORONTO : TAAGEERO GOA’ANKA GOLAHA WAKIILLADDA EE HAAMAHA SHIDAALKA IYO SAAMI-QAYBSIGA KURAASTA BAARLAMAANKA.

 


Shir deg-deg oo ay ku kulmeen hogaanka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Toron to iyo nawaaxigeedu, waxay ku baaqayaan


1. Waxaanu si buuxda u taageersanahay go’aanka geesinimada leh ee Golaha Wakiilladu ku laalay dhaxal-wareejintii Haamha shidaalka . Waxa la odhan karaa waa markii ugu horaysa y ee Golaha Wakiiladdu si wadajir ah ugu hiiliyeen shacbigii soo doortay . Waxa hanbalyo iy o bogaadin u diraynaa Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka iyo xildhibaanadii “ Mooshinka” taageeray . Waxa yaab iyo fajaciso ku noqotay shacbiga Somaliland fal-celintii deg-dega ahayd ee Madaxwaynaha , asaga oo tahli kariwaayay inuu dhaqan geliyo Go’aankii Maxkam adda Sare ee doorashooyinka ee soo baxay 18th August.


2. Waaxaanu soo dhawaynaynaa go’aanki xisbigga WADDANI ee ku saabsanaa xal u helista saami- qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo in si cadaalad ah o waafi ah loo eego cabashada gobolada Galbeedka & Bariga Somaliland.

 


WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDIGGA WADDANI ,TORONTO