Taageerayaasha Xisbiga Udub ee Magaalada Tog-Wajaale oo Si Balaadhan isugusoo Baxay

Wasiir dawlaha wasaarada hawlaha guudo iyo guriyayntu mar uu dad faro badan oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada ee magaalada wajaale kala hadlayay....

Wajaale (Longlivesomaliland News)- Wafti uu hogaaminaayay wasiiru dawlaha  wasa arada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Xirsi Aw Cabdi Sheekh iyo gudoomiyaha Ololaha Doorshada Xisbiga UDUB Cismaan C/laahi Cige (Cismaan Hindi) ayaa socdal ku soo  m aray magaalooyinka Gabilay iyo Wajaale halkaasi oo ay kula kulmeen  taageeraya asha xisbiga talada dalka haya ee Udub oo sita Calamaanta xisbiga kuna labisnaa dhar ay ku xardhan yihiin astaamaha xisbiga.

Magaalada Gabiley oo ay waftigani ka bilaabeen socdaalkooda ayaad dareemaysay dadka isugu soo baxay oo aad u tiro badnaa iyagoo hogaamiyayaasha waftigani dadka ugu bushaaraynayeen inay xisbiga UDUB

Wasiir dawlaha wasaarada hawlaha guudo iyo guriyayntu mar uu dad faro badan oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada ee magaalada wajaale kala hadlayay waxaa uu yidhi “s/land hanoolaato, s/land haguulaysato, waxaan runtii ku faraxsanahay oo aan sidii aan filayay ah, taageerayaasha faraha badan ee halkan isugu timid ee  xisbi ga udub si niyada, kalsooniya, iyo xisbi taageeris ah halkan isugu soo baxay.

Baryahan danbe waxaad maqashaan hadalo been ah, oo borobogaando ah, oo  xaqii qda ka fog, oo ka leexsan runta, oo layidhaa madaxwaynuhu wuxuu diiday wixii  seer farka kasoo baxay, waxaan idiin sheegayaa wax kasoo baxay majirto.  Diwaanga lintan dhacday waxay ahayd mid qalad ku jiro 80%, oo ahayd mid qofwalba ku noq-noqdo oo xataa dadkii meela kale oo s/land kabaxsan sawiradooda looga sameeyo kur uu ku codeeyo hadhow”

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Cismaan C/laahi Cige (Cismaan Hindi) oo ah gudoomiyaha Ololaha Doorasha oo dadwaynaha reer Gabiley iyo wajaale ugu baaqay in xisbiga talada haya ay u codeeyaan si somaaliland ictiraafkeedu u  dha maystirmo. Waxaa kale oo uu cismaan Hindi kula dardaarmay taageerayaasha UDUB ee iskugu soo baxay khayriyada magaalada Wajaale inay iska ilaaliyaan wixii nagabgalyada waxyeelaya.


Dhinaca kale Cismaan Hindi mar uu dhaleecayn usoo jeediyay haayada inter peace oo uu ku tilmaamay inaanay dan u ahayn jiritaanka qaranimada madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland ay qabsan karayso  doora sho xor iyo xalaal ah oo aan muran iyo madmadaw midtoona lahayn.

Saleebaan Madaxay oo ah gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Gabiley isna  sheeg ay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko taageerayaal intaa tiro leeg oo huwan calanka xibiga udub. Waxaanu sheegay inay UDUB soo dhawaynayso cidkasta oo je cel horumarka iyo dimuqraadiyada.

Ololaha maanta iyo dadka iskusoo baxay ayaa ka badnaa kii maalintii koowaad ee xibiga UDUB, maalinba maalinta ka danbaysana way sii kordhaysaa.

 


Nimcaan Dheeg

Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomliland.com
Tog-Wajaale Somaliland