Suldaanka Guud Ee S/land Oo Ugu Baaqay Madax dha qameedka Galbeedka Burco In Aanay Dalka Fidno Ka Abuurin Oo Ay Arinta Ina Cabdiqaadir Dajiyaan

 

 



“Madaxdhaqameedyada Ka Hadlay, Ceerigaabo, Burco Iyo Hargeysa Ha Ogaadaan In Xisbigu aa nu Qabiil Lahayne Ay Dad Mabd’a Isku Keenay Oo Ku Midoobeen Ay Yihiin”Suldaan Maxamed Suldana Cabdiqaadir



Hargeysa (TNN) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Madaxdhaqameedyada Beelaha Habar Yoonis ugu baaqay in aanay arinta C/raxmaan Cabdiqaadir fogayn, isla markaana fidno ka abuurin dalka oo aan loo baahnayn in Mar kale Beelaha Somaliland dib u kala gurtaan.

Suldaan Maxamed Waxa uu tilmaamay in raga xisbiga Kulmiye ku bohoobay ay isku keeneen Fikir iyo Mabda’ balse aanay arrin qabiil iskugu iman.

Suldaan Maxamed Ayaa sidaasi waxa uu ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, waxanau hadalkiisa ku bilaabay

“Maalmahan ugu dambeeyey waxa aynu maqlaynay dhawr meelood oo hadalo ka soo yeedhayaan oo dhibtii gaadhay guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee Kulmiye C/raxmaan Cabdiqaadir, dadka qaarna si ladifan ayay uga hadleen, qaarna waxa ay uga hadleen si beelaha colaad dhexdooda dhigi karta, anigu waxa aan leeyahay Madaxdhaqameedyada hadlay ama Ceerigaabo ha ka hadleen ama Burco ha ka hadleen ama kuwa Hargeysa ha ahaadaane ha ogaadaan in xisbiga Kulmiye aanu qabiil lahayne ay dad mabd’a isku keenay oo ku midoobeen inuu yahay, mabda’ana laguma dagaalamo ee waxa uu doonayaa in la is qanciyo.

Arinta waxa aad moodaa in kolkii wax fool xun ay Shirkii Kulmiye ka dheceen in jawaabteedii ay marayso meel aan Fiicnayn, Waxa aan Madaxdhaqameedyada leeyahay idinku noqda in aad had iyo jeer nabada ka talisaan ayaa quruxbadan oo arinka aan la buunbuunin oo arinka xisbiga Kulmiye dhexdiisa uu si gaar ah uga wada hadlo.

Xisbiguna hadii aanu lahayn guddida xalinta khilaafaadka mashaakilka dhexdiisa wuu baahayaa, laakiin haddii xisbi waliba uu samaysto oo dhexdiisa uu ka soo saaro guddida xalinta khilaafaadka xisbigooda ama xisbiga Kulmiye ama Xisbiga UDUB ama UCID waxa ay noqonaysaa in khilaafkuna uu yaraado oo la wada hadlo, guddidaasina inta ay maqan tahay kolay khilaafkuna wuu badanayaa, laakiin haddii xisbi waliba uu guddi magacawdo turxaan saarka la yidhaahdo way iska dhamaanaysaa arin waliba xal waa loo heli karayaa, taa waan kula talinayaa axsaabta reer Somaliland in xisbig waliba guddidaasi dib u magacawdo, waayo xisbiguna wuu jirayaa qaranimaduna way jiraysaa, laakiin dhibaato dagaal soo wada oo ummadda isku fidnaysa looma baahna.

Xisbga maanta xukuumada gacanta ku hayaa waa xisbigii umaadu ay dooratay ee ugu codka badnaa haddii uu dhaliilo leeyahay dee waxa ay ku qurux badan tahay xisbiga gudihiisu inuu xaliyo oo uu ka qariyo ummadda, laakiin marka umadda loo soo baahiyo dee Tv-ga lagu baahiyo waxa ka soo baxaysa foolxumo markaa waxa aan leeyahay arimahaasi dib ha looga joogsado oo wixii la is odhanayo xisbi waliba waxii uu gudihiisa isku odhanayo oo shuruuc iyo distoor ayay xisbiyadu leeyihiin inay u soo maraan dariiqa xalka ah in lagu gaadhi karo uu yahay oo distoorka xisbiga dib loogu noqdo.

In arinta la sii buunbuniyo madaxdhaqameedyadu ha ka gaabsadaan arimahaas oo iyagu had iyo jeer nabadoono ayay yihiin ee nabada ha raadiyaan oo xisbiga ha isku soo jiidaan, waayo qof waliba xisbi ayuu ku jiraa, qofna ma jecla in xibsbigiisu burburo, wixii xisbiga burburinayana waa in xal ay ka gaadhaan gudidaa khilaafaadku oo haddii ay maanta inoo bislaan lahaayeen asxaabtu wax ay dadka iyo bulshdu taageerto oo dhibaatadoodu ay inagaga qarsoonaato.

Waayo anigu waxa aan qabaa in saaxada siyaasada uu boolisku dib uga joogsado oo aanay iyagu faragalin, meeshii aanu dagaalba ka dhicin waxa weeyi bileysku nabadgalyada ayay ilaaliyaan, wixii nabadgalyada khalkhal galinaya oo in si ladifan maadaama oo xisbigu gudihiisii iyo shirkiisii yahay in qofka si yar oo ladifan wax loogu sheego.

C/raxmaan Cabdiqaadir hadalo badan oo uu xisbiga, xukuumada iyo Madaxweynaha uu ka sheegay way jireen, hadana maadaama oo uu yahay guddoomiye ku xigeenka 1aad waxa ay ahayd in wakhti hore laga fiirsado oo shirka dhexdiisa lagu ambabaro may ahayn, xukuumada may ahayn tani dhacdayo wixii dambe in aan si yar oo sibixa arrimaha lagu dayin oo aan lagu galin, waa xisbigii hogaanka umadda hayey.

Dadkana waxa aan leeyahay asxaabtu qabaa’il maaha ee waa mabda ay rag isku raaceen oo qabiil walba leh weeyaan, oo salaadiintu aanay arinta ka dhex dhacda xisbi aanay waxba buunbuunin ee ay u arkaan mabda uu khilaaf soo galay in xisbiga gudihiisu uu is daweyn karo, talana ay uga baahan yihiin madaxdhaqameedyada ee aanay uga baahnayn tahdiid in xisbigii dib loogu hanjabo.

Reer Ceerigaabo cadhadii iyo dhibaatadii gaadhay ninkaasi in iyaguna tu ka daran ay abuuraan dee waxa ka qurux badan in xal salmi ah gaadhaan, oo ninkii meesha soo hogamainayey hadii lagu qaldambo in aanay somalialnd kala gurasho dambe oo ay ku kala fogaadaan aanay galin”


source:Haatuf