Taageerayaasha kulmiye ee Gabiley oo Gacan Saaray Wari yaha Tv-ga Qaranka uga soo warrama Gabiley Nimcaan Dheeg Ibraahin.

 


 

Hargeysa (TNN)-Maalintii Seddexaad ee Ololaha Doorashada Somaliland ayaa shalay ay  taage erayasha Xisbiga kulmiy ee Gabiley Socod ku soo mareen Jidadka waawayn ee Gabiley, Wariye Nimcaan Dheeg Ibraahin oo ku gudo jiray hawlihiisa shaqo, isla markaana Duubayay  Banaanba xyada ay xisbiga kulmiye Samaynayeen ayaa Dhalinyaro Xamaasadaysan oo ku Kacsan TV-ga Qaranka Somaliland ay gacan ula tageen Wariye Nimcaan isla markaana ay soo gaadhsiiyeen Naburo dhawr ah.

Wariye Nimcaan oo Timacade News wax ka waydiisay dhibaatada loo gaystay ayaa sheegay in dhaliyarro la soo diray oo Abaabulan Bakoorado ooda kaga qaadeen, isla markaana ka jabiyee n faryarada gacanta bidix, iyo ilkaha oo ay dhawr feedh kaga dhufteen isla markaana ka dhaq aaqay halkoodii.

Waxa kale oo uu Nimcaan intaasi ku daray in dhalinyaradan ay ku soo direen Masuuliyiinta Xis biga kulmiye ee Gabiley oo uu sheegay inay ka doonayeen Cajalad uu duubay, Nimcaan waxa kale oo uu sheegay inaan illaa hadda cid loo qabtay jirin, booliskuna ku daba jiraan dhalinyara dii dhibka u gaysatay.

Wariye Nimcaan Dheeg ayay xaaladiisa caafimaad hada wanaagsan tahay sheegayna in uu shaqadiisa gudan karo , oo aanu u joojin doonin dhalinyarada falalkan foosha xun kula kacday wariye Nimcaan.
 

 


Wariye Nimco Muxumed
Timacade News Network TNN
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com