Suxufiyiinta Madaxa Banaan oo Si Kulul u Cambaareeyay Xukunka Sharci darrada ah ee lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, Baaqna u diray Caalamka.


 

 



War- Mutiyeed ka Soo baxay Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland.

Shir balaadhan oo ka dhacay Hotelka Maan-soor oo ay maanta iskugu yimaadeen Hogaanka Q aybaha kala duwan ee Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland oo ay kaga tashanayeen Go’a anka ay ka qaadaynayaan Xukunka Sharci darrada ah ee Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay maanta ku riday Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Taf atire Xasan Xuseen Cabdilaahi ( Keef-keef) oo ay Maxkamadu ku Xukuntay Xadhig iyo Ganaax, ayay Saxaafaddu ka soo saartay bayaankan:-

Hadii aanu nahay Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxaanu Cod dheer ku cambaaray naynaa Xukunkaasi oo ahaa mid Cadaaldda ka fog, waxaanu u aragnaa mid sharci darro ah, sidoo kalena Gar-daro ah.

Xukunkan maanta lagu riday Madaxda Hubaal waxa loo Cuskaday Xeerka Ciqaabta Guud ( Soma li Penal Code), arintaasi oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Somaliland, iyo Xeerka Saxaafada Xe er No: 24/2004tii oo si cad u qeexaya in Dacwada ka dhanka Saxaafada loo maro Xeerka Saxa afada iyo Xeerka Madaniga ah, Nidaamka dacwadani loo maray waxay muujinaysaa in sharciga la baalmaray isla markaana laga soo saaray Xukun Cadaalada ka Fog.

Saxaafada Madaxa Banaan Iyadoo Ogsoon in Mudo Laba Bilood ka hor Weerar Hubaysan lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, isla markaasina Dhaawacyo la Gaadhsiiyey Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Caloolay, weerarkaasina illaa hada aanay jirin tallaabo sharci ah oo laga qaaday, fal dambiyeedkaasi oo lagu Eedeeyey Xukuumada Somaliland, Xukuumaduna ilaa hada Eedayntaasi kama ay Jawaabin.


Wargeyska Hubaal oo dhibane u ahaa dhacdadaasi Cadaaladna ka sugayey in Kiiskooda la dhag aysto waxa Nasiib darro ah in Xayiraad, Xadhiga iyo Ganaax layskugu darro, waxa kale oo aya an darro ah in arimahani ay dhacayaan iyadoo la wada og yahay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku lug leedahay.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland maaha Mid gar-diid ah, waxa ay diyaar u tahay inay sii wado waan-waad iyo wada hadal ay kula jirtay Xukuumada Somaliland si xal loogu hello Dhibaa tadan taagan ee soo noq noqonaysa.


Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland waxay Xukuumada ugu baaqaysaa in si dhakhso ah Xoriyadoodii loogu soo celiyo Labadaasi saxafi ee xidhan, isla markaana Xayiraada laga Qaado Wargeyska Hubaal, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in Dacwadaha Saxaafada loo maro nidaa mka Sharciga ah, si dhakhso ahna loo joojiyo Dacwadaha Saxaafada ee loo cuskado Xeerka Ciqaabta Guud.”

 


ALLAA MAHAD LEH.
 


Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland.
Hargeysa/ Somaliland
03/07/2013