"Sunta Malabka lagu daray"

 

 



Ma haatan bay garankii
iyo Guntigay ku qorteen
 

Dorraad duhurnimadii ayaan arkay wax aan damiir ahaan, dadnimo ahaan iyo diin ahaa nba aad uga diday.
Waxaasi aan arkay, waa wax laga yaabo; in ay dadka qaarkood si caadiya u arkaan am a aanay dhaadeynba. Laakiin aniga iigu muuqda si ka duwan sidaasi!!
Waxan arkay, sawir ay saddex gabdhood soo geliyeen; mid ka mid ah qalabka xidhiidhka bulshada (social media). Saddexdaasi gabdhood oo laga yaabo, in ay nacab ama nastee x la khaldayba yihiin; ayaa xidhnaa garamo ay u dhan yihiin dhammaanba astaamaha la gu yaqaanno qaran Somaliland.

Garamadaasi waxa loogu talogalay, in laga iibiyo dadweynaha reer Somaliland - si ay u xidhaan maalinta 18ka Meey (18th of May), 2015ka oo ku beegan 24tan guuradii ka soo wareegta gooni is-u-taagga.

Haddaba, waxa isweydiin leh; maxaa ku qoran garamadaasi?

Waxa si caddaan ah ugu qoran, wax loogu talogalay; in lagu burburiyo jiritaanka iyo mid nimada Somaliland. Waxa ka sii daran oo ciil leh, in aanay doqontu dhaadeynin dhagarta ku hoos jirta ereyada lagu xardhay dharkaasi oo laga yaabo; in ay dad badani xidhaan oo weliba soo iibsadaan - iyaga oo is leh ku dabaaldega.

Garamadaasi iyo kolley dhar kale oo loogu talogalay dabbaadeggaba, waxa lagu qoray oo si caddaan ah ugu qoran: haybhayb, degaandegaan iyo waxaan dhaamin oo loogu t alogalay; figraddii ahayd," Qaybi oo xukun" iyo ayuu qaranku jirin. Macnaha waxa ku xa rdhan: reer hebel iyo Somaliland ha noolaato!!! Qaran iyo qabiil ma is qabtaan??

Haddaba, dadweynaha reer Somaliland - gudaha iyo dibaddaba- waxa la gudboon; in aa nay iibsan dharkaasi dhagaraysan. Gaar ahaanna waxa laga yaabaa, in si gaar ah loogu khaldo; dumarka iyo dhallaanka.

Waxa kale oo waajib qaran iyo mid qowmiyadeedba ah, in aan dalka la soo galinin; qalab kaasi sumaysan ee loogu talogay duminta qaranka Somaliland.
Sidaa awgeed, hay'adaha qaranku ha qabteen qalabkaasi - inta ay goorgoor tahay! Hana yeesheen indho foojigan oo qarannimada u soo jeeda!

 



Wa bilaahi At-towfiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com