Suldaanka
Guud ee Beesha Makaahiil oo si Ballaadhan loogu
Caleemo-saaray Degaanka Qururuxlay

Hargeysa (TNN) - Beesha Makaahiil Isaaq ayaa markii ugu
horreysay dooratay suldaan hoggaamiya Su ldaan Maxamuud
Siciid Maxamed, kaas oo si ballaadhan loogu
caleemo-saaray degaanka degaanka Qu ruruxlay oo dhinaca
Waqooyi/bari kaga beegan Gobolka Hargeysa, isla markaana
ka tirsan degmada D aarasalaam.
Munaasibad si qurux badan loo agaasimay oo loo asteeyey
caleemo-saarka suldaanka cusub, ayaa wa xa ka qaybgalay
dadweyne ka badan 200 qof oo kala metalayey inta badan
gobollada Somaliland, kuw aas oo ay ka mid ahaayeen in ka
badan 15 isugu jira salaadiin iyo boqorrada beelaha
dalka, masuuliy iin iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada
xukuumadda Ray aale Mr. Cali Maxamed Warancadde, Muj.
Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee
Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw Axmed iyo xildhibaanno
golahaas ka tirsan oo wehelinayey, Md. Axmed Sandoon
Xasan oo Golaha Degaanka Hargeysa ka tirsan, Xoghayaha
Dawladda hoose ee Harg eysa, Guddoomiyaha degmadda
Daarasalaam, culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Aadan
Xaaji Maxa muud Xiiray (Aadan-siiro), cuqaal fara badan,
aqoonyahan, abwaanno ay horkacayeen Maxamed Aa dan Dacar,
Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Genay), Ismaaciil Basbaas
iyo fannaaniin, kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka,
dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.
Xafladda oo caleemo-saarka suldaanka cusub ee beeshu
dooratay oo laga dhex goleeyey barxad dee gaan qurux
badan oo ka mid ah doox weyn ee Qururuxlay oo ay ku
yaalaan dhir hadhac ah, waxa ka sakow caleemo-saarka
wehelinayey ciyaaro kuwa hidaha iyo dhaqan ah oo kooxda
dhallinyarada SOC SA muuqaal qurux badan leh iyo heeso
loo sameeyey suldaanka halkaasi ku soo bandhigeen iyo
welib a casuumad loo birreeyey 9 neef oo geel ah iyo 20
adhi ah.
Furitaankii munaasibaddaasi oo uu ugu horreyn ka hadlay
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah beesha
suldaanka boqratay, waxaannu weedho soo dhaweyn iyo
mahadnaq isugu jira ku qaabilay marti-sharafta
casuumadda loo fidiyey aqbashay.
Mr. Farxaan Faacuul Xasan oo isagu ka sheekeeyey
taariikhda Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, ay aa sheegay
inuu ku sifaysan yahay nin nabad-doon ah oo bini’aadamku
ka nabadgelo, isla markaana wanaagga ka shaqeeya oo aan
lagu aqoon dagaal ooge iyo xumaan kale toona. Waxa kale
oo uu shee gay inuu yahay nin dhaqan yaqaan ah oo leh
aqoon ku filan oo uu xilal ilaa heer agaasimenimo ah
kaga soo qabtay dawlihii soo maray Somaliland.
“Tirada dadka intaa le’eg ee xafladda ka soo qaybgashay
ee na soo tixgelisay waxaannu u qaadanayn aa ixtiraam
naloo hayo iyo in aan beeshan waxba laga tirsanayn oo
aanay lahayn cid cadow ah,” ayuu yidhi Farxaan Faacuul,
waxaannu intaa ku daray, “Waxaannu dadka reer Somaliland
u caddaynaynaa in aanay cunfi iyo is muujin naga ahayn
ee markii horeba annaga oo waayeel ahayn oo markii
horeba adeernimo ayaanu taagnayne ee iminkana xil ka sii
wayn oo suldaanimo ayaanu qaadanay.”
Sheekh Khaliil Sheekh Xasan oo ka mid ah odaasha caanka
ah ee reer Hargeysa, isla markaana ah xild hibaan ka
tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isaguna khudbad
uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga waramay hoggaaminta
wanaagsan iyo muwaafaqada wanaagsan ee ummadda
dhexmartaa inay keento horumar iyo badhaadhe if iyo
aakhiraba.
Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo isagu hormuud u ahaa
in ka badan 15 xubnood oo madaxdhaqa meed madasha ka
khudbadeeyey, ayaa dardaaran culus u kala diray
suldaanka cusub iyo weliba bees ha caleemo-saartay.
Sudlaan Xasan Warsame Shire (Barre), ayaa isagu ka
waramay miisaanka beesha Makaahiil ee martid a loo ahaa
oo uu ku tilmaamay inay meeqaal iyo taariikh wayn ku
leedahay Somaliland, isla markaana ay ku sifowday dhaqan
yaqaan, aftanimo iyo geesinimo, kuwaas oo uu suldaanka
iyo beeshaba kula d ardaarmay inay ilaashadaan.
Suldaan Cali Baane oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka
xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey suld aanka cusub
ee la doortay, isagoo sheegay in beesha Makaahiil mar
horeba u baahnayd suldaanimo.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo
isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa amm a anay beesha
suldaanka caleemo-saartay oo uu sheegay inay meeqaal
wayn kaga jirto Somaliland.
“Waxaan qirayaa in beeshani tahay beel qiimo ugu fadhida
Somaliland tahay oo miisaan muhiim ah ku leedahay.
Dawlada waxaan leeyahay suldaankani beeshii meesha
idinku tiirisay ayuu ka mid yahay ee iska hagaajiya,”
ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.
Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa siyaasiyiin ka
hadlay, ayaa ka iftiimiyey qiimaha saldana da oo uu
sheegay in aanay ahayn xeelad lagu shaqaysto ee ay tahay
dhaqan iyo maamul nabadgelyo, “Dadku nin bay xil saaraan
oo cidla ayey ku figeeyaan ee Ilaahay ha kugu gargaaro
suldaan xilka ma anta lagu saaray,” ayuu yidhi Maxamed
Kaahin.
Waxa kale oo uu ku kaftamay, “Halkan inyar oo kaftan ah
baa laga yidhi ee beesha Makaahiil ma yara oo annagu
xaggaa bariga Makaahiilku inuu dadka u badan yahay
ayaanu naqaanaa, malaha markuu qo ladan tolkii ah yimaado
ee afartan Ila Isaaq dhexyimaado ayuu yaraadaa illeyn
annaga reer Burco na guma yaree, arrintana waynu ognahay
oo Makaahiil dawladda kuma jiro inuu ku jirana laga
maarmaan bay ahayd ee halkiisii baynu ku celinaynaaye
afartiina yaryar ee firfircoon ee uu adeerka u yahayow
odayga jiidhjiidhka ka daaya oo idinku wax soo celiya.”
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Md. Cali
Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in salaad iintu ugu
fadhiyaan Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid muhiim
ah oo iyagu aasaas u aha qarani mada Somaliland iyo
nabadgelyada dalka.
Cali Warancadde oo dabasocday hadallada kaftanka ah ee
Maxamed Kaahin, waxa uu yidhi, “Runtii ha lkan waxa la
isku wada raacay qiimaha reerkani leeyahay oo waxaan
islahaa bari lagama yaqaanno ee mar haddii bariba sidaa
u yaqaano galbeedna maxaad mooday hadalkiisa Maxamed
Kaahinow.”
Waxa kale oo munaasibadaasi caleemo-saarka hadallo ka
jeediyey salaadiinta kala ah Suldaan Siciid Y uusuf
Ducaale, Sul. Yuusuf Muxumed Xiiray, Sul. Axmed Daahir,
Boqor Cali Xuseen Kaahin, Sul. Maxame d Daahir Cilmi, Sul.
Ibraahim Sul. Sulub Nuur, Sul. Maxamuud Siciid Maxamed,
Sul. Jaamac Ciise iyo siyaa siga Faysal Daahir Cilmi,
kuwaas oo dhammaantood erayo duco iyo dardaaran ah u
jeediyey Suldaanka cusub Sul. Maxamuud Siciid Maxamed.
Waxa kale oo madasha suugaan gabayo ah iyo hadallaba ka
jeediyey Abwaannada Maxamed Aadan Dacar iyo Xasan Xaaji
Cabdillaahi (Xasan Ganey.)
Source: SDWO
|