Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

 

Ayaa Xukuumada uga digay in Deegaamada Waqooyiga Hargeysa ee xeebta laga reebo diwaangelinta oo jiritaankooda muran la geliyo sidii doorashadii hore, waxaanu Suldaanku si adag u sheegay inay deegaamadaasi yihiin kuwo ay Hargeysi leedahay oo aan muran la gelin Karin.
Sidaa waxa uu Suldaanku ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Saxansax khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay.

Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in uu dalku sharci iyo dastuur leeyahay, hogaanka dalka iyo shicibkana ay khasab ku tahay in la ixtiraamo, Isla markaana kaas oo haddii la iska tuuro oo dhinac la iska dhigo ay wax weyn u dhimayso dawladnimada Somaliland, xukuumaduna ay tahay ta ugu horaysa ee la doonayo in ay dabaqdo.

Waxaanu suldaanku uu cuskaday qodobo uu sheegay in ay dastuurka ku yaalaan oo tilmaamaya in uu Dalka Somaliland yahay Lix gobol oo ay magaalo madaxyadiisu yihiin degmooyinkii 60-kii jiray, kuwaasoo ay xuduudahoodu noqonayaan kuwii 60-kii ka horeeyay.

“Doorashadii hore ee Madaxtooyada ayaa la ogaa oo muran la geliyay, deegaamada Waqooyiga Hargeysa ee Xeebta oo doorashada laga reebay, waxaanan qabaa inay taasi markaa hore gef ahayd, waayo Dalku wuxuu leeyahay sharci, wuxuu leeyahay dastuur waxaana si cad ugu qoran in lixda degmo ee magaalo madaxyada lixda gobol ay xuduudahoodu noqonayaan kuwii 60-kii, markaa la jiifiyaana banaan suurtogal maaha”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.

Waxaanu Suldaanku intaa ku daray “Anigu ka Suldaan ahaan kama xumi in uu Gobolka Awdal wax helo iyo in wax loo kordhiyo toona, laakiin waxaan ka soo horjeedaa in Deegaamada iyo Gobolada uu xuduudahooda sharcigu tilmaamay kuu doonaba ha ahaadee in xaq uu leeyahay laga qaado, waayo hadii ay maanta mid ku dhacdo ka kalena beribay ku dhacaysaa, loomana baahna, Hargeysina badda kama maaranto inta uu Ilaahay ka siiyay in laga qaadana ma qabo”

Suldaan Maxamed waxa uu gabagabadii xukuumada uga digay in ay deegaamadaasi ka hadhaan diwaangalinta sidii ay doorashada uga hadheen.

Dhinaca kalena waxa uu Suldaanku baaq u jeediyay dadka Deegaanka Hargeysa oo uu ugu yeedhay in ay isugu yimaadaan kulan ay kaga arrinsanayaan deegaamadaasi waxaanu yidhi “Xukuumada waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa Deegaamadaasi waa in ay ka qayb galaan diwaangelinta oo aanay ka hadhin sidii looga reebay doorashadii hore oo kale.

Dadka reer Hargeysana waxaan leeyahay Deegamadani Hargeysa waxay u leeyihiin Muhiimad, hadalkooduna in muddo ah ayuu taagnaa oo uu gu’i la’a yahay markaa waxa lagama maar-maan ah in dadka ay khusaysaa ay isaga yimaadaan oo ay kaga arinsadaan mustaqabalka deegaamadaas, waxaanan goglayaa beertii ee waa in qorshaha lagu darsado.”

Si kastaba ha ahaatee laba habeen ka hor ayay ahayd markii ay salaadiinta iyo cuqaasha beelaha Waqooyiga iyo galbeedka hargeysa iyo Gobolka Gabilay ay qasriga madaxtooyada kula kulmeen madaxweyne Daahir Rayaale oo ay ugu gudbiyeen cabasho ay kaga hadlayeen deegaamada waqooyiga Hargeysa iyo Gabiley oo ilaa doorashooyinkii hore hadal ka taagnaa halka ay raacayaan taas oo ay sheegeen in deegaamadaasi ay ka mid yihiin Gobolada Hargeysa iyo Gabiley.

Hasayeeshee, Madaxweyne Rayaale waxa uu odayaasha u muujiyey in aanay xukuumadu diyaar u ahayn in ay cabashadaa iminka ka jawaabto, oo uu dalku jiro hawlo ka muhiimsan sida diwaan gelinta codbixiyayaasha deegaamadaasina ay ahaan doonaan sidii ay doorashooyinkii hore ahaayeen taas oo aan odayaasha u cuntamin
.
 

 

 


Wargeyska Saxan-saxo