Suugaantii kalgacayl ee soo daalacday galbeedka London todobaadkii hore oo Jimcaha fooda innagu soo haya booqanaysa Bariga London

 



Suugaantii kalgacaylka iyo xidid dariiqaynta oo ka soo daahirta galbeedka London, Bariga London ku sii fiday

Muddo aan yarayn ayaa suugaan colaadeed lagu tartamayey oo la darandooriyey oo  abwaanade eda loo kala abtirinayeyee sannadkan waxaa galbeedka london ka soo daahiray suugaantii  kalgac ayl ee dhal magaalo lagu soo barbaarin jirin, lagu ababin jirey, lagu anqarin jirey, madaama iyaga oo kala ab duwan ay degitaankii magaalada olog noqdeen, oo loo baahan yahay in bogooda burcad la isku mariyo. Ubad nac iyo naxli lagu barbaariyey, samo kama taliyo oo xataa haddii diinta la baro, waxay ku taamayaan in ay jideystaan cid kale oo ay la dagaalamaan.


Suugaantii kalgacaylka iyo xidid darayqaynta ayaa Habeenkii caweyska London iyo caawimada  Bo on xirsi ee galbeedka London, Waxaa ku kulmay dad kala baade oo kala beelo beeloba oo kala  baa diyowbey. Habeenka Maqdarada loo dhigayey Boon Xirsi waxaa si hagar la'aan ah dadkii ugu  deeq ay codkoodii dananayey Sahra Axmed Jamac iyo Saynaba Cige iyo qaar kale oo badan. Abwaan Axmed Sulaymaan Bidde oo hogaaminayey barnaamijka ayaa isaguna gabay iyo majaajilooyin ku soo bandhigay.

Habeenkan Maqdarad loogu dhigay Boon Xirsi waxaa soo qabanqaabiyey ururka SAAFI oo ku Yaal Harlesden, Galbeedka London.

Xidhiidhi yahay Ururka Roda Maxamud karaani ayaa mahad naq ujeedineysa dhammaan dadkii sida dad ban iyo kuwii sida tooska uga qaybgalay barnaamijkan. Waxay tidhi: "Ilaahay ha idinka  jasa a'isiiyo xishmadii, sharaftii iyo waxtarakii aad ku deeqdeen Abwaanka. Aniga oo afkiisii ku hadlaya na iyo afkii ururka waxaan idin leeyahay aad baad u mahadsna tihiin."

Suugaantii kalgacaylku durba waxay ku sii fiday Bariga London oo waxaa fageere loo diyaariyey A mina Casbdillahi, halkaas oo iyaduna ay ka waraabin doonto heesaheedii hore loogu bogey iyo kuw u danbaba.


Habeenkan lagu maamuusayo, laguna sagootiyayo Amina Cabdillaahi waxaa lagu qabanayaa Madas han:
 


WAA HALKEE: Praxis community
Pott street London E2 0EF
oo ku dhegan Bathnel Green station


Train Centre Line

Bus 8, D6, 388

Waa GOORMA: habeenka jimcaha ee ku beegan 28/01/2011

WAA XILIGEE: 7 12habeenimo

WAA IMISA: 15 geni oo qudha

FAAHFAAHINTA KALA SO XIDHIID:

E: admin@somalieye.co.uk

T: 079 4489 38 15

 

 

 

Sidi qabax intaad tidhi , Sanqa roorka taagtee

 

 

:By: Hamud Duale