Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Rays Oo Maanta Soo Band higay Cududa Taageero Ee Ay U Hayaan Ururka Rays Iyo Gud oomiyaha Ururka Oo Sideed Cagaf Gudoonsiiyay Qaar Kamida Degmooyinka Somaliland.

 

 


Sidoo Kalena Gudoomiyaha Ururka Rays Mr: Xasan Gaafaadhi Ayaa Madashaasi Ku Gudoonsiiyay Furayaasha Sideed Cagaf Oo Uu Ugu Deeqay.... Daawo Sawiradda

Hargeysa (TNN)- Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Rays Ayaa Maanta Fagaaraha Beerta Xoriyad a Ee Magaalada Hargeysa Kusoo Bandhigay Cududa Taageero Ee Ay U Hayaan Ururka Rays, Sidoo Kalena Gudoomiyaha Ururka Rays Mr: Xasan Gaafaadhi Ayaa Madashaasi Ku Gudoonsiiyay Furayaasha Sideed Cagaf Oo Uu Ugu Deeqay Qaar Kamid Ah Degmooyinka Somaliland.

Ugu Horayn Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kasoo Jeediyay Gudoomiha Gobolka Maroodi-Jeex Ee Urur Siyaasadeedka Rays C/Risaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) Isaga Oo Mahad-Naq Balaadhan u soo Jeedi yay Dhamaan Taageerayaasha Ururka Rays Sidoo Kalena Si Gaar Ah Ugu Mahad Naqay Murashixiinta Ururka Rays Oo Uu Sheegay Inaanay La,Aantood Waxba Suurto Galeen Isaga Oo Ku Tilmaamay Inay Yihiin Adimada Uu Ururku Ku Talaabsado.

Ilhaan Faleenbo Oo Kamida Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Rays Ugu Tar-Tamaysa Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa Oo Iyaduna Halkaasi Ka Hadashay Ayaa Tilmaantay Inay Dhalinyaradu Yihiiin Kuwa Kaliyaata Ee Wax Ka Badali Kara Bilicda Caasimada Hargeysa Waxaana Hadalkeedii Kamid Ahaa “Anaga Waxaa Naloosoo Xulay Inaanu Kamid Noqono Murashixiinta Nasiibka U Helay Inay Kamid Noqdaan Kuwa U Tartamaya Caasimada Hargeysa, Run Ahaantii Maanta Caasimada Hargeysi Waxay U Baahantahay Daryeel Iyo In La Daryeelo, Bilicda Caasimada Hargeysa Inaynu Kawada Shaqayno, Aduunkan Aad Arkaysaan Waxa Badalayna Waa Dhalinyaro Dhalinyaruunbaana Hormood U Noqota, Anagoo Matalayna Dhalinyarada Caasimada Hargeysa Ka Sharaxan Waxaanu Ku Rajo Waynahay Inay Bilicda Caasimada Hargeysi Noqoto Mid Lagusoo Taamo Oo Caalamka La Talaabsatay” Ayay Tidhi Ilhaan Faleenbo.

Isaguna Waxaa Madashaasi Hadal Kasoo Jeediyay Mr: Cumar Goodaan Oo Kamida Murashixiinta Gola ha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa Uga Sharaxan Ururka Rays Isaga Oo Tilmaamay Inuu Matalayo Bulshada Laga Tiro Badanyahay Laakiin Maanta Uu Matalayo Bulsho Tiro Badan Waxa Uu Yidhi “Anigu Waxaan Matalaa Bulshada Laga Tirade Badanyahay Laakiin Maanta Ma Qabo Waxaan Matalayaa Bulsh o Tiro Badan Dhamaan Dadka Hadlkaa Iskugusoo Baxayna Waa Bulshadaydii Waa Bulshada Codka Isiin Doonta Waxaan Leeyahay Waxaan Leeyahay Insha Allah Waynu Guulaysanaynaa”

Xoghayaha Guud Ee Urur Siyaasadeedka Rays C/Qaadir Xuseen Yuusufoo Isaguna Madashaasi Ka Hadlay Ayaa Ilaahay Uga Baryay Dhamaan Murashixiinta Ururka Rays Uga Tartamaysa Lixda Gobol Ee Somaliland Inuu Ilaahay Ku Guuleeyo Hamigooga Sidoo Kalena Kula Dardaarmay Taageerayaashooda Inay Isku Duubnaadaan Oo Ku Dadaalaan Sidii Ay Usoo Saari Lahaayeen Murashixiintooda.

