Suldaanka Guud Ee Beelaha S/Land Oo Ka Digay Ururo Siyaasade ed Oo La Furo Inay Ku Soo Dhuuman Karaan Kooxo Xag-Jir Ah

 


 

“Bariga Dhexe Waxa Ka Socda Waxa Wada Kooxo Xag-Jir Ah, Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Yaan Laguu Dhuumanin” Suldaan Maxamed Suladaan C/Qaadir

Hargeysa, March 20, 2011 (TNN) - Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suladaan  C/q aadir ayaa madaxweyne Siillaanyo uga digay inuu furo ururada Siyaasada oo uu sheegay inay ku soo  dhu uman doonaan kooxaha xag jirka ah iyo cadawga Somaliland, uguna baaqay inuu dib uga noqdo, isagoo  in taa ku daray in xubinta guddida talo bixinta ururada kaga jirta Salaadiinta aan lagala tashanin.

Suldaan Maxamed Suladaan C/qaadir waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka kula  s oo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isagoo sidoo kale kaga hadlay arrimo ku saabsan faro galinta maamulka Majeerteeniya, xidhiidhka isaga iyo madaxweyne Siillaanyo ka dhexeeya iyo xidhiidhka Somaliland iyo  Djib outi.

Suldaanku oo ugu horayn ka hadlaya guddida talo bixinta ururada Siyaasada ee madaxweyne Siillaanyo  m agacaabay, waxa uu yidhi “Guddida loo saaray ka soo talo bixinta ururada Siyaasada ee cidii soo  magaca waday-na ay iska arkeen, cida Salaadiinta kaga jirta maaha cid Salaadiinta lagala tashaday oo ay talo ku lahaayeen, waa Waxarihii yaryaraa ee Shalay dhashay waanan ka xumahay, furitaanka ururada  Siyaas ada ee Axsaabta badan ee guddidu lafo gurayso waa lagu deg-degay, waxay ahayd in wada tashi faro badan madaxweynuhu maalinba qaybo ummada ka tirsan wada tashi kala yeesho, arimahan bariga dhexe ka socda waa Islaamiyiin Mutadarifa, cida kacdoonadan samaynaysay, madaxweynaha waxaan leeyahay yaan laguu dhuumanine Axsaab faro badan maanta dalka iyo dadku ma qaadi karo, cida ururada  aloosays aana saddexda xisbi qaran ee Sharciga ah ha ku kala biiraan, haddii kale ururka ay samaystaan Wadaado xisbiga ugu badan ayuu noqonayaa, dabeeto qalalaasaha Xamar ka socda ayaynu dhexli doonaan, waxaan leeyahay Wadkaaga la iskuma furfuro ayaan madaxweynaha iyo Xukuumadda uga digayaa, Wasiirka  Arri maha gudduhu-na waa Nin Xilka uu hayo hore u soo qabtay, haddii ay beeshiisu dhaliilo u haysana waxaan kula talinayaa inay si asturan u wada hadlaan, laakiinse Nin Xil Wasiirnimo Xukuumadda ka haya, in  Dhalii lihiisa Shacbiga la gaadhsiiyo ilama qurux badna, sidaa darteed haddii aynu ururo isku furno waxaynu  qar ka u saaranahay xaalado khatar ah, waa in Xukuumaddu shantaa sannadood ee la doortay ay ku  adkays ato saddexdaa xisbi qaran ee jira, haddii se 20 xisbi timaado reeraa look ala bixi oo tolaay yaa reer  Hebel aay ayaa dhici doonta oo qaranimada iyo dawladnimada ayaa inagag burburi doonta, macquul-na maaha in ummada reer Somalilan wakhtigan xaadirka ah ay haysato Meceeshad barar, Dhaqale xumo iyo biyo  la’a ani, halkii wax looga qaban lahaa Sarifka iyo Meceeshada qaaliyowaday in ururo aan dani ugu jirin lagu mashquuliyo, Gancsatada-na waxaan leeyahay waar ummadiina u Naxriista, oo Meceeshada iyo Sarifka Dollarka is waafajiya”.

Suladaanku isagoo hadAlkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi-na waxaan leeyahay markuu Mucaairdka ahaa-na waa kii dhaqaalaha ka hadli jiraye waxaan leeyahay waa inuu Xil iska saaro wax ka qabashada Meceeshada qaaliyowaday iyo Sarifka Dollarka ee kala batay, Abaaraha iyo biyo la’aanta-na sidii Mushaharka loo kordhiyay iyadana wax ka eega Cashuurta marka la kordhiyo Kotarabaanka ayaa bata, marka hoos loo dhigana Dakhliga ayaa kordha”.

Mar aanu weydiinay maadaama madaxweyne Siillaanyo xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada uu ku balan qaaday inuu furo doono ururada iyo shakiga uu ka muujinayo inay ka soo bixi doonaan kooxo xag jir ahi, waxa uu yidhi “Waxaan leeyaay madaxweynuhu Axsaabtaa tirada badan maadaama uu muddo sided bilood ah Xilka hayay dib ha u dhigto hana ka noqdo, ururo laga furo Somaliland waa lagu dhex arki karaa Rag Afkaaro kale iska wata oo aamisan, in madaxweynaha loo qariyana maaha, Ninka Faashka kugu  goyn aya markaad u ogolaato urur, bal xisbiga kaliya ee ka faro badan Islaamiyiinta ee soo bixi kara waa kuma”.

Mar aanu weydiinay Suldaanka xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo madaxweyne Siillaanyo, waxa uu yidhi  “M adaxweynaha aad baanu iskugu dhawnahay, anigu Kursiguun baan Saaxiib la ahay oo kolba cidii ku  fadhi da, taladaa-na Xaaji Cabdi Waraabe ayaa i siiyay, barigii hore madaxweynayaasha waxbaan ka sheegi  jir ay, maanta se arin aan wax kaga sheego madaxweyne Siillaanyo iima muuqato, markii hore Afkaarahaygu waxay iska ahaayeen xisbi Mucaarid ah, laakiin balankayaga Salaadiintu waxa weeyaan inaanan xisbi  raa cin oo aan la odhan Suldaan Maxamed Kulmiye ama UDUB buu la socdaa, sidaa darteed waxaan kula talin ayaa Axsaabtaa faraha badan ee madaxweynuhu ku baaqay ha ka joogsado oo yaanay ku noqon Soma liland dhabar jabin iyo Waddo halaq mareen ah, Balaayo Af la qabto ayay leedahaye Dabo la qabto ma laha”

Mar aanu wediinay sida uu u arko Axsaabta Mucaaridka oo qaar ka mid ahi madaxweynaha ay ku  eedee yeen inay ku xeeran yihiin koox, waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaanyo waa Siyaasigii ugu muddada  dhee raa ee SNM hogaaminayay, talo uu dadka weydiiyo mooyee Nin wax loo sheegi karo oo Maskaxda wax ka qabana maaha, sida Shakhsiyaadka qaar ay yidhaahdaan Maskaxduu wax ka qabaana Maskaxda waxba kama qabo, Nin la isku xeeri karo-na maaha waxaan leeyahay Aflagaadada madaxweynaha ha laga daayo, anigu wax dhaliil ah uma hayo”.

La soco waraysiga qaybtiis labaad oo uu kaga hadli doono arrimo xiiso leh oo ku saabsan Siyaasada arrimaha dibada, xidhiidhaka Djibouti iyo arrimo kale.

 

Source:Haatuf