Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awdal oo Salaadiinta Ugu Baaqay In Aanay Farogelin Shaqada Madaxweynaha
Hargeysa (TNN)-Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaa n Cabdiraxmaan, ayaa Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa jawaab kulul ka bixi yey hadalo ka soo yeedhay salaadiinta Gobolka Awdal oo tabashooyin ka tirsanayana xukuumadda, isaga oo ugu baaqay in aanay madaxweynaha ku farogelin shaqada uu hayo dadweynaha codkooda ku doortay. Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadlay xaflad shalay ardayda dugsiga Salaama loogu q abtay hudheelka Maansoor, waxa sallaadiinta ugu baaqay inay ka waantoobaan inay xukuumadda ku farogeliyaan shaqadeeda iyo sida ay isugu shaandhaynayso shaqaalaheeda. Suldaanka beelaha Subeer Awdal oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; "Waxa dhegahayga ku s oo dhacaya xubno ka tirsan Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal qaarkood oo madax waynaha la soo doortay ee shacbiga Somaliland oo dhami soo doortay ku leh muxuu u beddelay sar kaal hebel?, qarankan Somaliland madaxwaynahaas ayaa loo doortay, shaqaalihiisa isaga ayaa kala beddelanaya, haddii aanu nahay madaxdhaqameedka waa in aanu faraha uga qaadnaa oo aanu ku farogelin. Salaadiintii hadlayna waxaan leeyahay madaxwaynaha shaqadiisa iyo shaqaalihiisa ha ku farogelini na. Inagu waxa aynu shacbiga wakiil uga nahay dhaqanka iyo nabadgelyada." Suldaan Xasan waxa uu xukuumadda cusub u rajeeyay inay ku guulaysato himilooyinkii iyo isbbedd elkii shacbigu ka filayay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxaanu sheegay in uu garab taagan yah ay, isla markaana uu u soo ducaynayo in Illaahay u fududeeyo xilka culus ee ay ummadda u hayaan. Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi wuxuu ku adkaystay in Somaliland cadow badan leedahay, kaasi oo uu sheegay in lagu jabin karo iskaashi iyo midnimo. Hadalka suldaanka beelaha Subeer Awal, waxa uu ka dambeeyey, kadib markii toddobaadkan salaa diinta reer Awdal cambaarayn iyo digniin u jeediyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay sh eegeen inay tabashooyin badan ka tirsanayaan.
Source: Jamhuuriya Online
|