Sidoo Kalegudoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Ururka Rays Aaden Axmed Cilmi (Dhoolayare) Oo Isaguna Madashaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyay Ayaa Ku Dheeraaday Waxyaabaha Uu U Taaganyahay Urur ka Rays Waxaanu Yidhi “Ururka Rays Wuxuu U Taaganyahay Taageerada Danyarta Bulsho Waynta Somaliland Ilaahay Idankii Waxaan Rajaynaynaa Inuu Ururka Rays Noqdo Kii Soo Baxa, Ururka Rays Waxa Kaliya Ee Maanta U Hadhay Waa Wakhtiga Oo Kaliya Wuu Kusoo Bixi Doonaa Xisbi Hadii Ilaahay Yidhaahdo Murashxiinteenuna Way Guulaysan Doonaan Ilaahay Idankii” Ayuu Yidhi Aaden Dhoolayare.

Geba-Gebadii Munaasibadaasi Waxaa Hadal Kasoo Jeediyay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Rays Mr: Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) Isaga Oo Sheegay Murashixiinta U Tartamaysa Ururka Rays Inay Yihiin Rag Xul Ah Oo Uu Ku Kalsoonyahay Waxaanu Yidhi “Waxa Halkan Ila Jooga 25-Xildhi baan Oo Xul Ah Oo Usoo Baxay Oo Usoo Saftay Inay U Baratamaan Golaha Deegaanka Ee Degmeda Hargeysa Anaguna Aanu Ku Rajo Waynahay Waxbadanina Ay Kasoo Bixi Doonaan Dhamaantoodna Ay Yihiin Rag U Qalma Xildhibaan Kaliya Maahee Gudoomiyaha Degmeda Hargeysa, Ururka Rays Waxa Weeyaan Urur Daljoog Ah Waa Urur Intii Aynu Somaliland Ahaynba Halkan Bdadkiisu Ay Joogeen, Dareensan Dhibaatadiina Dareensan Wixii Aad Soo Marten, Taagnaa Oo Ogaa Wixii Taariikhee Halkan Ka Dhacay, Sifiicana Insha Allaahu Tacaalaa Hadaanu Xisbi Usoo Gudubno Aanu Jecelnahay Inaanu Muujino Si Aanu Baahiyaha Wax Uga Qabano,

Sidoo Kale Mar Uu Ka Hadlayay Gudoomiyuhu Sideed Cagaf Oo Uu Ugu Deeqay Qaar Kamida Degmoo yinka Somaliland Waxa Hadaladiisii Kamida Ahaa “Halkan Waxa Kamuuqda Afar Cagaf Afartaa Cagaf Waxa Uu Ururku Ugu Deeqay Afarta Degmee Kala Ah Degmeda Arabsiyo, Degmeda Gabiley, Degmeda Geed-Balaadh, Iyo Degmeda Allay-Baday, Waxa Kale Oo Iyagana La Rakibayaa Oo Ay Hawshoodu Socotaa Afar Kale Oo Iyagana Ururku Ugu Deeqay Deegaanka Xagal, Degmeda Qolujeed Ee Gobolka Awdal Degmeda Salaxlay Ee Gobolka Maroodijeex Iyo Degmeda Ceel-Afwayn Ee Gobolka Sanaag, Waxaanu Jecelnahay Hadaanu Xisbi Usoo Gudubno Inaanu Ka Baahi Tirno Dadwaynu Baahiyaha Ay U Qabaan Inay Beero Qotaan Oo Ay Wax Lasoo Baxaan” Ayuu Yidhi Xasan Gaafaadhi.

 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland