Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Dalsan Oo Maanta Cud udo oda Taageero Kusoo Bandhigay Faagaaraha Beerta Xo riyada Ee Magaalada Hargeysa + Khudbadihii Masuuliyiinta.
 

 


Munaasibadaasi Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Urur Siyaasadeedka Dalsan Oo... Daawo Sawirada

 

Hargeysa (TNN)- Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Dalsan Ayaa Maanta Fagaaraha Beerta Xoriyada Ee Magaalada Hargeysa Kusoo Bandhigay Cududooda Taageero Ee Ay U Hayaan Urur Siyaasadeedka Dalsan.

Munaasibadaasi Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Urur Siyaasadeedka Dalsan Oo Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Eng: Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare ) Iyo 25-Ka Musharaxa Ee Uga Tartamaya Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Urur Siyaasadeedka Dalsan.

Ugu Horayn Waxaa Nunaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex Ee Urur Siyaasadeedka Dalsan Isaga Oo Dhamaan Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Dalsan Kula Dardaarmay Inay Sidaa Ay Maanta Usoo Buux Dhaafiyeen Beerta Xoriyada Ee Ay Musharax Walba Boodhkiisa U Sitaan Maalinta Codkana Usoo Buux Dhaafiyaan.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Marwo Layla Oo Iyaduna Madashaasi Ka Hadashay Ayaa Ilaahay Uga Bariday Inuu Ku Guuleeyo Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Fooda Inagusoo Haya Dhamaan Musharixiinta Ka Sharaxan Urur Siyaasadeedka Dalsan.

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Munaasibadaasi Hadalo Kasoo Jeediyay 25-Ka Musharax Ee Urur Siyaasadeedka Dalsan Uga Tartamaya Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa Iyaga Oodhamaantood Soo Bandhigay Waxyaabaha U Qorshaysan Ee Ay Caasimada Hargeysa Ka Badali Doonaan Hadiiba Ilaahay Ku Guuleeyo Doorashada Sidoo Kalena Waxay Shacbiga Ka Codsadeen Inay Codkooda La Garab Joogsadaan.

Geba-Gebadii Waxaa Munaasibadaasi Soo Afmeeray Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Eng: Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare) Isaga Oo Mahad-Naq Balaadhan Usoo Jeediyay Ciidamada Booliska Jamuuriyada Somaliland Waxaana Hadalkiisii Ka Mid Ahaa “Waxaan Ugu Horayn Halkan Uga Mahad Naqayaa Oo Aanay Dadku Garanin Sida Badan Oo Aan Leeyahay Garta Oo Arka Wax Qabadkooda Ciidamada Booliska Jamuuriyada Somaliland Ee Habeen Iyo Maalin Idiinkusoo Jeeda 12-Kii Xalay Baan Halkaa Ka Tagey Ciidamadu Iyagoo Soo Taagan Oo Dhaxanta Gidaarada Fadhiya Wax Kale May Ilaalinayn Nabad Galyada Dalka Ayay Sugayaan Meel Walba Heegan Ayay Sidaa Ugu Jiraan Ciidanka Boolisku Waa Lama Ilaawaan Ciidanka Boolisku Shacbiga Reer Somaliland Meelkastoy Joogaan Ha Ogaadaan Ciidamada Booliska Ee Gaajada Ku Shaqaynaya, Mushaharkay Qaataan Waad Ogtihiin Ciidanka Ninkii Hayoow Ha Dhaafin, Ninkii Wax U Qaban Karayoow Ha Dhaafin Ciidamada Booliska Ogaada, Markaad Ciidamada Booliska Wax Siinaysaan Maaha Waxa Aad Siinaysaan Laaluusha Laakiin Waa Xalaal Waa Kuwa Usoo Jeeda Weeyi Inta Ilaahay Ina Gaadhsiinayo In Ciidamada Boooliska Iyo Kuwa Qaranka Iyo Kuwa Asluubta Loo Helayo Mushaar Ku Filnaada Oo Dhaqaalaha Dalka Kasoo Baxa Waxaan Leeyahay Ogaadoo Xog Ogaal U Ahaada Oo Hadiyo Jeer Ciidamada Booliskee Idin Dhex Taagan Ushooda Udul Qaata Nabad Galyay Ka Shaqaynayaan, Heegan Bay Idiin Yihiin, Sidaasay Gaajada Ugu Taaganyihiin Waxaanan Halakan Uga Dirayaa Mahad Dheeraada Oo Lama Ilaawaana Waayo Waa Kuwaan Lasoo Shaqayn Jiray Een Garanayo Nabad Galyada Waxay Ka Qaban Jireen.

Sidoo Kale Mar Uu Gudoomiyuhu Ka Hadlayay Waxyaabaha Uu Ururka Dalsan U Taaganyahay Waxa Uu Yidhi “ Ururka Dalsan Wuxuu U Taaganyahay Nabad Nabadana Ilaahaybaa Haya Ilaahaybaanu U Baryaynaa Ururka Dalsan Inuu Umada Nabad Ka Dhaliyo Oonu Walalaysiino Oo Maanta Nabadu Meel Fiican Bay Inoo Taagantehee Aanu Hore Ugasii Qaadi Lahayn Waxaanu Ku Xijinaynaa Inaanu Dadka Barwaaqo Gaadhsiino Iyo Horumar Oonu Ilaaha Macbuudka Ah Barino Oonu Ilaahay La Kaashano Inaanu Ilaahayna Barino Inay Umadeenu Horumar Gaadho Waxay U Qaban Doonaan Musharixiinta Ururka Dalsan Ee Golayaasha Deegaanka Meel Walba Uga Sharaxani Waxay U Qaban Doonaan Cashuurta Danyarta Ah Ee Ay Ugu Hoosayso Ruuxa Dumarka Ah Ee Gidaarada Fadhiyee Khudrada Ku Iibisa, Ta Hilibka Iibisa, Ka Bacadlehee Dharka Iibiya, Kuwa Basaska Wadaa Kuligood Shaqo Qaran Bay Hayaan Kuwaasay U Adeegi Doonaan Oo Waxa Ay Bixiyaanee Cashuurtaana Wax Ugu Qaban Doonaan Oo Ay Ka Bilaabi Doonaan Xashiishka Meel Walba Daadsan Inay Ka Guraan Hadii Ilaahay Yidhaahdo” Ayuu Yidhi Ismaaciil Yare.

Hadaba Iyada Oo Wali Lagu Gudo Jiro Ololaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka Kuwaasi Oo Socon Doona Mudo 21-Maalmood Ah Ayaa Maanta Lagu Jiraa Maalintii 4-Aad Ee Ololaha Oo Ay Maanta U Lahaayeen Urur Siyaasadeedka Dalsan.

 

 


Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland